Nidaamka ay Netherlands hirgelinayso ee saamaynaya barashada Qur’aanka

Iskuullo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Netherlands ayaa diyaarineysaa xeerar lagu xakameynayo dugsiyada qur’aanka iyo luuqadaha lagu barto ee la dhigto maalmaha Sabtiga iyo Axadda.

Dowladda ayaa qorsheyneysa laga bilaabo sanadka dambe in ay joojiso maadooyinkaas ayagoo sida ay sheegeen “ku dhiirigeliya carruurta naceybka, rasbashadaha iyo kala sooca” iyo in sidoo kale in la mamnuuco qaar ka mid ah macallimiinta.

Qaar ka mid ah culimada ayaa u arkay arin ka hor’imaaneysa mabaadii’da xorriyadda diinta taas oo u ogolaaneysa dadka in ay diintooda ku dhaqmaan iyagoon cidna ka baqeynin.

Sida ay sheegtay wasiiru dowlaha waxbarashada aasaasiga, Mariëlle Paul, dhacdooyinkii ka dambeyay ciyaartii Ajax-Maccabi Tel Aviv ee ka dhacay Amsterdam, ay mar kale muujiyeen muhiimadda qeynuunka cusub si wax looga qabto shaqsiyaasdka ka hor yimaada qiyamka bulshadooda.

Dalka Netherlands suuragal ma ahan in sharciyan lala socdo iskuulada la dhigto dhammaadka toddobaadka maadaama aysan ka helin dhaqaale dowladda, si rasmi ahna aan loo aqoonsan.

Sidoo kale waxaa arrintan sii huriyay wararka sheegaya in maadooyinka laga dhigo masjidyada Salafiga ay carruurta ka dhaadhiciyaan aragtiyo aan dimoqraadi ahayn iyo nacayb loo qabo shakhsiyaadka LGBT+.

Kaddib walaac uu ka dhawaajiyay raysalwasaarihii xilligaas Mark Rutte, dowladdii xilligaasi waxay qaadday tallaabooyin ay ku nidaamineyso dhammaan koorsooyinka ay maalgeliyaan dalal ama ururro shisheeye.

Qeynuunka ay diyaariyeen golihii wasiirada Rutte kaas oo baarlamaanka ay aqlabiyad ku taageereen waxaa dib u eegis ku sameeyay dowladda garabka midig ee dhawaan xukunka qabsatay.

Wasiirka waxbarashada aasaasiga, Paul ayaa nuqulkii u dambeeyay u diray golaha wasiirada toddobaadki hore.

Wasiirka waxa uu u sheegay warbaahinta dalkiisa in kormeerayaasha waxbarashada ay awoodi waayeen in ay farageliyaan dugsiyada qur’aanka lagu barto ee masaajidyada Salafiyada kuwaas uu sheegay in ay taageero ka helaan dowladda Shiinaha.

Aragtida Muslimiinta

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid ka mid ah iimaamyada masaajidyada ee Netherlands oo ka gaabsaday in aan magaciisa soo xiganno wuxuu BBC u sheegay in arrintaas ay jirto oo ay ka warhayaan, wuxuuna intaa ku daray in aqlabiyadda muslimiinta ku nool dalkaas ay carruurta baraan quraanka iyo axaadiista.

“Qowmiyado kala duwan oo muslimiin ah ayaa dalkan ku nool, siyaabo kala duwan ayeyna u arkaan arrinkaan. Bil matal kuwa ka soo jeeda dalalka weli ay dagaalladu ka socdaan, weli waxaa qalbigooda ka guuxaya dhibtii ay soo mareen iyo in xal uusan jirin, sidaa darteed dan kama laha haddii la soo saaro talaabooyin lagu adkaynayo koontaroolka diinta” ayuu u sheegay iimaamkaas BBC.

Wuxuu intaa ku daray in muslimiinta badankood ay u arkayaan arrin ka bad-badis ah oo aan loo baahnayn, isla markaana “inta xun ee yar” aysan astaan u noqon karin “inta fiican ee badan”.

Sidoo kale waxaan la xiriirnay Sheekh C/rashiid Aaden Muuse oo ka mid ah macallimiinta diinta barta carruurta Soomaaliyeed kana tirsan ururka Stichting Darusalaam, wuxuuna BBC u sheegay in inta aan la bilaabin dugsiyada la weydiiyo su’aalo la xirira manhajka taasna ay caddeyn u tahay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ka socda dugsiyada.

“Marka ugu horreysa ee aad bilaabeysid barista diinta ayaa lagu weydiinayaa su’aalahaas oo kale iyo waxaad dhigeysid. Maalinka axadda dadka waxaan u dhignaa Carabi iyo qur’aan iyo dhaqanka iyo sidii aan carruurta u wacyigelin laheyn” ayuu yiri.

Sharcigan muxuu dhigayaa?

Madrasa

Xigashada Sawirka, Anadolu

Qeynuunkan cusub oo la filayo in uu dhaqangalo sanadka dambe waxa uu keenayaa in la joojiyo maadooyinka carruurta lagu barayo waxyaabaha ka hor’imaanaya ‘qiyamka netherland iyo dimuqraadiyada’.

Macallimiinta ayaa sidoo kale laga mamnuucayaa in ay isticmaalaan qalabka waxbarashada si ay u dhiirogeliyaan naceybka, kala soocidda iyo rabshadaha.

Qeynuunka sidoo kale wuxuu quseeyaa dhammaan koorsooyinka qur’aanka ee aan rasmiga aheyn, naadiyada dhalliyarada iyo howlaha dhammaadka toddobaadka la qabto sida iskuullada Shiineeska ee ay dhigtaan carruurta da’doodu u dhexeyso 4 ilaa iyo 17 sano.

Sida uu dhigayo xeerkan cusub, ogeysiisyada ay sameeyaan degmooyinka, qeybaha ammaanka, waalidiinta iyo macallimiinta waxaa eegayaa kormeerayaasha tacliinta.

Sida laga soo xigtay wasiir Paul, kormeerka waxaa la ogolaanayaa oo kaliya marka ay ansixiyaan guddi madaxbannaan haddii tuhun macquul ah uu jiro in sharciga lagu xadgudbay.

Maxaa keenay arrintan?

Sanadkii 2018-kii dowladda Turkiga waxay go’aansatay in ay Netherland ka furto dugsiyo la dhigto Sabtiga iyo Axadda si carruurta muhaajiriinta ee Yurub aysan u iloowin afkooda iyo diintooda.

Turkiga waxay siiyana 15kun oo Euro oo taageero dhaqaale ah dugsiyo ku yaal Netherlands, Jarmalka, Faransiiska iyo Belgium.

Kaddib falcelin ka timid kooxaha garabka midig, waxa uu raysalwasaarihii hore Mark Rutte ku dhawaaqay in dugsiyada Turkiga ay culeys saareen.

Dowladda ayaa hore u sameysay baaritaan ballaaran kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in fikradaha "ka soo horjeeda dimuqraadiyadda iyo sharciga" la barayo carruurta dhigata koorsooyinka Qur'aanka ee lagu dhigo masaajidyada Salafiga ee Nederland.