Caalimka ugu caansan Qasa oo soo saaray fatwo naadir ah oo uu ku cambaareeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii Oktoobar ku qaadeen Israa’iil

Xigashada Sawirka, EPA
Caalimka ugu caansan Qaza ayaa soo saaray fatwo naadir ah isagoo cambaareeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii Oktoobar 2023 ku qaadeen Israa’iil, kaasoo dhaliyay dagaalka ba’an ee dhulka Falastiin.
Professor Dr Salman al-Dayah, oo hore u ahaan jiray hormuudka kuliyada shareecada iyo sharciga ee Jaamacadda Islaamiga ah ee xiriirka la leh Xamaas ee Gaza, waa mid ka mid ah mas'uuliyiinta diimaha ee gobolka ee aadka loo ixtiraamo, sidaas darteed fikradiisa sharci ayaa miisaan weyn ku leh laba milyan oo qof oo reer Gaza ah kuwaas oo u badan Muslim Sunni ah.
Fatwada Dr Dayah, oo lagu daabacay dukumeenti lix bog ka kooban oo faahfaahsan, ayaa Xamaas ku dhaleecaysay waxa uu ugu yeeray "ku xadgudubka mabaadi'da Islaamka ee lagu maamulayo jihaadka".
Jihaad macnihiisu waa "halgan", Islaamkana waxa uu noqon karaa halgan shakhsi ah oo loogu talagalay horumarinta ruuxiga ah ama halgan milatari oo ka dhan ah gaalada.
Dr Dayah ayaa intaas ku daray: “Haddii aan la fulin tiirarka, sababaha, ama shuruudaha jihaadka, waa in laga fogaadaa in la burburiyo nolosha dadka."
Dhanka Xamaas, fatwadan waxay uga dhigan tahay ceeb iyo dhaleecayn laga yaabo inay dhaawici karto, gaar ahaan iyadoo kooxdu ay marar badan qiil uga dhigto weerarradeeda Israa'iil iyadoo la adeegsanayo doodo diimeed si ay taageero uga hesho bulshooyinka Carabta iyo Muslimiinta.
Weerarkii 7-dii Oktoobar ayaa lagu arkay boqolaal hubaysan oo Xamaas ah oo ka yimid Gaza oo soo galay koonfurta Israel. Ilaa 1,200 oo qof ayaa la dilay, 251 kalena waa la qafaashay.
Israa’iil ayaa ka jawaabtay iyada oo billowday olole millatari oo lagu burburinayo Xamaas, kaas oo in ka badan 43,400 oo qof lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho.
Dr Dayah ayaa ku doodaya in khasaaraha wayn ee rayidka ka soo gaadhay Qaza, oo ay weheliso burburkii baahsanaa ee kaabayaasha rayidka iyo masiibooyinka bini'aadantinimo ee daba socday weerarkii 7-dii Oktoobar, ay la macno tahay in ay si toos ah uga hor imanayso manhajka Islaamka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xamaas, ayuu yiri, waxa ay ku fashilantay waajibaadkeedii ahaa “in ay dagaalyahannada ka fogeeyaan guryaha rayidka [Falastiin] ee aan difaac lahayn iyo hoygooda, iyo in ay sugaan amniga iyo badbaadada intii suurtagal ah ee dhinacyada kala duwan ee nolosha... amniga, dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada, iyo u kaydinta sahay ku filan iyaga.
Dr Dayax waxa uu tilmaamay aayado qur’aan ah iyo sunnada oo shuruudo adag ku xiray hab-dhaqanka jihaadka, oo ay ka mid tahay in laga fogaado ficilada kicinaya jawaabta xad dhaafka ah ee ka dhalaneysa.
Fatwadiisu waxa ay iftiiminaysaa in, sida ay qabto shareecada Islaamka, duullaanka millatari waa in aanu sababin jawaab ka badan faa'iidooyinka ficilka.
Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay in madaxda Muslimiinta ay waajib ku tahay inay xaqiijiyaan badbaadada iyo badqabka dadka aan rayidka, oo ay ka mid yihiin siinta cunto, dawooyin iyo gabaad kuwa aan dagaalka ku jirin.
"Nafta bini'aadamka ayaa Ilaahay uga qiimo badan Maka," ayuu yiri Dr Dayah.
Mucaaradnimadiisa weerarkii 7-dii Oktoobar ayaa si gaar ah muhiim u ah marka loo eego saameynta qotoda dheer ee uu ku leeyahay Gaza, halkaasoo loo arko inuu yahay shaqsi muhiim u ah diinta isla markaana si weyn u dhaleeceeya dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, oo ay ku jiraan Xamaas iyo Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin.
Caqiidadiisa Salafiga ee qunyar socodka ah ayaa si toos ah uga soo horjeeda habka Xamaas ee iska caabinta hubaysan iyo xiriirka ay la leedahay Iran oo ay Shiicadu maamusho.
Salafiyiintu waa dad asal-raac ah oo doonaya inay ku daydaan Nebi Muxamed NNKH iyo asxaabtiisii.
Dr Dayax waxa uu si joogto ah ugu doodi jiray in la dhiso khilaafaad Islaami ah oo si adag ugu hoggaansan shareecada Islaamka, halkii ay ka ahaan lahayd nidaamyada xisbiyada siyaasadeed ee Xamaas iyo kooxaha kale u ololeeyaan.
“Waxaa ku dayasho mudan Nebi Muxamed NNKH, oo ummad dhidibada u taagay oo aan aasaasin xisbiyo siyaasadeed oo ummadda kala qaybiya. Sidaa darteed xisbiyada Islaamku waa xaaraan,” ayuu ku yiri khudbad uu dhowr sano ka hor ka jeediyay masjid.
Waxa uu sidoo kale cambaareeyay xagjirnimada, kooxaha jihaad doonka ah ee ka soo horjeeda sida dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida, waxaana uu dhammaan barnaamijyadiisa u adeegsaday fatwooyin kala duwan oo ku saabsan arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Fatwadu waxay intaas ku dartay doodda gudaha ee sii kordheysa ee Gaza iyo guud ahaan Carabta ee ku saabsan saamaynta anshaxa iyo sharciga ee ficillada Xamaas, waxayna u badan tahay inay sii huriso kala qaybsanaan dheeraad ah oo ka dhex jirta bulshada Falastiiniyiinta ee ku saabsan adeegsiga iska caabinta hubaysan ee iskahorimaadka socda ee Israel.
Sheekh Ashraf Axmed, oo ka mid ah ardaydii Dr Dayax ee sannadkii hore lagu khasbay inuu ka baxo gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaza, una qaxay koonfurta Gaza isaga iyo xaaskiisa iyo sagaal carruur ah oo uu dhalay, ayaa BBC u sheegay: “in kasta oo laga cabsi qabo duqeymo dhanka cirka ah ee Israel uu doortay inuu guto waajibaadkiisa diiniga ".
Axmed wuxuu ku tilmaamay fatwada inay ahayd xukunkii sharci ee ugu awoodda badnaa muddo dheer ka dib. "Waa dukumeenti si qoto dheer loo baaray, oo ka tarjumaysa sida ay Dayax uga go'an tahay fiqiga Islaamka," ayuu yiri.













