Maxay tahay waxa aan lagu fekeri karin ee uu sameeyay madaxweynahan Afrikaanka ah ee ammaanta badan kulansaday?

Xigashada Sawirka, Reuters
“Soo jiid jaakaddeyda – ii sheeg waxa u baahan in la qabto.” Madaxweynaha cusub ee dalka Botswana Duma Boko ayaa maanta lagu caleema-saari doonaa magaalada Gaborone ee caasimadda dalkaas.
Xisbigiisa ayaa si kedis ah ugu guuleystay doorashada toddobaadkii hore dhacday – taasoo meesha ka saartay xukunka xisbiga talada dalkaas hayay in ka badan 60 sano tan iyo xornimadii, haatan wuxuu doonayaa inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadii ololihiisa.
Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay abuuri doonto nus milyan shaqooyin ah muddo shan sano gudaheed ah – tan oo wax looga qabanayo heerka shaqo la'aanta dalkaas ku dhowaad 30%. Waxaa sidoo kale jira arrinta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka yimaada dalka Zimbabwe, iyo baahida loo qabo in la xasiliyo dhaqaamaha dalkaas ee sida adag ugu tiirsan dheymanka.
Ninkan oo ah qof isku kalsoon oo akhlaaqna u saaxiib ah, ayaa lagu yaqaannaa inuu yahay qareen arrimaha bani'aadannimada oo aad u tababaran.
Waa kuma Boko?
Boko oo 54 jir ah ayaa ah nin aad u fekera, waxbarashadiisa sharciga ayuu ugu horreyn ku qaatay dalka Botswana kadibna Iskuulka Sharciga ee Harvard ee dalka Mareykanka.
Ninkan oo sanadkii 1969 ku dhashay Degmada Dhexe ee dalkaas, magaalada yar ee Mahalapye, wuxuu mar walba ahaa qof xushmad badan, sida ay qaraabadiisu sheegaan.
Intii uu iskuulka dhiganayay, waxaa loo doortay madaxweynaha golaha ardayda.
Xirfaddiisii sharciga, wuxuu ka mid ahaa qareennada ugu sarreeya dalkaas, sida uu qabo falanqeeye dhanka siyaasadda Lesole Machacha.
Inkastoo uusan wax weyn kasoo qaadin guushiisa, haddana waxaa loo arkaa inuu ku gaaray damaciisa sare.
In ka badan 50 sano siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku riyoon jiray inay xididdada u siibaan Xisbiga Dimuqraaddiga Botswana ee lama taabtaanka ahaa, balse keliya Boko ayaa riyadaas rumeeyay.
Guushii cajiibka ahayd ee xisbigiisa Democratic Change (UDC) ayaa ahayd mid lala yaabay, xitaa Boko qudhiisa ayaa ka mid ah, isagoo qirtay inuu la fajacay natiijada.
Balse, ninkan oo ku lebisan suudka uu caanka ku yahay ee buluugga ah, ma uusan faanin aadna uma dabaal-degin markii uu la hadlayay warbaahinta.

Xigashada Sawirka, AFP
“Waxaan keliya doonayaa inaan dadka u sheego inaan inta karaankeyga ah sameyn doono. Halka aan ku guul-darreysto, waxaan ka raadsan doonaa talo,” ayuu yiri.
Boko ayaa dalka oo wajahaya xilli dhaqaale oo adag ku soo jiitay ballan-qaadyo isbeddel, shaqo iyo lacago ay dowladda bixin doonto.
“Dadka ayaa jeclaaday tanna waa natiijada,” weriye Innocent Selatlhwa ayaa sidaas u sheegtay barnaamijka Focus on Africa ee BBC.
Intii uu ololaha waday, Boko ayaa isu soo baxyada taageerayaashiisa weydiisanayay inay isku soo dhowaadaan wuxuuna dhibaatooyinkooda u dhegeysanayay qaab ay ku qancaan da'yarta, sida ay sheegtay weriyaha. Boko wuxuu ahaa qof ad adag, balse mar walba waa qof furfuran oo dadka dhegeysta.
Wuxuu sidoo kale iska daayay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka wuxuuna dhammaan dadaalladiisa isugu geeyay inuu noqdo madaxweyne - taasoo ah tallaabo dhiirranaan leh, sida ay qabto Selatlhwa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Boko oo aad u jecel waxbarashada, wuxuu mar walba daneyn jiray arrimaha Botswana, sida uu Mr Machacha u sheegay BBC.
“Waxaa ka go'neyd xallinta arrimaha dalka,” ayuu intaa ku daray.
Wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Botswana National Front (BNF) sanadkii 2010, kaasoo lahaa fekradaha hantiwadaagga.
Balse isagoo aad uga xumaa sanadaha mucaaradka laga guuleysan jiray, ayuu Boko u ololeeyay sameynta isbahaysi axsaab oo kasoo horjeeda dowladda waxaana la sameeyay UDC.
Muddo 10 sano kahor ah ayuu cambaareyn kala kulmay hadal uu sheegay isagoo shaqaalaha Jaamacadda Botswana inay “wax ma tarayaal yihiin”, isagoo sidoo kale ahaa bare sare oo hore.
Dad badan ayaa tan u qaatay hadal ka dhan ah hannaanka waxbarashada dalkaas.
Markii arrintan uu wax ka weydiiyay weriye u shaqeynayay kanaalka Koofur Afrika laga leeyahay ee eNCA wuxuu ku jawaabay: “Runtu way xanuun badan tahay.”
Horraantii sanadkan, xaaskiisa Kaone Boko ayaa wargeyska Mmegi u sheegtay in seygeeda lagu yaqaanno ad-adeygga.
“Kama laabto dagaal; si walboo cadowgu u badan yahay,” ayay tiri.
Waana wax astaan u noqon kara sida uu ugu guuleystay inuusan harin meeshana uga saaray mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee Afrika ugu weyn.













