Maxay tahay shuruudda cusub iyo kuwa kale ee Puntland ku xirtay gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh?

Puntland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirka Cadaalada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed

Iyadoo maalmo yar ay ka dhiman yihiin qabsoomida gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo loo mudeeyey inay dhacdo 15-ka bisha June, ayaa waxaa soo baxaya diidmooyin ka qaybalka shirkaasi ah oo ka imaanaya maamullada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gogosha uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh aysan ahayn mid dhamaystiran, loona baahan yahay in sharciyadda dalka lagu soo laabto ayna saddexdii sanno ugu dambeeyana kala hadlayeen arrimaha masiiriga ah iyo sidii loog wadahadli lahaa.

"Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisu iyagaa diiday oo tunka ku wata, gogosha Xasan waxay hadda imaanaysaa waqti uu darbiga soo taabtay isaga iyo dadka la aragtida ah, waqtigii iyagaa dilay dadka Soomaaliyeed ugu wadahadli lahaayeen arrimaha dhexyaalla si Soomaalinimo ah" ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo BBC-da la hadlay.

Sidaas oo kale dhawaan ayey ahayd markii Madasha siyaasiyiinta mucaaradku ay saluug ka muujiyeen gogogasha ayna soo saareen bayaan ay kaga hadlayaan qaabka ay doonayaan.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta mucaaradka Daahir Maxamuud Geelle ayaa BBC-da u sheegay in shirkii la rabay inuu noqdo mid wadaxaajood ah laga dhigay mid wadatashi ah taas oo ku macneeyey in aysan ahayn qaabka looga wadahadli karo arrimaha taagan ee lagu kala aragtida duwan yahay.

Hase yeeshee guddiga u xilsaaran qaban qaabada iyo fududaynta ayaa sheegay in gogoshu si habsami leh ay howlaheedu u socdaan loona diray casumadaha cida ka qayb galaysa gogosha.

Maxey tahay shuruudda cusub iyo kuwa kale ee Puntland ku xirtay gogosha?

Puntland

Xigashada Sawirka, Wikepedia

Sida uu BBC-da u sheegay wasiirka Cadaalada Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Puntland ayaa doonaysa in meel la saaro shuruudo afar ah oo ay ku xirayaan ka qayb galkooda shirka loo ballansanyahay inuu qabsoon bartamaha Bishan.

"Kan koowaad waa in lagu soo noqdo dastuurka Soomaali ee lagu heshiisay sanadkii 2012-kii….laba, madaashadii NCC la oran jiray waa dhimatay sharciyadna ma haysato xisbi bay noqotay saddex sano ka hor baan annagu ka baxnay ma jirto, taasuye waa in madashii wax ka gudo ballaaran oo dadkii kale oo tallada dalka wax ku lahaa wax laga siiyo oo la isku yimaado.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Tan saddexaad waa in doorashada ay qabsatay Jubaland lagu tixgeliyo dadka Jubaland oo dhibaato iyo dagaal aan lagu qaadin, iyagaa xaq u leh iyagaa qabsan jiray natiijada ka soo baxdayna waa inuu aqoonsado madaxweynuhu, maamul goboleedkii kale ee doorashadiisa si sharci ah u qabsadana sidaas oo kale ayaan xaq u leenahay inaan dhinac istaagno".

"Tan afaraadna waa in ogolaado in laga wadahadlo wadankan sidii looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda, afartaa shardi ayaa ku xiran ka qayb galkayaga"ayuu BBC-da u sheegay wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Wuxuu intaa raaciyey wasiirku in haddii aan shuruudahaas la fulin Puntland aysan ka qayb gali dooniin gogosha la iclaamiyey inay dhacdo Bishaan June.

"Cidi u tagi mayso hadduusan sharciyada ku soo noqon iyo afarta qodob, warku intaas ayuu ku dhanyahay madashiisa iyo gogoshiisa midna tagi meyno" ayuu yiri.

Mar BBC-du waydiisay in haddii dowladda Soomaaliya ay fidisay gogol lagaga wadahadlo arrimaha dalka inaad tagtaan oo halkaas ku bandhigtaan waxaa tabanaysaa ayuu sheeg:,

"Puntland tabasho ma qabto, waxaan tallo ku leenahay oo aragti cad ka leenahay masiirka ummadda Soomaaliyed, meeshuu aadayo sidii loo dhamaystirayo dowlad dhiska Soomalida iyo sidii dadka Soomaliyeed la isugu keenayo"ayuu yiri.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhawana iclaamisay in 15 june ay qabsoomi doonto gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan sheekh, taas oo la sheegay inay ka qayb galayaan madaxda dowladda federalka, maamul goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka, xisbiyada iyo ururada bulshada rayidka ah.