Haweeynay ku guulaysatay kiis kufsi ah oo ay ku soo eedeysay Conor McGregor iyo waxa lagu xukumay

Conor McGregor

Xigashada Sawirka, Reuters

Haweeneydii eedeysay Conor McGregor, inuu kufsaday ayaa ku guuleysatay dacwadda ka dhan ah isaga oo bixinaya magdhowga kiiska madaniga ah.

Xeerbeegtida ayaa ogaatay in feeryahanka xirfadda sare leh ee u dhashay Ireland, Conor McGregor, uu ku weeraray haweenayda la yiraahdo Nikita Hand hoteel ku yaalla Dublin bishii Diseembar 2018.

Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo wax ka badan €248,000, oo magdhow ah.

Iyada oo ka hadlaysay bannaanka maxkamadda Jimcihii, Ms Hand waxa ay sheegtay in sheekadeeda ay ahayd "xusuusin in si kasta oo aad u cabsanayso in aad kor u hadasho, aadna leedahay cod".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter fiidnimadii Jimcaha, McGregor wuxuu sheegay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka, wuxuuna u mahadceliyay "dhammaan taageerayaashisa adduunka oo dhan".

"Hadda waxaan la joogaa qoyskeyga, waxaan diiradda saarayaa mustaqbalkayga" ayuu intaa raaciyay.

Xeerbeegtida maxkamadda sare ee Dublin ayaa mudo hal maalin ah ka fikirayay ka hor inta aysan soo saarin go'aanka ah in McGregor uu weeraray Ms. Hand.

Waxay sidoo kale kiis kale qaaday maxkamadu kiis kale oo ka dhan nin lagu magacaabo, James Lawrence, 35 ano jir ah.

Waxay kale sheegtay inuu iyada ku xadgudbay isagoo galmo la sameeyay iyada oo uusan oggolaansho ka helin, hoteelka Beacon. Xeerbeegtida ayaa ogaaday in uusan xadgudub ku sameynin.

"Cadaaladda ayaa la adeegsan doonaa."

Ms. Hand ayaa warbaahinta u sheegtay inay "si xad dhaaf ah u saamaysay oo ay u taabatay" taageerada ay heshay.

Waxay intaa ku dartay "Waxaan rabaa inaan tuso gabadhayda Freya, gabdhaha iyo wiilasha kale ee dhallinyarada ah in aad isdifaaci kartaan haddii wax idinku dhacaan, cidda qofkaas tahayna aysan muhiim ahayn, iyo in cadaaladda la heli doono."

Labada nin ayaa beeniyay eedeymaha ay soo gudbisay haweeneyda 35 jirka ah, waxayna sheegeen inay si gooni gooni ah galmo raalli ah la sameeyeen Ms. Hand hoteelka muddo lix sano ka hor ah.

Ka dib sideed maalmood oo cadaymo ah iyo saddex maalmood oo dhagaysi hadalada ah oo la soo xiray, garsoorayaasha oo ka koobnaa sideed haween ah iyo afar ragga ayey lix saacadood iyo tobban daqiiqo ku qaadatay inay soo saaraan go’aankoodan.

dacwada

Xigashada Sawirka, PA Media

McGregor, ayaa madaxa ruxay kadib markii xeerbeegtidu ay akhriyeen in Ms Hand ay ku guulaysatay kiiskeeda isaga ka dhanka ah. Waxaa weheliyay lammaanihiisa Dee Devlin, waalidkiis, walaashii iyo seedigiis, isagoo fadhiyey safka dambe ee maxkamadda.

Ms Hand way ooyday oo waxaa isku duubay saaxiibkeed iyo taageerayaasheeda.

Ceejin laysla dhigay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ms Hand, oo ah hooyo hal cunuga haysta, ayaa maxkamada u sheegtay sida uu McGregor ugu xiray sariir ka hor inta aanu weerarin.

Waxay tani jirkeeda ku reebeen nabaro aad u ballaaran iyo xagtimo gaar ahaan gacmaha iyo cududaheeda, sidoo kale naaska waxa ka gaaray xoqan dhiig leh iyo dhiig roob qoorta ah ka dib markii ay sheegay in McGregor uu ceejo isla dhigay.

Wuu dafiray inuu u gaystay nabadaraaas, isagoo sheegay inay dhici karto inay gaareen ka dib markii ay "si xooggan uga booday" baafka qubaysta hoteelka.

Ms Hand, waxaa lagu qaaday ambalaas maalintii xigtay Isbitaalka Rotunda ee Dublin iyadoo lagu dabiibay qeybtaa daawaynta faraxumeynta.

Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo baaray Ms Hand ayaa maxkamadda u sheegtay in aysan arag " in jugta nabarada ah” aysan ahayn kuwo muddo dheer ah.

xeerbeegtida ayaa loo sheegay sida Ms. Hand ay shaqadeedii timo naqshadaynta ka tagtay oo aysan weli awoodin inay shaqo hesho sababo la xiriira caafimaadkeeda maskaxeed, iyo in xiririkii ay la lahayd lammaanaheeda uu dhamaaday bilo ka dib dhacdada.

Waxay sidoo kale sheegtay inay joojisay inay aragto la talinteeda sababtoo ah inaysan awoodin in ay bixiso kharashaadka.

Maxkamaddu waxay dhageysatay inay ku bixisay kharash ka badan €4,000, dhaqtarka guud, farmashiyaha iyo cilmi nafsiga.