Taageerayaasha kubadda cagta Israa'iil ee Holand lagu weeraray oo ka sheekeeyay dhibaatadii ay la kulmeen

Xigashada Sawirka, EPA
Mid ka mid ah taageerayaasha kubadda cagta Israa’iil ayaa ku tilmaamay weerar ay dhowr nin ku qaadeen rabshado habeenimo ah oo booliska Amsterdam ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen dhallinyaro mootooyin watay oo qaadayay weeraro “ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah” oo ay adkeyd in laga hortago.
Adi Reuben, oo ah 24 jir taageere u ah xooxda Maccabi Tel Aviv oo booqasho ku joogay Amsterdam ciyaartii Europa League ee ay kooxdiisu la ciyaartay Ajax, ayaa BBC u sheegay in koox dhallinyaro ah ay dhulka la dhaceen xilli uu u sii socday hotelkiisa.
Waxa uu sheegay in in ka badan 10 nin ay u yimaadeen isaga iyo saaxiibadii oo ay weydiiyeen halka ay ka yimaadeen.
"Waxay ku qaylinayeen 'Yuhuud, Yuhuudi, IDF, IDF'," milatariga Israa’iil, ayuu yiri Mr Reuben.
“Waxay igu bilaabeen inay I gardarreystaan, waxaana go’aansaday inay tahay inaan ordo, laakiin waxay ahayd mugdi, oo meel aan aado ma garanin, waxaan ku dhacay dhulka, 10 qof ayay igu garaacayeen, waxay ku qaylinayeen ‘Falastiin’.
"Ku dhawaad hal daqiiqo ayay dhulka igu garaacayeen, ka dibna way iska tageen, cidna kama baqayn.
"Waxaan xaqiiqsaday in dhiig badan uu sankayga ka daadanayay sankuna wuu jabay aad buuna u xanuunsaday."
Mr Reuben waxa uu sheegay in muddo 30 daqiiqo ah uu si fiican wax u arki waayay, balse uu go’aansaday in uusan aadin cisbitaal ku yaalla Amsterdam, sababtoo ah waxa uu maqlay in taksiileyaal ay ku lug lahaayeen rabshadaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taas beddelkeeda waxa uu sheegay in uu u duulayay Israa’iil galabnimadii Jimcaha ka dib markii ay diyaarad ay soo abaabushay dawladda Israa’iil, halkaasna uu daweyn caafimaad ku heli doono.
"Kani wuxuu ahaa weerar gaar ah oo horay loo soo abaabulay," ayuu raaciyay.
Pnina, oo ah taageere kale oo taageera kooxda Maccabi Tel Aviv, ayaa sidoo kale u sheegtay hay'adda warbaahinta Nederland ee NOS in rabshadaha ka dhanka ah Israa'iiliyiinta ay u muuqdaan kuwo la sii qorsheeyay.
"Waxay u egtahay in la soo agaasimay, dad badan baa joogay, way nagu soo boodeen... Hoteelada ayaan ku dhuumanaynay ilaa aanu badqab dareenno oo aan xaqiijino in bannaaka loo bixi karo," ayay tiri.
Esther Voet, oo ah tifaftiraha guud ee wargeys todobaadle ah oo ka soo baxa dalka Holland, oo ku nool bartamaha magaalada, ayaa sheegtay inay gurigeeda ugu yaboohday inay gabaad siiso taageerayaal badan oo Israa’iili ah, ka dib markii ay aragtay muuqaalka rabshadaha.
"Waxaan u sheegay in gurigani yahay guri Yuhuudi ah, adiguna halkan ayaad ku nabad galeysaa ayay u sheegtay warbaahinta guud ee Israa'iil Kann. "Dadku runtii aad bay u baqeen, marna kuma fikirin inaan tan kula kulmi doonno Amsterdam."
Booliiska Holland ayaa sheegay in taageerayaasha Israa’iil ay la kulmeen “tacaddiyo halis ah” intii lagu guda jiray weerarrada “ku-dhufo-oo ka dhaqaada ah” oo intooda badan ay fuliyeen rag dhallinyaro ah oo ku socday mootooyin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyaha booliska Amsterdam Peter Holla, ayaa sheegay inaysan suuragelin in laga hortago weerarada noocan oo kale ah inkastoo boolisku ay ku sugnaayeen bartamaha magaalada. Ciidanka ayaa ugu dambayn go’aansaday inay isu keenaan taageerayaasha Maccabi oo ay ilaaliyaan ka hor inta aysan baabuur basas ah uga saarin aagga, ayuu yiri.
Shan qof ayaa ku dhaawacmay, 20 ilaa 30 qof oo kalana dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray. Weerarada ayaa ka dambeeyay xiisad ka dhex taagneyd taageerayaasha Maccabi iyo dadka ku nool Amsterdam, sida ay sheegeen saraakiisha.
Arbacadii, taageerayaasha Maccabi ayaa weeraray taksi waxayna gubeen calanka Falastiin, ayuu yiri taliyaha booliska Holla.
Darawaladda taksiyada ayaa u ambabaxay goob ay ku sugnaayeen ku dhawaad 400 oo taageerayaal Maccabi ah, laakiin booliska ayaa ku guuleystay inay goobta ka saaraan.
Isku dhac kale ayaa ka dhacay Dam Square habeenkii Khamiista, balse booliska ayaa inta badan ku guuleystay inay ka hortagaan.
Habeenkii Khamiista ka hor ciyaarta, booliska ayaa raacay mudaharaadayaasha taageerayay Falastiin waxayna inta badan ku guuleysteen inay ka dhex saaraan taageerayaasha kubadda cagta – laakiin markaas kama aysan hortagin weerarada ka dhacay habeenkii xigay.
"Waxaan dib u eegaynaa 36 saacadood oo runtii i argagaxgaliyay. Taageerayaal ka yimid Israa’iil ayaa la weeraray qaarna si xun loogu xadgudbay,” ayuu yiri Holla.
“Waxaan si gaar ah ula yaabanahay in aan haysanay mid ka mid ah hawlgalladii booliska ee ugu waaweynaa oo aanan awoodin inay xakameyeen ama ka hortagan rabshadahaas.” Duqa magaalada Amsterdam Femke Halsema ayaa sheegtay in “dagaalka Bariga Dhexe uu khatar geliyay nabadda magaalada” iyo in ay “ka dhacday fal ka baxsan naceybka Yuhuudda.” Waxay sheegtay in taageerayaasha Maccabi Tel Aviv aan loo arkin inay khatar u yihiin rabshad isla markaana aysan jirin cadaawad ka dhexeysa iyaga iyo taageerayaasha kooxda Dutchka ee Ajax.
“Waan fahamsanahay inay tani na xasuusinayso weerarada dadban iyo in ay ka dhacday Amsterdam waa wax laga xumaado. Ma aha oo kaliya dad dhaawacmay habeenkii la soo dhaafay laakiin taariikhda magaalada ayaa dhaawac weyn gaaray, dhaqanka Yuhuudda ayaa la halis galiyay,” ayay tiri.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Maccabi Tel Aviv ayaa horey ugu lug lahaa dhacdooyin cunsurinimo oo ka dhacay Israa’iil, oo ay ka mid tahay caayda ciyaartoyga Falastiiniyiinta iyo Carabta ee kooxda iyo warar sheegaya inay kooxdu ku cadaadiyeen in laga saaro.
Taageerayaasha kooxda ayaa sidoo kale horey u weeraray dibadbaxayaasha ka soo horjeeda ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu. Markii wax laga weydiiyay muuqaalka taageerayaasha Maccabi ee Amsterdam oo ku heesaya halkudhigyo xun, Duqa magaalada Halsema ayaa sheegtay: “Waxa dhacay habeenkii la soo dhaafay wax lug ah kuma lahan mudaharaad. Manalahan cudurdaar wixii dhacay.”













