Sida hooyadan tubaako cunka ah halis u gelisay ilmaha ku jiray uurkeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
“Ilmahu ma ooyin markii uu dhashay. Dhakhaatiirtu waxwalba ayay hubiyeen, sababta na way fahmi waayeen,” ayuu yiri dhakhtarka ka howlgala Isbitaalka ay hooyadan ku dhashay oo la hadlay BBC.
Mar dambe oo ay hooyada ka wareysteen arrimaheeda gaarka ah ee caafimaad iyo haddii ay balwad leedahay ayay ogaadeen inay tahay tubaako cun. Kadib ayaa dhiigo ilmaha yar ee markaas dhashay laga baaray maaddooyinka tubaakada laga helo. “Waxaan la argagaxnay natiijada kasoo baxday baaritaanka,” ayuu dhakhtarka.
Ilmahan yar oo ay hooyadiis tahay tubaako cunka ayaa ku dhashay Isbitaal ku yaal Hindiya ee uu ka howlglao dhakhtar Ashis Mehta. Ilmahan oo ku dhashay qalliin ayaa markii hore u muuqday in uu caafimaad qabo isaga oo miisaankiisu dhan yahay 2.4kg. Laakiin ma ooyin, oo ma dhawaaqin ilmahan markii uu dhashay ba, sida caadiga ah, wax yar kadibna waxaa isbedelay midabka jirkiisa, isaga oo noqday cagaar. Waxaa si deg deg ah loogu xiray qalabka lagu neefsado. Waxaa sidoo kale isbedelay garaaca wadanaha ee ilmaha, iyada oo uu hoos u dhacay xowliga socodka dhiigiisa. Islamarkiiba, Isbitaalka u uku dhashay ilmahan ayaa iska wareejiyay oo u diray isbitaal kale oo xaaladaha deg deh ah la tacaala.

Xigashada Sawirka, Stock photo
Baaritaano dhowr ah kadib ayaa dhiiga ilmaha markaas dhashay laga helay maaddooyinka ku jira tubaakado oo xad dhaaf ah, taas oo gaareysay in ka badan labaatan jibaar heerka dadka waaweyn. Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo aysan jirin wax dhibaato caafimaad ah oo lagu arkau hooyada dhashay ilmahan, sida uu BBC u sheegay dhakhtar Ashish. Weli dhibkaas waxa uu taagnaa saddex maalin kadib dhalashada ilmaha, markaas oo la ogaaday in hooyadu ay tubaakada aad u cuni jirtay. Hooyada tubaako cunka ah waxay cuni jirtay maalintii 15 xabo oo tubaako ah.
Sida loo badbaadiyay nolosha ilmaha?
Markii la ogaaday cilada kadib ayaa ilmaha la siiyay daawada uu u baahnaa ee caawin lahayd. Dhakhtar Mehta waxa uu BBC u sheegay inay muddo ku sii hayeen qalabka lagu neefsado, iyada oo markii dambe jirkiisa iyo dhiigiisa ba ka dhaqay oo ka saaray tubaakada. Shan maalin oo daweyn ah kadib ayuu xaalkiisu caadi noqday. Hadda na, waa laga saaray isbitaalka.
Waxa uu dhakhtarku intaas ku daray in hooyooyinka uurka leh iska jiraan tubaakado iyo waxyaabaha ay ku jiraan maddooyinka la xiriira. Laakiin hooyada ayaa loo ogolaaday inay nuujiso ilmaha maadaama caanaha naaska hooyada ay caafimaad iyo difaaca ilmaha kordhiyaan. Laakiin hooyada ayaa lagu la taliyay in aysna dib dambe u cunin tubaakada oo aysan cabir sigaarka.
Qoyska ilmaha yar ee la badbaadiyay hadda waa faraxsan yihiin laakiin waxay BBC u sheegeen in aysan u warheyn gabadhooda ay tubaakada cuni jirtay. Hadda hooyadii way iska joojisay inay tubaakada cunto, waxay na dooneysaa in waxa ku dhacay cashir u noqdaan hooyooyinka kale.






