Maxay Qatar u dhexdhexaadin la’dahay Israa'iil iyo Xamaas?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Qatar waxay sheegtay in ay joojisay dadaalada lagu gaarayo heshiis nabadeed oo dhexmara Israel iyo Xamas. Sababta waxay dowalddu ku sheegtay in labada dhinac aysan dooneyn in ay wadaxaajoodaan.
Mareykanka ayaa la shgeegayaa in uu ku cadaadinayo Qatar in ay xirto xafiiska Xamaas ee halkaas ku yaal.
Qatar waa dal yar oo hodan ah oo qeyb weyn ka soo qaatay in nabad laga abuuro Bariga Dhexe, balse hadda waxay wajahayaan culeys ah sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen Israel iyo Xamaas.
Sidee Qatar ku noqotay dhexdhexaadiyaha ugu weyn Bariga Dhexe?
Qatar dhul ahaan waxay ku fadhidaa 11,600 oo kiilomitirt oo labo jibaaran. Waxay dhoofisaa gaas badan oo dabiici ah. Wax soo saarka dalka waxa uu dunida kaga jiraa booska lixaad.
Qatar iyada ayaa go’aansatay in ay qaadato doorka nabad sameynta. 20-kii sano ee la soo dhaafay, dalkan yar waxa uu dhexdhexaadiyay xabad-joojin badan iyo heshiisyo nabadeed oo dhexmaray dhinacyo isku haya Bariga Dhexe, Yurub iyo Afrika.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Nofember sanadkii hore ee 2023-kii, Qatar waxay martigelisay Israel iyo Xamaas si ay uga wadahadlaan xabad joojin kumeel gaar ah. Ilaa 105 maxbuus oo Israeli ah ayaa lagu beddeshay 240 Falastiiniyiin maxaabiis ahaa.
Sanadkii 2020-kii Qatar waxay dhexdhexaadisay Taalibaanka Afghanistan iyo Mareykanka, taasna waxay soo afjartay dagaal 20 sano ka socday Afghanistan.
Mareykanka iyo isbahaysigooda ugu dambeyn way ka soo saareen ciidamadooda Afghanistan iyadoo Taliban ay xukunka ku soo laabtay.
Qatar waxay sanadkii 2023-kii ka qeybqaadatay heshiis Mareyanka iyo Iran dhexmaray oo maxaabis laysku weydaarsaday. Isla sanadkaas, Qatar waxay dhexdhexaadisay wadahadallo u dhexeeyay Ruushka iyo Ukraine oo dib loogu soo celinayay carruur u dhalatay Ukraine oo loo qaaday Ruushka intii uu socday dagaalka.
Qatar waxay sidoo kale 2020-kii dhexdhexaadisay heshiis xabbad-joojin oo dhexmaray dowladda Chad iyo 40 kooxood oo mucaarad ah.
Sanadkii 2010-kii waxay Qatar dusha kala socotay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeyay dowlada Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee gobolka Galbeedka Darfur.
Maxay Qatar ku dooratay kaalinta dhexdhexaadinta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dastuurka Qatar qodobkiisa toddobaad waxa uu caddeynayaa in siyaasadda Qatar ay ku saleysan tahay mabaadi’da lagu xoojinayo nabadda iyo ammaanka iyadoo loo marayo habab nabadeed.
Qatar waxay isbahaysi dhow la tahay Mareykanka, waxa uuna ku leeyahay saladhig militeri oo ay deggan yihiin kumanyaal askarta Mareykanka ah.
Qatar waxay sidoo kale ogolaatay in kooxaha xagjirka sida Taliban iyo Xamas ay xafiisyo ka furtaan dalkeeda.
Qatar waxay dhexdhexaadisaa kooxaha siyaasadda oo aan si toos ah u wadahadli karin sida uu sheegay H.A. Hellyer oo ka tirsan machadka arrimaha ammaanka ee RUSI.
“Qatar xiriir fiican ayey la leedahay kooxaha sida Taliban iyo Xamaas sababtoo ah dagaal kalama dhexeeyo. Sidoo kale Mareykanka ayaa saldhig militeri ku leh. Dooxa waa meel ammaan u ah kooxahaas, si xor ah ayey wadahadallo ug ugali karaan iyagoon ka baqeyn in la dilo” ayuu yiri Heller.
Qatar waxay leedahay koox diblomaasiyiin ah oo si heer sare ah loo tababaray kuwaas oo la socda wadahadalada nabadda sida uu sheegayo Sanam Vakil oo ah cilmibaare.
Dhexdhexaadiyayaasha Qatar inta badan ma guuleystaan dadaaladooda ay dhinacyada iska soo horjeeda ugu dhaadhicnayaan in ay gaaraan heshiis nabadeed ama xabad joojin, ayuu leeyahay cilmibaaraha.
Maxay Qatar ugu adkaatay in ay heshiis nabadeed ka dhex sameyso Israa'iil iyo Xamaas?
Waa run in wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ay ku dhawaaqday in ay joojisay dadaalada dhexdhexaadinta ee lagu gaarayo heshiis nabadeed ee u dhexeeyay Israel iyo Xamas balse waxay beenisay wararka sheegaya in ay dooneyso in ay xirto xafiiska Xamaas ee Qatar.
Beeninta Qatar ayaa keentay in dowaldda Israel ay dhaliisho Qatar iyagoo ku sheegay in ay “taageereyso koox argagixiso”.
H.A. Hellyer waxa uu leeyahay dowaldda Qatar ayaa hoggaamiyayaasha Xamaas u ogolaatay in ay ka soo guuraan Dimishiikh kaddib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo dowladda Suuriya sanadkii 2012-kii. Tallaabada Qatar ayaa aheyd arin ay ku lug lahaayeen Mareykanka iyo Israel.
Hellyer wuxuu sidoo kale sheegay in Qatar ay ka caawisay Israel iyo Xamaas dhowr jeer in ay heshiis xabad joojin ka gaaraan dagaallo hore balse markaas labada dhinaca waxay doonayeen in xaaladda lagu soo celiyo sidii hore.
“Hadda xaalka sidii hore waa ka duwan yahay, dowaldda Israel waxay dooneysaa ammaankeeda in ka badan nabadda. Dagaalka oo sii socdana waxa uu ka caawinayaa in ay gaarto ujeedkeeda. Dhanka kale Xamaas waxay dooneysaa nabad si ay u sii jirto,” ayuu yiri climi-baare Heller.
Waxaa jira warar suuqa ah oo sheegaya in Xamaas ay qorsheyneyso in xafiiskeeda u wareejiso Turkey ama Iran balse Heller waxa uu rumeysan yahay in Qatar ay tahay halka ugu ammaanka badan hoggaamiyayaasha Xamaas haddii ay joogi karaan Qatar.
Arrintaas waxaa caddeynaya ayuu leeyahay Heller, “Ismaaciil Haniyeh waxa uu ka baxay Dooxa isagoo tagay Iiraan, Israa'iil degdeg ayey u heshay.













