Safiir Maraykan ah oo soo jeediyay in wadamada Muslimku ay isaga haraan dhulka Falastiin

Mike Huckabee

Safiirka Maraykanka u fadhiya Israa'iil Mike Huckabee ayaa soo jeediyay "Wadamada Muslimiinta" waa in ay ka tanaasulaan qayb ka mid ah dhulkooda si ay mustaqbalka u abuuraan dawlad Falastiiniyiin ah.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Huckabee ku yiri "Wadamada Muslimiinta ayaa 644 jeer ka badan dhulka ay maamusho Israel".

"Marka waxaa laga yaabaa, haddii ay jirto rabitaanka dawladda Falastiin, waxaa jiri lahaa qof dhihi lahaa, waxaan jeclaan lahayn inaan martigelinno Falastiiniyiinta," ayuu yiri.

Safiirka ayaa sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay xulafada Mareykanka oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Australia maadaama ay cunaqabateynta ku soo rogeen laba wasiir oo midigta fog ah oo Israa'iil ka tirsan, sababo la xiriira "hurin colaadeed oo soo noqnoqday oo ka dhan ah bulshada Falastiiniyiinta" ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto.

Wareysigiisa, danjiruhu wuxuu ku baaqay in la xoojiyo xalka laba dowladood oo is garabsiman – oo ah qaab la soo jeediyay oo lagu nabadeynayo Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, kaas oo guud ahaan helay taageero caalami ah.

Xalka labada dowladood ayaa la saadaaliyaa Falastiin xor ah oo Daanta Galbeed ee la haysto iyo Gaza ay ka madaxbanaan yihiin maamulka dowladda Israa'iil, caasimadna ay tahay Bariga Quddus.

Mike Huckabee

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Bloomberg, Huckabee waxa uu sheegay in Mareykanka uusan sii wadeynin hadafka dowlad madax banaan oo Falastiin yeelato.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Tammy Bruce ayaa markii dambe sheegtay in safiirku "uu naftiisa uun ku matlay hadaladaas", uuna yahay madaxweynaha cidda mas'uulka ka ah siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dabayaaqada bishan xarunta Qaramada Midoobay ee New York, diblumaasiyiinta Faransiiska iyo Sucuudiga ayaa martigelin doona shir looga gol leeyahay in lagu dejiyo qorshaha qaran ee Falastiin`.

In kasta oo Huckabee aanu sheegin halka ay noqon karto dawlad mustaqbalka oo falastiiniyiinta gaar u ah ama in Maraykanku uu ku taageeri doono dadaalkaas, haddana waxa uu shirka ku tilmaamay mid aan habboonayn.

"Sidoo kale waa wax gabi ahaanba qaldan waxaa ah in dawladaha reer Yurub ay isku dayaan inay ku soo rogaan arimahaas xilli dagaal dhexda looga jiro," ayuu yiri, isaga oo ku doodaya in ay taasi keenayso in Israa'iil ay noqoto "mid ammaan aan ahayn".

"Illaa goorma ayay tahay inay ku jirto hantida maguurtada ah ee ay Israa'iil haysato?" ayuu ku yiri barnaamijka Newsshour ee BBC-da.

"Waxay ila tahay in taasi ay tahay su'aal ay tahay in la hor keeno qof walba oo dabada ka riixaya in la helo xal laba dawladood ah."

Mar la waydiiyay in mawqifka Maraykanku yahay in aanay dawlad Falastiini ka jiri karin daanta galbeed, Huckabee waxa uu yiri: "Ma oranayo weligeed ma jiri karto, waxa aan dhihi lahaa waa in dhaqanku is beddelo.

"Hadda waa caadi dhaqanka ah in Yuhuudda la beegsado oo la dilo, waana la isku abaal-mariyaa, taasi waa inay isbadasho."

Israa'iil waxay diiday in xal laba dawladood ah la sameeyo. Waxay leedahay xal kasta oo kama dambays ah waa inuu noqdaa mid ka dhasha wada xaajood lala galo Falastiiniyiinta, dawladnimaduna maaha inay noqoto shuruud.

Huckabee waxa uu hore u ahaa taageere xooggan ee fikradda ah "Israa'iil weyn", isaga oo raadinaya in Israa'iil ay si joogto ah u maamusho dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyo adeegsiga ereyga kitaabiga ah ee "Yahuudiya iyo Samaariya" ee loo adeegsado daanta galbeed.

Qaar ka mid ah hadaladiis iyo mawqifyadiisa ayay inta badan qaataan kooxaha xagjirka ah ee Israa'iil. Qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqan, oo ay ku jiraan wasiirrada midigta-fog ee isbahaysiga maamulka Israel, ayaa ku dooday in Falastiiniyiinta laga saaro Daanta Galbeed iyo Gaza ee la haysto, iyagoo sheegay in dawlad kasta ee mustaqbalka Falastiintu samaysanayaan ay ka jiri karto waddamada Carabta ama Muslimka dhexdooda.

Haddii siyaasaddan la dhaqan geliyo, kooxaha xuquuqul insaanka iyo dawladaha Yurub waxay sheegeen in ay noqon doonto xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.