Deeqa Cabdinuur: Caddeymo dheeraad ah iyo nin kale oo loo soo qabtay kiiska gabadhii meydkeeda oo jarjaran laga helay Nairobi

Xigashada Sawirka, DCI
Waaxda dembi-baarista ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in qof kale ay u soo xireen dilka gabadh meydkeeda oo la jarjaray laga helay 31-kii October, qabuuraha Langata.
Qofka la soo qabtay ayay saraakiisu magaciisa ku sheegeen Jared Mong'are.
Dambi baarayaasha ayaa waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ay ka mid yihiin baangad dhiig leh, boorsada dumarka ay qaataan, dhar iyo qalab kale.
War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in baarayaasha kiiskan oo ka duulayay macluumad sirdoon ay caddeeyeen in Mong'are, laga qabtay goob uu ku dhuumanayay magaalada Eldoret.
Saraakiisha ayaa intaa ku dartay in ninkan uusan keliya ahayn ninkii lacagaha u kala gudbinayay balse sidoo kale uu lahaa gaarigii Haashim geeyay dhismaha Valley Heights Apartment, ee Lavington.
Sidoo kale waxaa la ogaaday in qolkii uu Haashim Dagane Muxumed, dagganaa ee lagu dilay gabadha dhibbanaha ah ay ka kireysay gabadh ganacsato oo iyaduna horey uga sii kireysatay milkiilaha guriga oo ay siin jirtay bil kasta kiro dhan Sh55,000 .
Si kastaba ha ahaatee, mulkiiluhu wuxuu soo saaray ogaysiis ku saabsan kordhinta kirada laga bilaabo November 2024, taasoo ku qasabtay haweeneydan inay soo dirsato dad alaabta u rara si ay uga guurto 1 November, 2024.
Tani waxay ahayd maalin kadib markii kaamiradaha CCTV-ga ay qabteen tuhmanaha weyn ee Haashim oo qolka kasii baxaya 31-kii Oktoobar.

Xigashada Sawirka, DCI
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dambi baarayaaha ayaa sidoo kale su'alo waydiiyay milkiilaha dhismaha uu falka ka dhacay oo lagu magacaabo Alice Mbinya.
Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale su'aalo waydiiyeen haweeneyda guriga ka guurtay oo iyadu geysay goobtii ay u guurtay oo alaabtii oo wali xirixiran ay furfureen si ay caddeymo u raadiyaan.
Baaritaanka ayaa booliiska la galay xaafadda Gatundu halkaas oo caddeymo kale laga helay. Baangad dhiig leh iyo qalab kale oo la mid ah kuwii laga helay Qabuuraha Langata ayaa halkaasi laga helay.
Si la mid ah uun gurigii dilka lagu geystaym eedeysanaha ayaa nadiifiyay dhibic walboo dhiig ah, balse maaddaama uu degdegsanaa si fiican uma nadiifin.
Dhanka kale, danbi-baarayaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in tuhmanaha ugu weyn uu gacanta ku hayay taleefoonka gacanta ama SIM Card-ka gabadha la dily, oo uu dhowr jeer kula xiriiri xubnaha qoyskeeda.
Baarayaasa oo dib ugu laabtay baaritaanka qabuuraha Langata, ayaa waxay halkasi ka soo heleen teleefoon iyo dhar u ek midkii ay sidatay Deeqa Cabdinuur Qorone.
Iyadoo baaritaanku socdo, ayay saraakiisha laanta dambi baarista Kenya ee DCI waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay inay dabagalaan kiiskan iyo kiisaska kale islamarkaana si degdeg ah lagu soo dhammeystiro.
Maxay ka yiraahdeen qoyska Deeqo?

Xigashada Sawirka, DCI
Aabaha dhalay deeqo oo lagu magacaabo Cabdi Macallin Nuur (Qorane) ayaa sheegay in gabadhiisa la waayay 23 bishii aanu soo dhaafnay.
Mr Qorone oo BBC la hadlay ayaa sheegay in tan waqtigaasi ay raadinayeen gabadha, isla markaana booliiska ay ku wargaliyeen.
"Taariikh aan u maleynayo inay ahayd 23 bishii Oktoobar ,meel ayay shaqo u joogtay markii ay shaqada ka baxday oo shan saac iyo bar la joogo ayaa noogu dambeysay,"ayuu yiri.
Waxaa uu inta ku daray in markii uu soo gaaray warka ah in gabadhiisa la waayay uu jahawareer dhacay islamarkaana booliiska lagu wargaliyay.
"Meel wax loo doono ayaa la waayay waa uun la orday booliiska ayaa la tagay oo laga qoray lambarro, ka dib booliiska ayaa arrinta galay iyaga ayaana waday" ayuu yiri.
Cabdi Macallin Nuur (Qorane) ayaa xusay in booliiska ay ku soo war geliyeen in meydka gabadhiisa oo la jarjaray la helay.
"Waxay nagu soo gaartay booliiska ayay naga soo gaartay gabadha meydkeedii iyo lafaheedii iyo meeshii lagu dilay, booliiska ayaa arkay markaas ayaa lafaheeda la soo xaabiyay ayadoo la qalay oo aan hilib lahayn marka warkaas ayay booliiska na soo gaarsiiyeen" ayuu intaa ku daray.
Aabahan ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dilka gabadhiisa ay ku tuhmayaan Haashim Dhaqane oo gacanta ugu jira booliiska, islamarkaana ay gabadha qaraabo ahaan isku barteen.
"Nin baa la tuhmayaa ninkiina waa la soo qabtay waa ninka gabdhaha hore-na laayay oo markii hore-na baadi-goobkiisa lagu jiray tana wuu ku darsaday markii horena waa lagu tuhmayay, anigu ma aqaan ninka laakiin waa nin markii hore qaraabo la moodayay oo qabiilka uun ka dhashay qaraabanimo ayayna markii hore isku barteen gabadha," ayuu sheegay Mr Qorane.
Aabbe Cabdi Nuur Qorane ayaa dowladda ka dalbaday inay gabadhiisa ay cadaalad hesho.
"Annaga kolley caddaalad un-baan rajeynaynaa wax allaale iyo wixii ay dowladda soo saarto un-baannu sugaynaa, tallaabo kale oo hadda noo muuqata oo aan qaadi karno ma laha dowladda iyo caddaalada wixii ka soo baxa ayaan arki doonaa" ayuu yiri.
Mar aan wax ka waydiinnay taariikhda gabadhiisa ayuu aabbahan sheegay in gabadha ay muddo dheer ku soo dadaalayeen waxbarshadeeda, islamarkaana ay dhawaan ka qalinjabisay kulliyad caafimaad.
"Gabadha waxay ahayd gabadh waxbarasahada waqti dheer ku soo jirtay sanadkeedana waa 27 jir, 7 jir ayay waxbarsho ku gashay dhakhtarnimo ayay baranaysay marka maalmahan la qabanayay ayay soo qalinjabisay markii ay soo qalinjabisay ayay shilkan la kulantay" ayuu yiri Mr Qorane.
Mr Qorone oo codkiisa laga dareemi karay murugada ayaa sheegay in gabadhiisa marki ay waxbarshadii soo dhameysay oo ay doonayeen inay ku nastaan ay cadow gacanta u gashay.
"Tuulooyiinka Mandera hoos yimaadda ayay ku soo kortay oo ka waxbaratay, marka Gasey meel la yiraahdo ayay dugsi hoose dhexe iyo saraba ku dhameysay oo jaamacad Gaarisa u aaday ka dib Nairobi ayay ku dambeysay, intaas ayey waxbarasho soo wadday annagana aan taakuleynaynay, inay wax noo soo barato oo aan ku nasanno ayaan rabnay laakiin gacan cadow ayaa alle u yeelay" ayuu intaa ku daray.
Booliiska Kenya ayaa horey gacanta ugu soo dhigay Hashim Dhaqane Muxumed oo la tuhusan yahay in uu ka dambeeyay dilka.













