Sheekh Cabdi Maxamed: Wax ka ogow nolosha macallin-dugsigii saddexda jeer noqday guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Barlamaanka saddexaad ee maamul-goboleedka Jubaland ayaa shalay doortay guddoonka golahaasi, iyadoo markii saddexaad uu barlamaanka guddoomiye u doortay isla ninkii labadii kal ee hore hoggaaminayay.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa ka kooban 75 xubnood oo lagu soo doorto habka xulista beelaha, kuwaas oo hannaanka ay ku yimaadaan ay kasoo horjeedaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta muraacdka ee maamulkaasi.
Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa dib loogu doortay doorashadan lagu muransan yahay, xilli musharaxiinta mucaaradka na ay sheegeen in iyagu na ay soo xuleen lix iyo lixdan xildhibaan oo cusub.
Tan ayaa sii adkeyneysa khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland oo ay sharci darro ku tilmaamtay dowladda federaalka oo diiday inay aqoonsato waxa ay ugu yeertay 'doorashooyinka isbarbar socda ee Jubbaland', iyada oo ay beesha caalamka ku baaqday in la hakiyo doorashada.
Axmed Madoobe ayaa hoggaaminayay maamulka Jubbaland tan iyo markii la dhisay sanadkii 2013kii, iyada oo labo jeer loo doortay madaxweyne, si la mid ah guddoomiyaha baarlamaanka ee dib loo doortay oo isna saddex jeer hoggaamiyay baarlamaanka.
Doorashaddii ugu dambeysay oo ahayd 2019kii oo ay diiday dowladdii federaalka ahayd, khilaaf badan uu hareeyay waxaa loo arkayay inay tahay muddo xilheyntiisii ugu dambeysay maadaama dastuurka uu dhigayay in madaxweynaha Jubbaland xilka qaban karo labo jeer oo keliya.
Laakiin baarlamaanka ayaa bedelay dastuurka si loogu ogolaado in madaxweyne Axmed Madoobe markale tartami karo, tilaabadaas oo ay qaadaceen mucaaradka, waana mid ka mid ah sababaha horseeday inay qaarkood ku dhaqaaqaan doorasho kale oo barbar socota tan Jubbaland.
Waa kuma Sheekh Cabdi Maxamed?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo BBC Somali siiyay wareysi uusan uga hadlin khilaafka ka taagan doorashooyinka Jubbaland, iyo doodaha sharci ee ku gedaaman dib-u-doorashadiisa xilli mucaaradku ay sheegeen inay magacaabeen baarlamaan kale, ayaa ka sheekeeyay waayihiisii hore, noloshiisii, sida uu siyaasadda kusoo galay iyo sida ay u suurtogashay in isagoo aan siyaasadda jecleyn uu saddex jeer noqdo guddoomiye baarlamaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
waxa uu sheegay in uu sanadkii1960-kii ku dhashay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Qoyskiisu waxay ahaayeen reer-guuraa.
Wuxuu waxbrashada dugsiga Qu'raanka ilaa heerka waxbrashada hoose dhexe ku qaatay isla degmada Saakow. Dugsiga sare wuxuu ku qaatay degmada Jilib ee isla gobolka.
Wuxuu BBC-da u sheegay in isagoo yar oo 14 sano jir ah uu aabihii dhintay, hooyadiisna ay toddobaadyo kadib geeriyootay, taas ayuuna aad u xusuustaa inay badday inuu ku koro nolol waalid la'aan ah.
“Agoonnimo ayaan ku soo barbaaaray, abti iyo ayeeyo hooyo ayaan la joogay markii aan 15 sano gaarayna anigaa is meel mariyey,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inuu isagu inta badan aqoontiisa ku dadaalay oo isagu is baray hadday noqoto heerka maaddiga iyo diiniga.
Aqoonta diineed ayuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii xalqadaha diiniga wax kaga baranayey dalka.
Muddo laba jeer ayuu u sheegay BBC-da inoo soo noqday macallin Qur'aan ka dibna uu noqday qaaddi maxkamadeed.
“Maxkamad ayaan ka soo shaqeeyey laboa jeer, waxbadan baan ku soo qabtay dad badan ayaa ku dhashay meherkii oo haddana reero leh,” ayuu si kaftan ah isagoo qoslaya u yiri Sheekh Cabdi.
Wuxuu sheegay inuu muddo dheer ka shaqaynayey nabadda iyo xallinta, wuxuu intaa ku daray in sanadkii 1993 ilaa1995-tii uu soo shaqeeyey hay’adda IRC, oo ka shaqaysa arrimaha samafalka.
Sanadkii 1996-dii ilaa 2000 ayuu sheegay in degmadii uu ku dhashay uu kala soo shaqeeyey hay’ado samafal ah.
Sidee ayuu siyaasadda kusoo galay?
Sheekh Cabdi sida uu sheegay ma uusan jecleyn siyaasadda, noloshiisa inta badanna wuxuu ka shaqeynayay arrimaha bulshada. Balse burburkii, dalka meelna ugama bixin, wuxuuna ka mid noqday ururkii Raaskambooni kaas oo qaar ka mid ah madaxdiisu u xuubsiibteen madaxda Jubaland.
Waxaa kale oo uu soo noqday guddoomiyaha maxkamadda degmada Saakow intii halkaas ay maamulayeen ururkii RRA.
Sheekh Cabdi, sanadkii 2014-kii ayuu noqday xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii ugu horreeyey ee Jubaland, isagoo markii dambe loo doortay guddoomiyihii ugu horreeyey ee Golaha Wakiillada Jubaland.
"Shaqada iyo howlaha iyo xaalka sida uu ahaa ayaa ila galay inaan siyaasadda galo," ayuu yiri.
Saddex muddo-xileed ayuu ka mid yahay barlamaanka oo intaba uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland, isagoo ka hadlayey wuxuu is dhihi karo wuu qabtay baarlamaankii uu hoggaaminayey muddadaas todobanka sano ayuu BBC-da u sheegay “tobankaa sano ee aan joogay bini’aadam baan ahay ma aaminsani waxaas oo weyn ayaa ku khaldantay, waxaana is leeyahay wax badan oo sharuuc ah oo dadka iyo dalku u baahnaayeen ayaan qabannay,” ayuu yiri.
Saaxiibtinnimada gaamurtay ee isaga iyo Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland

Xigashada Sawirka, SOCIAl
Mar BBC-du wax ka waydiisay saaxiibtinnimada kala dhaxeysa madaxweynaha Jubaland ayaa wuxuu yiri, “Axmed saaxiib baa nahay waa run, siyaasadda ka hor ayaan saaxiib nahay, siyaasadda kuma aanan saaxiibin, saaxiibtimadu ceeb maaha in labada qof wada shaqeeyaan, waa la dhihi karaa. Dadka waxaa dhiba labada qof oo nabad ku wada nool ayaa dhibta”.
Guddoomiye Sheekh Cabdi Maxamed ayaa hadda hoggaamin doona barlamaanka saddexaad ee Jubaland shanta sano ee soo socota.
Fiiro gaar ah: Sheekadan waxaa lagu biiriyay xog dheeraad ah, oo la xiriirta khilaafka doorashada Jubbaland.













