Waa maxay sababta ay malaayiin qof ugu soo qulqulaan siyaarada Arbaciinka ee Karbala

Siyaarada Arbaciinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Sanaa Al Khoury
    • Role, Weriye BBC Arabic

Arbaciin Xuseen waa mid ka mid ah munaasabadaha diineed ee ugu muhiimsan Shiicada. Waxa ay xusaan iyaga oo siyaaranaya mowlaca Xuseen bin Cali bin Abii-dhaalib.

Xuseen waxa lagu dilay isaga iyo xertiisii iyo ehelkiisii dhacdadii Karbala ee sannadkii 680-kii miilaadiyada (61, Hijriyada), waxaana lagu aasay halkaas oo ah halkii uu ka dhisay mowlaca Al-Xuseen.

Waxaa la sheegaa in Al-Mukhtaar bin Abii Cubeyd Al-Thaqafi uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka dhisa xaram agagaarka Xaramka Al-Xuseen, sannadkii 65-aad ee Hijriyada, waxaana dhismihiisa uu si tartiib tartiib ah u socday xilligii khilafadii Cabbaasiyiinta.

Siyaarada Arbaciinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labadan Xaram ee Shiicadu waxa ay ugu yeeraa Labada Masjid ee Barakaysan, waxaana Mowlaca Xuseen ka mid ah Masaajid lagu tiriyo mid ka mida kuwa ugu qurxoon Farshaxanka Islaamka, waxaana lagu gartaa Minaaradda Dahabka ah, iyo Qurxinta gidaarada iyo khudbiga sare. Mowlaca ayaa ka kooban halka uu ku aasan yahay Xuseen, iyo goobaha ay ku aasan yihiin labadiisii wiil ee Cali Al-Akbar iyo Cali Al-Asghar iyo 72 ka mid ah asxaabtiisa oo lala dilay.

Munaasabadda weyn ee diiniga ah waxa ka mid ah in laga soo lugeeyo masaafo dheer magaalooyinka kale ee Ciraaq ilaa Karbala. Basra waxaa ka soo lugeeyay safar muddo labaatan maalmood ah ka hor Arbaciinka. Iraan oo ay xujaydu qaarkood kasoo lugeeyaan, ayaa socod ku soo baxa bil kahor Arbaciin. Dhanka xujayda ka imaanaya waddamada kale ee dhanka duulimaadka ku yimaada waxa ay xusaan sanad guurada, iyagoo labo maalmood oo xiriir ah ka soo lugeeyay magaalada Najaf oo ah halka uu ku yaalo mowlaca imaam Cali ibnu Abii Dhaalib una sii jeeda magaalada Karbala.

Siyaarada Arbaciinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Socodku waxa uu u yahay tacsi ku wajahan qoyska reer Xuseen oo masaafo dheer soo lugeeyay ka dib markii ay ka soo laabteen Suuriya. Dhacdadii Karbala ka dib, Xuseen walaashii Saynab iyo asxaabtiisa, xubnaha qoyska iyo carruurtiisa waa la qafaashay. Markii ay ku soo laabteen Madiina, waxay sii mareen Karbala si ay u soo booqdaan qabriga Xuseen.

Sahra Yassin oo ah macalimad u dhalatay dalka Lubnaan oo horey u soo booqatay xaramka Imaam Xuseen ayaa sheegtay in inkastoo laga soo lugeynayo magaalada Najaf ilaa Karbala ayna tahay mid daal badan, haddana waxa ay tacsi u tahay Aala beytka Nebiga. Ma dareemayno daal, sababtoo ah waxaan ognahay in waxa aan gaari doono ay ka qurux badan yihiin, dadaalkani wuxuu naga dhigayaa mid farxad leh." ayey intaasi ku dartay: "Marxaladan baaxadda leh, waxaa jidka ku yaal saldhigyo martigelineed, oo cunto iyo biyo bixiya, oo ay ciraaqiyiintu siiyaan dadka soo booqanaya macbadka."

Siyaarada Arbaciinka

Xigashada Sawirka, MOHAMED SAWAF

Xujeyda Shiicada

Inta lagu guda jiro siyaarada Arbaciin , Shiico badan oo Lubnaani ah ayaa guryahooda uga tagay qaab abaabulan oo ay ku booqanayaan Najaf iyo Karbala. Sameynta caada Dhaqameedkan ayaa si weyn u faaftay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo tasiilaadkana ay bixiyaan ololeeyayaasha ku takhasusay arrimaha xajka. Isbeddelka ku yimid xaaladda siyaasadeed ee Ciraaq ka dib markii la riday taliskii Saddam Hussein ayaa sidoo kale fududeeysay in la sameeyo cibaadeysigan diimeed ee Shiicada.

Shiicadu waxay booqdaan Xaramka Xuseen inta badan Arbaciin, laakiin waxay sidoo kale booqdaan maalinta Carrafo, habeenka laylatul qadriga, marka laga soo tago sannad-guuradii ka soo wareegtay dilkii Imaamyada iyo inta badan munaasabadaha diiniga ah ee Shiicada, ha noqoto waqti murugo ama mid farxadeed.

Siyaarada Arbaciinka

Xigashada Sawirka, HAIDAR HAMDANI

Xuska Arbaciin, Ciraaqiyiintu waxay albaabada u furaan dadka soo booqda, iyadoo molwaca Al-Cabbaas uu sameeyo bixinta adeegyada saadka. Sidaa darteed, rugaha caafimaadka waxa lagu fidiyaa wadada isku xirta Najaf ilaa Karbala (qiyaastii 80 kiiloomitir), si ay u caawiyaan kuwa laga yaabo inay la liitaan tabaryari ama u baahan gargaar degdeg ah.

Halkan, Barakat, oo ah tarjumaan u dhalatay Lubnaan, waxay nooga sheekaynaysay booqashadii ay ku tagtay macbadka Xuseyniya sannadihii hore ee Arbaciin: “Dadka qaniga ma seexdaan, kuwa hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxa mideeya jawi diimeed. Dadku marka ay yimadaan xaramka waxaa saamayn weyn ku yeesha socodkii dheeraa ee ay soo galeen.”

Socodkan, qof walbaa wuxuu sameyanyaa balanqaad (Nadar) iyo salaad duca ah, waxaana sanadihii la soo dhaafay ay noqotay, dhaqan ka mid ah caadooyinka bulshada Ciraaq.