Maxaa la sameeyaa haddii ilmo liqo shilin ama waxyaabo kale?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Carruurta yaryar waxay mar walba jecelyihiin inay wax afkooda geliyaan, xitaa haddii aysan ku habboonayn.Arrintan waxay walaac ku abuurtaa waalidiin badan, maadaama ay khatar ku noqon karto nolosha ilmaha.
Ilmo saddex sano jir ah oo u dhashay Hindiya ayaa liqay nal yar oo ka mid ahaa baabuurta ay carruurtu ku ciyaaraan, taasoo keentay in qalliin gaar ah lagaga soo saaro.
Markii hore waxaa loo maleeyay inuu qabo oof-wareen (pneumonia), balse xaaladdiisu way sii xumaatay muddo saddex bilood ah, ilaa ay dhakhaatiirtu ogaadeen in nalka yar uu ku xayirmay mid ka mid ah sambabbadiisa.
Kadib qalliinka, ilmaha waxaa laga daaweeyay qufac iyo neefta oo ku adkeed.
"Maxay carruurtu wax u liqaan?"
Waa caadi in carruurta yaryar ay rabaan inay dhadhamiyaan wax kasta oo ay arkaan ama taabtaan. Laakiin tani waxay badanaa keentaa in ay liqaan waxyaabo aan caafimaadka u fiicnayn, sida:
Lacagaha birta ah
Baytariyada yaryar ee badhamada ah
Qaybaha yaryar ee alaabta lagu ciyaaro
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Magnad (magnet)
Dahabka yar-yar
Haddaba maxay tahay in waalidiintu ay sameeyaan si ay uga hortagaan khatartan? Maxaase la gudboon in si degdeg ah loo sameeyo haddii cunug liqo waxyaabo sidan oo kale ah?
Maqaalkan waxaan isku daynay inaan iftiimino qodobbadaasi.
Dhakhaatiirtu waxay sameeyeen qalliinka oo ay ka jareen jirka Rahul afar sentimitir si ay uga saaraan nalka oo ku jiray sambabkiisa.
Dhakhaatiirtu waxay sameeyeen qalliinka si ay uga saaraan nalka oo ka yimid baabuurta yaryar ee lagu ciyaaro. Kadib qalliinka, sambabkii cunugga ayaa si buuxda u shaqayn bilaabay.
Dr. Vimesh Rajput, oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii qalliinka sameysay, ayaa sheegay:
"Tani waxay ahayd kiis aad u naadir ah. Nal yar ayaa si qoto dheer ugu xirmay sambabka, dadaalladii hore ee lagu saarilahaa ma aysan guuleysan. Laakiin annagoo adeegsanayna 'mini thoracotomy' (qalliinka laga furo lafta feeraha), waxaan ku guuleysanay in aan cunugga qalliin ku sameyno oo aan ka saarno nalka."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baaris ay sameysay Jaamacadda Sydney ayaa muujisay in in ka badan 400 oo kiis oo carruur ah ay liqeen baytariyo yaryar oo wareegsan.
Kiis kamid ah, cunug ka yar laba sano ayaa liqay baytari 20-millimitir ah, waxaana laba saacadood gudahood ku bilaabatay xanuun daran oo hunguriga ah.
Haddii aan si degdeg ah loo saarin baytariga:
Waxaa kordhaya halista dhiig-bax gudaha ah 8 jeer.
9% carruurta la kulma xaaladdan way geeriyoodeen, badankoodna waxaa sabab u ahaa dhiig-baxa gudaha.
Waalidiinta carruurta yaryar leh waa in ay:
Ka fogeeyaan wax kasta oo yar-yar oo carruurtu liqi karaan.
Si joogto ah u eegaan alaabta lagu ciyaaro haddii ay leedahay qaybo yar oo kala go'i kara.
Kaydiyaan baytariyada iyo magnadka meel sare ama meel la kari karin.
La xiriiraan dhakhtar si degdeg ah haddii cunug liqo waxyaabo khatar ah—haddii cunuggu muuqdo mid fiican bilowga.
Waxyaabaha waxyeellada leh ee carruurtu si fudud u liqi karaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Lacagaha birta ah amba shilinka, baytariyada yaryar ee badhamada ah (cells), alaabta lagu ciyaaro ee yaryar ama qaybahooda, dahabka, cirbado, qalin-jabiyeyaasha, madax-qalinka ama masaxayaasha, biin iyo walxaha kale ee yaryar waa kuwo carruurtu inta badan liqaan marka ay ciyaarayaan.
BBC-da waxay la hadashay dhakhtar dhanka qalliinka ah oo lagu magacaabo Dr. Vimesh Rajput si ay wax uga waydiiso haddii liqidda walxo bir ah — sida lacagaha — ay khatar u tahay nolosha carruurta.
Dr. Rajput wuxuu yiri, "Marka hore waa inaan fiirinaa qaab-dhismeedka jidhkeena. Hal dhinac waa marinka neefta (neef-mareenka), dhinaca kalena waa marinka cuntada (caloosha). Haddii wax sidan oo kale ah ay si khaldan ugu dhacaan hunguriga (marinka cuntada), waxaa jira fursad weyn oo ay caloosha kaga baxaan iyagoo saxarada la socda. Xaaladaha badankooda uma baahna qalliin."
Laakiin haddii waxaas ay u gudbaan sanbabada ama marinka neefta, waxay noqonaysaa xaalad degdeg ah oo caafimaad.
"Haddii aysan waxaas ku bixin candhuufta ama qufaca, markaas waa in la sameeyaa bronchoscopy ama qalliin," ayuu yiri Dr. Rajput.
Sidaas darteed, carruurta yaryar waa in laga ilaaliyo walxahaas oo kale.
"Liqidda walxahaas inta lagu jiro ciyaaraha waa wax aad u caadi ah oo carruurta ku dhaca, gaar ahaan da'da u dhaxaysa saddex ilaa lix sano. Haddii walxahaasi khatar yihiin iyo in kale waxay ku xirnaan doontaa cabbirkooda iyo waxa laga sameeyey," ayuu yiri Dr. Vijay Yewale, oo ah dhakhtar carruurta ku takhasusay kuna sugan magaalada Mumbai.
Sida uu sheegay Dr. Vijay, baytariyada badhamada ah waxay dillaaci jirka waxayna sii deyn karaan walxo kiimiko ah. Magnedyada (biraha isjiidanaya) ama alaabaha magnet-ka ku shaqeeya waxay sidoo kale l khatar xooggan.
"Maxaa la sameeyaa marka carruurta ay wax sidan oo kale ah liqaan?"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay waxa degdeg ah ee la sameeyo haddii carruur ay liqaan walxo noocaas ah?
Dr. Vijay Yeola ayaa ka jawaabay su'aashan, isagoo yiri: "Marka la ogaado in ilmuhu liqay walax noocaas ah, waa in si degdeg ah loogu qaadaa takhtar khabiir ah."
Sida uu sheegay, "Carruur qaarkood calaamado ma muujiyaan. Haddii ay liqeen wax la mid ah lacagta, si degdeg ah ugu qaad qolalka degdegga iyada oo aan la cabsi gelin. Ha siin cunno ilmaha oo aad u malaynayso inay ka caawin karto in walaxda jirka ka baxdo, taasi xaaladda ayay uga sii dari kartaa."
Dr. Rajput wuxuu yiri waa in xaaladdan si degdeg ah loo raadsado caawimaad caafimaad.
"Haddii wax noocaas ah ku dhaco dhuunta ilmaha, ilmuhu wuu ooyi doonaa kadibna muddo ka dib wuu dagi doonaa. Markaas waa in aad u tagtaa takhtarka si loo sameeyo sawir raajo ah oo laabta iyo caloosha ah, iyadoo loo raacayo talooyinkooda daaweynta."
Sida uu Dr. Vimesh Rajput sheegay, "Haddii wax noocaas ah uu ka gudbo dhuunta, 90% xaaladaha wuxuu geliyaa caloosha. Markaa cunista miro leh fiitamiin badan sida mooska ama qaadashada daawooyinka fududeynta saxarada ayaa ka caawin kara in waxaas jirka ka baxaan."
Laakiin maxaa la sameeyaa haddii walax noocaas ah ku xayirmo dhuunta neefsashada?
Dr. Rajput ayaa su'aashan ka jawaabay isagoo yiri, "Xitaa haddii walax ku xayirto marinka neefsashada, waa in si degdeg ah loo daweeyaa. Haddii walaxda aysan kasoo bixin candhuufta, qalliin ayaa lagu sameeyaa xaaladahan aadka u yar."
Sida ay khubaradu sheegeen, carruurta liqda walxaha noocaas ah ayaa si weyn u kordhay sanadihii u dambeeyay.
Wacyigelinta waalidiinta ayaa muhiim ah si looga hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha dhacdooyinkan.
Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, daaweynta waqtigeeda waa muhiim, sidoo kale waa muhiim in la qaado tallaabooyin ka hortag ah si looga hortago dhacdooyinkan.
Tallaabooyinka degdegga ah waa sidan:
Ha cabsanin – deji naftaada oo raadi caawimaad caafimaad si degdeg ah.
Ha siin cunno ujeeddadeedu tahay inuu matag sameeyo, tani waxay dhaawac ka badan keeni kartaa.
La xiriir dhakhtar degdeg ah ama u qaad isbitaalka si loo baaro oo loo sameeyo sawir raajo ah.
Dhakhaatiirtu waxay sameeyaan sawirro raajo ah oo laabta iyo caloosha ah si ay u ogaadaan meesha walaxdu ku sugan tahay iyo sida loo saaro.













