Rukia Jamal: Sida aan ugu dhago beelay uurkii aan qaaday

Jump Jamal

Xigashada Sawirka, Jump Jamal

“Xitaa haddii aad wacdo, ma qaban karto taleefanka, waxay ku dhahaysaa fariin ii soo dir, waa ay dhaga culus tahay,” ayay tiri Ruqiya Jamaal, oo caqabad maqal la’aan ah soo wajahday, iyadoo soo xiganaysa qaar ka mid ah ereyada ay ku yraahdaan macaamiisheeda.

Ruqiya, oo ah hooyo 26 jir ah oo haysata hal gabar sidoo kalana taageerayaal badan ku leh baraha bulshada, ayaa waxay dhanka kalana la kulantaa tacadiyo loogu gaysto naafonimadeeda.

Dadka qaar ee bulshada ka midka ah, arrinta naafanimadu waxay u tahay sida tigid ay ku galaan nolol ka duwan tan caadkua taas oo ay ku tiirsanaadaan gargaarka dadka kale iyaga oo noqda tuugsadayaal.

Ruqiya waxay sharaxday in bulshada qaarkeed ay fahm liit ka haystaan dadka maqalka naafada ka ah. "Waxaa jirtay marar aan xayaysiin ganacsigeygaah ku daabacay internetka, dadka qaar ayaaba igu maadaystay maadaama aan u sheegay in ay farriimo iisoo qoraan halkii ay iga soo wici lahaayeen."

Waxay intaas ku dartay in dadka qaarkiis ay u arkaan inay dhibaato weyn oo nolosha ah haysato, balse iyada waxaas oo dhan kama aysan hor istaagin inay maamusho dhammaan howlaha la xiriira ganacsigeeda si ay dakhli u hesho.

Jump Jamal

Xigashada Sawirka, Jump Jamal

Ruqiya ayaa BBC-da uga warantay dhacdooyin la xiriia dhibaatooyin ay la kulantay intii ay raadineysay nolol maalmeedkeeda iyadoo badeecooyinkeeda ku iibisa internetka.

"Waxaa jirta waqtiyo aan macaamiishayda ku waayay sababo la xiriiray in qaarkood ay jecel yihiin wacitaan kaliya, markaan u sheego inay fariin qoraal igula xariiraana ay iska tageen iyaga oo boggayga ku soo qoray in beenleey ahay waxa aan meesha ku hayana ay yihiin khiyaano." Waxay intaas ku dartay; "Xaaladdani waxay i dareensiisay niyad xumo, laakiin maadaama ay jiraan dad qaba dhibaatooyin tayda ka weyn, tusaale ahaan aan gacmo ama lugo lahayn, waxaan go’aan saday in aan wax caadi ah ka soo qaado tayda."

Waxay ka tagtaa ilmaheeda si ay nolol maalmeedkeeda u raadsato.

Ruqiya ayaa sheegtay in markii ay bilowday howlaheeda ganacsi, bishii December 2018 ay wiilkeeda uga tagtay hooyadeed xilligaas oo uu 11 bilood jir ahaa, si ay nolol maalmeedkeeda uga dabarato jasiiradaha Zanzibar.

Waxa ay sheegtay in xilligaas ay soo wacday shirkad ku taal Zanzibar oo ka codsatay in ay boos xoghayn ah uga shaqayso.

Ruqiya oo sanadkii 2016-kii qaadatay shahaado Diploma ah oo ku saabsan sida loo kaydiyi xogaha ayaa tiri, “Markii aan imid (Zanzibar) waxaa la ii xilsaaray shaqo ahayd in alaabta guriga sida maacuunta aan kala aruuriyo, Markii aan waydiiyay maamulihii goobta in shaqadani aysan tii aan ku heshiinayna wax jawaab ah ima siin. Xilligaas ma aan heli Karin lacag gaari raac waxaan ku qasbanaa in aan wadooyinka ku lugeeyo."

Waxay sheegtay in ay halkaas ka sii shaqaysay laba todobaad ka hor intii aan shaqada laga eryin. "Waxaa shaqada layga eryay sababtoo ah ma aanan haysan wax qandaraas shaqo ah, sidaas darteed ma aysan I caawin karin xitaa booliiska meeshii ka ag dhawaa."

Jump Jamal

Xigashada Sawirka, Jump Jamal

Waxay i dhahaan 'waxaan u hadashaa sida aad gariireyso’

Ruqiya waxa ay sheegtay in marka ay taleefan wici tagtaba ay ku dhihi jireen, "Haye, sidee u hadli rabtaa adiga oo lagu moodo in aad ooyayso, marka aad u hadlayso waxaadba mooda in lagu qasbayo... Dadku ma fahmayaan in dhibaato dhanka maqaka ah ku haysato,n u hadlaa sida in aan 'gariir' leeyahay oo kale."

Waxay sheegtay in dadka uga xiran dhanka khadka internetka iyo kuwa ay la kulantaba au u sharraxdo dhibaatada maqal la’aanta iyo sida loola noolaado dadka qaba.

Rukiya ayaa waxay la kulantaa waalidiinta qaar ee haysta ilmo maqalka naafo ka ah, balse qaarkooda da’yarta qaarkood ayaan banaankaba u soo bixin cabsi ay ka qabaan in la dacaayadeeyo oo six un loola dhaqmo.