Wax ka ogoow diimaha xoolaha la gawraco munaasabadaha qaar marka laga yimaado tan Islaamka?

Xoolo-gowrac

Xigashada Sawirka, getty

Ciidul-adxa waxay ka mid tahay munaasabadaha ugu weyn Muslimiinta. Taariikhda xoolaha la gowracayo waxay ka soo bilaabaneysaa Nabi Ibrahim (CS) oo uu riyo ku arkay in uu wiilkiisa Ismaaciil u gowraco Allabari.

Wiilkiisa Ismaaciil ayuu u sheegay riyada, Ismaaciil wuu aqbalay in uu u hoggaansamo amarka aabihiis. Markii uu damcay Nabi Ibrahim (CS) inuu gowraco wiilkiisa, waxaa ka joojiyey Alle oo ugu beddalay neefkii uu gowrici lahaa.

Muslimiinta adduunka oo dhan waxay gowracaan noocyo badan oo xoolaha ka mid ah. falkaasi waa waajib hadii uu awoodo qofka. Hadaba diimaha kale sidee loo arkaa in xoolo la gowraco sida Hinduuga, Yahuudda iyo Masiixiga

Yahuudda

solo

Xigashada Sawirka, getty

Marka la fiiriyo tariikhda Islaamka wax badan ayey wadaagaan tan Yahuudda iyo Masixiiga. Yahuudda sida ay wax u gowracaan lama mid ahan tan Islaamka. Nidaamkooda waa mid lagu sameeyo waqtiyo iyo meelo gaar ah sida uu sheegay Rabbi Gary Somers oo ah madaxda akadeemiyaa Leo Baeck Colleage ee UK.

“Maalmahaan lama sameeyo xoolahii la qali jiray sababtuna waxay tahay macbadyadii lagu sameyn lahaa ayaan jirin, balse taa beddelkeeda, waxaan sameynaa ducooyin aan ku xasuusanayo” ayuu yiri Rabbi Gray.

“Kaddib markii ay burburiyeen Romaanka Macbadkii labaad, in xoolo la gowraco diinta Yahuuda lama ogola” ayuu yiri Rabbi Dr. Bradley Shavit Artson oo ah ku xigeenka madaxa the American Jewish University.

In badan waxay aaminsan yihiin in hada si joogto ah loo joojiyay halka kuwa kalena ay qabaan in ay soo noqoneyso marka uu soo baxo Nabi Ciise (CS).

Diinta yahuudda sida ay qabto Macbadka ay ka hadlayaan waxay ula jeedaan Temple Mount oo ay ku sheegaan in uu yahay majidka Al-aqsa ee ku yaal Qudus.

Yahuududa waxay ku duceystaan in dib loo dhiso Temple Mount iyagoo aaminsan marka la dhiso in ay soo celinayaan xoolihii ay gowricijireen.

Xoolo-gowrac

Xigashada Sawirka, getty

Inta badan dadka Yahuudda xoolo ma qalaan sababtuna waxay tahay in aysan jireen macbadkii ay ku sameyn lahaayeen, balse waxaa jira kooxa jooga Jerusalem sida Samaritans oo weli xoolaha gowraca. Waxaa jira kuwa kale oo bixiya lacagta ku baxeyso.

“Hadii ay ahaan laheyd ido, lo’ ama ari, xoolaha la gowraco waa in ay ahaadaan kuwa waafaqsan habka loo qalayo diinta” ayuu yiri Dr. Artson.

Nabi Ibrahim (CS) gowariicii uu bilaabay waxay sidoo kale ku qoran tahay kitaabka diinta Yahuudda.

Masiixiyadda

orgi

Xigashada Sawirka, gett

Nidaamka Kiristaanka wuxuu salka ku haya kan Yahuudda. Kitaabkooda wax badan ayey wadaagaan kan Yahuudda.

“Xoolaha waxaa la gowracaa subaxdii ama fiidkii munaasabado kala duwan” ayuu yiri Dr. Proshanto T. Ribeiro oo ah badari kiristaan ah oo ka tirsan kinisadda Kavurul Catholic Church ee magaalada Dhaka

Meelo badan hadii uu qofka ballan la galo Allahiisa, waxa uu sameeyaa in uu xoolo qalo sida ay qabto diinta Yahuudda balse kiristaanka sidaa ma sameeyaan. Xoolaha inta badan la gowraco waa idaha.

Hinduuga

Hinduu

Xigashada Sawirka, getty

Xoolo gowracidda waa arrin laysku khilaafsan yahay diinta Hiinduuga. Qeybo badan oo ka mid ah Hindiya ama Bangladesh, tusaale ahaan, xoolaha waxaa la qalaa munaasabadaha sida Durga Puja iyo Kali Puja.

Waxaa la aaminsan yahay in xoolo gowracidda ay aheyd wax caadi ahaa ka hor Nabi Ciise (CS). Xoolaha waxaa loo gowrici jiray Asnaamtii ay caabudi jireen dadka xiliyadaas.

Dr. Chakraborty wuxuu sheegay in xoolo gowracidda weli looga dhamqo macbadyadii hore wadamada Bangladesh iyo Hindiya halka Dr. Rohini Dharmapal uu sheegay in uusan ka warhayn in xoola gowracidda ay tahay wax ka wada jira Hindiya.