Benjamin Netanyahu, hoggaamiyaha uu muranku hareeyey ee Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Benjamin Netanyahu ayaa noqday hoggaamiyihii afaraad ee caalamka ee ay waaran soo qabasho u soo jarto maxkamadda dambiyada caalamiga isagoo loo haysto dambiyo ka dhana bini’aadantinimada.
Waxaa safka ugu horreeyey Vladimir Putin-ka Ruushka, Cumar Al-Bashiirkii Suudaan, iyo Mucamar Al-Qadaafigii Liibiya.
Waaranka ayaa la xiriira ficillada milatari ee Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta laga soo bilaabo maalintii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar wixii ka dambeeyay. Waxaa ka mid ah eedeymaha ah in dadka rayidka ah ay gaajoonayaan qaab dagaal, dil, si ula kac ah, weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah, iyo baabi'inta.
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee Netanyahu iyo sidoo kale saddex hoggaamiye oo Xamaas ah - ayaa wajahay eedeymo la mid ah.
Talaabadan ay qaadday maxkamada ICC, si weyn loogama soo dhaweyn Israa’iil.
Waxay ku soo beegantay waqti muhiim ah Netanyahu - Ra'iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa ee Israa'iil - oo ku dhex jira dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Qasa iyo Xisbullah ee Lubnaan, iyo colaad hor leh oo uu la leeyahay cadowga Israa’iil ee Iran.
Dagaallada ayaa dhanka kale waxa ay ka soo horjeedaan dacwad-ciqaabeed oo ka dhacday gudaha Israa’iil Netanyahu oo looga shakiyay laaluush iyo musuqmaasuq – eedaymo uu si adag u diiday.
Khilaafaadka ayaa dib u dhigay dacwadda, (taasoo keentay sheegashada qaar ka mid ah in Netanyahu uu doonayo inuu sii dheereeyo dagaalka Gaza si looga fogaado inuu wajaho maxkamadeynta). Weerarkii 7-dii Oktoobar, iyo dagaalkii xigay, ayaa sidoo kale hakiyay dibadbaxyo ballaaran oo toddobaadle ah oo looga soo horjeedo dib-u-habaynta garsoorka ee uu qorsheeyay Netanyahu kaas oo dalka ka socday bilo. Dadka dhaliila Netanyahu ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha inuu dalka kala gooyay isla markaana uu khatar ku yahay dimuqraadiyadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo dhibaatooyinkiisa oo dhan, qaar badan oo ka mid ah ay ku hanjabeen inay xukunka ka tuurayaan, Netanyahu wuxuu ku caan baxay inuu yahay nin badbaada marka uu khatar siyaasadeed galo.
Ninkan oo dib loo doortay markii shanaad Noofambar 2022, wuxuu hogaamiyaa xisbiga Likud - isbahaysiga garabka midig ee taariikhda Israa'iil.
Ku soo laabashadiisa xukunka waxa ay daba socotay muddo kooban oo mucaarad uu ahaa ka dib 12 sano oo isku xigta oo uu ahaa ra'iisul wasaare, soo laabashadiisa lama filaanka ah ayaa xaqiijisay in taageerayaashiisa ay aaminsan yihiin in "King Bibi" uu yahay mid aan siyaasad ahaan laga adkaan karin.
Netanyahu, oo 75 jir ah, waxa uu xafiiska qabtay lix jeer.
Waxa uu hore u sheegay in uu doonayo in lagu xasuusto in uu yahay ilaaliyaha Israa’iil.
Laakiin, toddobaddii Oktoobar 2023, Israa’iil ayaa la kulantay masiibadii ugu xumayd ee taariikhdeeda, ka dib markii boqolaal nin oo hubaysan oo Xamaas ah ay ka soo gudbeen xadka Qasa. Waxay dileen ilaa 1,200 oo qof 251 kalena waxay qafaal ahaan ugu wateen dhanka Gaza.
Netanyahu ayaa bilaabay dagaal uu ku burburinayo Xamaas kaas oo weli la socda sannad ka dib. Ugu yaraan 44,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas, ayadoo cambaarayn uga timid Israa’iil beesha caalamka.
Netanyahu waxa uu sidoo kale la kulmay - oo uu iska caabiyey - cadaadis weyn oo gudaha ah si uu u ogolaado xabbad joojin si loo sii daayo ilaa 100 la haystayaal ah oo weli Xamaas ay haystaan. Israa'iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu sabab u ahaa guul-darrada wada xaajoodyada.
Dhanka kale Israa’iil ayaa sidoo kale muddo sannad ah la kulmeysay weeraro kooxda ay Iran taageerto ee Xisbullah ee Lubnaan, kuwaas oo sheegay in ay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta. Ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii oo ku yaalla waqooyiga Israa'iil weerarradaas awgood.
Qiimaynta oggolaanshaha Netanyahu ayaa hoos u dhacday ka dib weerarkii 7 Oktoobar 2023, iyada oo dadka ka soo horjeeda - iyo xitaa taageerayaasha - ay ugu baaqeen inuu aqbalo mas'uuliyadda sirdoonkii ugu xumaa ee taariikhda Israa'iil. Netanyahu ilaa hadda wuu iska fogeeyay eedda shakhsi ahaaneed.
Laakiin qaar ka mid ah guulaha waaweyn ee Israa'iil - oo ay ku jiraan dilkii hoggaamiyihii Hamas Yaxya Sinwar iyo madaxa Xisbullah Xasan Nasrallah - iyo weerar dhulka ah oo caan ah oo ka dhan ah Xisbulah ayaa muujiyey qiimeynta Netanyahu oo dib u soo laabtay.
Benjamin Netanyahu wuxuu ku dhashay Tel Aviv 1949-kii. Sanadkii 1963, qoyskiisu waxay u guureen Mareykanka markii aabbihiis Benzion, oo ah taariikhyahan caan ah iyo u dhaqdhaqaaqe Sahyuuniyadda, la siiyay jago tacliimeed.
Isaga oo 18 jir ah, waxa uu ku soo noqday Israa’iil, halkaas oo uu shan sannadood ku soo qaatay ciidanka, isaga oo kabtan ka noqday cutub ka tirsan ciidanka kumaandooska, Sayeret Matkal. Waxa uu ku dhaawacmay weerar ay ku qaadeen diyaarad laga leeyahay dalka Belgium oo ay afduubteen maleeshiyaad Falastiiniyiin ah1972-kii, waxaana uu ka qeyb galay dagaalkii 1973-kii ee bariga dhexe.

Xigashada Sawirka, GPO via Getty Images
Sannadkii 1976-kii, Netanyahu walaalkii, Jonathan, ayaa la dilay isagoo hoggaaminaya howlgal lagu soo furtay la haystayaal lagu afduubay diyaarad garoonka Entebbe, ee Uganda. Dhimashadiisu waxay saameyn weyn ku yeelatay qoyska Netanyahu, waxaana magaciisa uu halyey ka noqday gudaha Israa'iil.
Netanyahu wuxuu aasaasay machad lagu xasuusto walaalkii, wuxuuna sanadkii 1982-kii noqday ku xigeenka madaxa howlgalka Israa’iil ee Washington.
Ku hadalkiisa Af-ingiriiska faseexa ah ee lahjadda Maraykanka, wuxuu noqday weji caan ka ah telefishinnada Maraykanka isago ka qayb galay doodo wax ku ool ah oo lagu difaacayo Israa’iil.
Waxaa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Israa'iil ee QM ee New York sanadkii 1984.
Imaanshihiisii xukunka
Netanyahu wuxuu ku soo biiray siyaasadda markii uu ku laabtay Israa’iil 1988-kii, isaga oo ku guuleystay kursi Likud ee Barlamaanka Israa’iil ee loo yaqaan Knessett, wuxuuna sidoo kale noqday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda.
Ka dib waxa uu noqday guddoomiyaha xisbiga, 1996-kii, ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Israa'iil si toos ah loo doorto doorasho waqtigeedka laga soo hormariyey ka dib dilkii Yitzhak Rabin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Netanyahu ayaa sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu da'da yaraa ee Israa'iil waana kii ugu horreeyay ee dhasha ka dib markii la aasaasay Israa’iil sanadkii 1948-kii.
In kasta oo uu si adag u dhaleeceeyay heshiiskii Oslo ee 1993kii ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin, Netanyahu waxa uu saxeexay heshiis uu 80% Hebron ku wareejinayo maamulka Falastiiniyiinta, waxaana uu ogolaaday in laga baxo Daanta Galbeed ee la haysto, taas oo si weyn uga soo horjeedeen siyaasiyiinta midigta.
Waxa uu lumiyay xafiiska 1999 ka dib markii uu ku baaqay doorasho 17 bilood ka hor, oo uu ka adkaaday hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Ehud Barak, taliyihii hore ee Netanyahu.
Dib u soo noolaanshihiisa siyaasadeed
Netanyahu markii uu ka dhacay hoggaaminta xisbiga Likud waxaa beddelay Ariel Sharon.
Kadib markii Sharon loo doortay ra’iisul wasaare 2001, Netanyahu ayaa dib ugu laabtay dowladda, isagoo noqday wasiirka arrimaha dibadda, ka dibna wasiirka maaliyadda. Sannadkii 2005, ayuu is casilay isagoo ka hor yimid ka baxitaanka Israa’iil ee Qasa.
Wuxuu helay fursadiisii labaad sanadkii 2005-tii markii xanuun ku soo booday Sharon.
Netanyahu wuxuu mar kale ku guuleystay hogaaminta xisbiga Likud, waxaana loo doortay ra’iisul wasaare markii labaad bishii Maarso 2009.
Wuxuu ogolaaday joojinta dhismayaasha degaannada ku yaalla Daanta Galbeed muddo 10 bilood ah, taasoo fududeysay wadahadallo nabadeed oo lala yeeshay Falastiiniyiinta, hase yeeshee wadahadalladu waxay fashilmeen dhamaadkii 2010.
Inkastoo uu 2009 ku dhawaaqay aqbalaad shuruudaysan oo ah in la aasaaso dowlad Falastiin oo dhinaca Israa’iil ah, haddana wuxuu adkeeyay mowqifkiisa. "Dowlad Falastiin ma jiri doonto, ma aha tan dadka ka hadleen. Arrintaas ma dhici doonto," ayuu yiri isagoo la hadlayay idaacadda Israa’iil sanadkii 2019.
Xiriirka uu la leeyahay Trump

Xigashada Sawirka, AFP
Imaatinkii madaxtinimada Donald Trump ee 2017 ayaa horseeday in ay si dhow isula jaan-qaadaan siyaasadaha Mareykanka iyo dowladda Israa’iil, wuxuuna Trump sanad gudihiis ku dhawaaqay in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
Talaabadan ayaa caro ka dhalisay guud ahaan wadamada Carabta - kuwaas oo taageersan sheegashada Falastiiniyiinta ee qaybta bari ee Qudus oo ay Israel qabsatay tan iyo dagaalkii bariga dhexe ee 1967 - laakiin waxay Netanyahu u gacan galisay isbeddel siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo weyn.
Bishii Janaayo 2020, Netanyahu wuxuu amaanay qorshaha Trump ee nabadda ee u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo uu ku tilmaamay "fursadda qarniga", in kasta oo ay Falastiiniyiintu diideen.
Netanyahu ayaa sidoo kale indhihiisa ku arkay, soona dhaweeyay ka bixitaanka madaxweynaha ee 2018 ee heshiiskii Nukliyeerka Iran iyo dib u soo celinta cunaqabateynta dhaqaale.
Trump ayaa si kastaba ha ahaatee hadalo deelqaaf loo arkay u jeediyay hogaamiyaha Israa'iil, isagoo ku eedeeyay daacad darro, ka dib markii uu ugu hambalyeeyay Joe Biden ku guuleysiga madaxtinimada November 2020.
Dacwado
Ka dib 2016, Netanyahu waxaa lagu helay baaritaan musuqmaasuq, ayadoo ugu dambeyntii lagu soo oogay laaluush, khiyaamo iyo jebin aaminaad oo la xiriirta saddex kiis oo kala duwan bishii Noofambar 2019. Netanyahu ayaa lagu eedeeyay inuu hadiyado ka aqbalay ganacsato taajiriin ah.
Wuu dafiray in uu khalad sameeya, isagoo sheegay in uu dhibbane u yahay " ugaarsi sixir ah " oo ay siyaasad ahaan u soo maleegeen kuwa ka soo horjeeda.













