Maxaad ka taqaan abwaankii geeriyooday ee Itoobiya canshuurta ka diiday, Faransiiskana la dagaalamay?

Aadan Faarax Samatar wuxuu geeriyooday isagoo 80 jir ah

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Aadan Faarax Samatar wuxuu geeriyooday isagoo 80 jir ah

Reer Jabuuti iyo dadka xiiseeya fanka iyo murtida Soomaalida waxay waayeen hal abuur tobanaan sano curinayey heeso iyo riwaayado soo socday tan iyo xilligii gobanimo-doonka Jabuuti.

Aadan Faarax Samatar wuxuu xalay ku geeriyooday dhakhtarka weyn ee Jabuuti ka dib markii uu todobaadyo halkaa ugu jiray xanuun hayey.

In badan oo ah dadka sida fiican u yaqaanna Aadan lama aysan socon xanuunkiisa maadaama uu muddo gaaban hayey.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cumar Cilmi Kheyre oo markii ay Jabuuti la diriraysay gumaysigii Faransiiska ka mid ahaa dadkii af iyo addin ka qayb galay halgankaas sida Aadan oo kale, tan iyo 1969kiina ay is yaqaaneen.

Halganka gobannimada ka hor

BBC ayuu Cumar uga warramay taariikhda Aadan Faarax Samatar oo isugu jirta halgan iyo suugaan dal iyo dibadba leh, marka laga reebo muddo kooban oo dhallinyaranimadiisii uu baayac mushatar ka ahaa magaalada Diri-Dhabe.

Wuxuu shaqada ganacsiga joojiyey markii uu diiday inuu bixiyo “Canshuur” ay Itoobiya ka doonaysay inuu bixiyo, xilligaas oo ku beegnaa aakhirkii 1959 ama horraantii 1960.

“Jabuuti ayuu ku noo noqday, wuxuuna ka mid noqday xisbigii PNP la oran jiray ee la aasaasay aakhirkii 1960” ayuu yiri Cumar. Wuxu intaa ku daray in isla xilliyadaas isagoo weli xisbigaas ka tirsan uu dhinaca Soomaaliya aaday, halkaasoo uu ku soo qaatay tababar ciidan 1963, kana mid noqday ciidankii ka qayb galay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray 1964, isagoo ka soo dagaallamay deegaanka Xariirad ee gobolka Awdal.

Cumar Cilmi Kheyre waxay Aadan Faarax is yaqaaneen tan iyo 1969

Xigashada Sawirka, Social media

Qoraalka sawirka, Cumar Cilmi Kheyre waxay Aadan Faarax is yaqaaneen tan iyo 1969

Gobanimadoonka Jabuuti

“Dagaalkii markii u dhamaaday wuxu ku soo laabtay Jabuuti, wuxuuna hore u soo qaatay bambo-gacmeedyo uu kiish ku soo guray, hase yeeshee waxaa lagu qabtay Dameerjoog oo ah duleedka Jabuuti. 5 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay, waxaana la geeyey oo lagu xiray Dikhil” ayuu yiri Cumar. Ujeedada u bambooyinka u soo qaatay Aadan ayaa ahayd inu kula dagaallamo gumeystaha.

Cumar Cilmi Kheyre wuxuu BBC u sheegay in markii uu Aadan xabsiga ka soo baxay uu sameeyey Riwaayad la oran jiray Arigaa Jirow Dawacada ha u jabin, taasoo ahayd billowgii halgankiisi afka ahaa isagoo maansada curin jiray, heesahana qaadi jiray.

Riwaayadaas waxay ahayd gobanimo-doon. “ariga wuxu ula jeedaa dadka reer Jabuuti, wuxuuna leeyahay ‘anigiyo duqdaa dulli kugu qabnee arigaan jirow dawacada ha u jabin’ isagoo iska dhigaya sidii nin xoolihii la hadlaya oo joojinaya” ayuu yiri.

Kooxihii xilligaas jiray sida gacan macaan waxay ahaayeen kuwo gobbanimo doon ka hadla. Waxay isku jiil ahaayeen Siciid Xamadh Qoodh iyo Ibraahim Gadhle oo halgankii gobannimada ee Jabuuti ay ku wada jireen.

Shakhsiyadda Aadan Faarax Samatar

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Aadan wuxu ahaa nin dhaqdhaqaaqiisu ku jahaysnaa sidii loo xoroobi lahaa. Wuxuu ahaa qof firfircoon, wuxuuna ahaa nin dadka ka qosliya oo farxad galiya, wuxuuna cimrigiisa ku dhamaystay curinta suugaanta, gaar ahaan wixii ka dambeeyey marki xabsiga laga sii daayey” ayuu yiri Cumar Cilmi Kheyre.

Suugaantiisa waxay ahayd mid uu gumeysigu dhibsanayey sida uu sheegay Cumar. “Dawladdana si sarbeeban ayaa loogu sheegi jiray wixii sixitaan u baahan”.

Inkastoo uusan macluumaad badan ka hayn dhinaca fankii Aadan Faarax Samatar, misna wuxuu rumaysan yahay “inay aad u badan yihiinm riwaayadihiisa, majaajilooyinkiisa iyo heesihiisa”.

Wuxuu dareensan yahay Cumar in Aadan xilliyadii u dambeeyey ee da’ iyo caafimaad darro ay isugu darsameen Aadan, dhaqaale darrana ay hasatay uu “dac-darraysnaa”, arrintaasoo ah mid ay suugaan-yahanno kalena la qabaan oo hore u soo martay.

Allah u naxariistee Aadan Faarax Samatar wuxuu ku geeriyooday da’ 80aad, wuxuuna ifka kaga tegey gabar iyo seddex wiil.

Maansadii u dambeeysay ee uu tiriyey Aadan Faarax Samatar

Tuducyadan hoose waxay qayb ka yihiin gabaygii u dambeeyey ee uu tiriyey Aadan Faarax Samatar.

"ANIGOON DIGNIIN QABIN HADDUU

MALAG ISOO DOONO

ILLAYN DIIDI MAAYEE HADDAAN

DUNIDA WAYDAARTO

IILKII DAMTA AHAA HADDII

LAYGU DUBUQ SIIYO

DUBKII LAYGA BEEROOW HADDEED

NII DAMQANI MAAYO

DIB INTAAN U SOO BAXO DALXIIS

NIIGU IMAN MAAYO

DIIWAANADII LAYGA QORAY

SOO DARSIYI MAAYO

WAA DAARTI AAKHIRO WAXAAN

DAA’IM KU AHAAN

KUWA IGA DANBEEYOOW DUCAAN

NIGA SUGAYAAYE

DUL AHAAN I SAAMAXA IFKII

WAAN KA DAADAGAYE

ALLE NA II BARYA DEEQDU WAA

MID AAN DHAMAANEYNE."