Ciidammada badda ee Israa’iil oo joojiyay doonyo gargaar sida oo ku wajahnaa Qasa iyo banbaanbaxyo caalami ah oo ka dhashay

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da

Tebin toos ah

  1. Labo qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyda Marocco

    Marocco

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Image

    Ugu yaraan labo qof ayaa lagu dilay Morocco kaddib markii boolisku rasaas fureen si ay uga hortagan dibadbaxayaal doonayay in ay galaan saldhigga booliska Lqliaa sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Waa dhimashadii ugu horeysay ee la soo sheego ilaa iyo markii ay qarxeen dibadbaxayada ay dhallinyarda horkacayeen ee ka bilowday dalka Sabtigii. Dhallinyarada ayaa ka careysnaa go’aanka dowladda ee lagu dhisayo garoomo kubbadda cagta lagu qabto koobka adduunka ee 2030-ka halkii ay sare ugu qaadi lahaayeen adeegyada guud iyo dhaqaalaha.

    “Halkan garoomo way ku yaalaan, balse aaway isbitaaladii?” ayey ku dhawaaqayeen dhallinyarada dibadbaxeysay.

    Mid ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa u sheegay BBC in isbitaalka magaalada Oujda oo u dhaw xadka Algeria uu la mid yahay “xabsi”.

    Dibadbaxyada ayaa dhacayay habeenkii, waxayna boolisku sheegeen in ay ku qasbanaadeen in ay adeegsadaan rasaas si ay uga hortagaan “weerar” sidaasina waxaa sheegay wakaalada wararka ee dalka.

    Tirakoobka heerka shaqo la’aanta Maroco ayaa gaarsiisan 12.8% iyadoo dhallinyarada aan shaqada haysan ay gaarayaan 35.8%. 19% oo ka mid ah tiradaas waa jaamiciyiin sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters.

    Isbahayasiga maamula dowladda Morocco ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayan in ay diyaar u yihiin wadahadal in ay la galaan dhallinayrada si loo helo xal macquul ah.

  2. Israel ayaa xirtay dhaqdhaqaaqayaasha doonyaha u socday Gaza

    Doonyaha gargaarka u siday Gaza

    Boqolaal dhaqdhaqaaqayaal ah oo ay ku jirto gabadha u dhalatay Sweden ee ololeysa, Greta Thunberg, ayey xireen ciidamdaa Israel kaddib markii la qabtay doontoodii u siday Gaza gargaarka.

    Wasaarada arrimaha dibadda Israel ayaa sheegtay in dadkii saarnaa doonta GSF la geeyay dekadaha dalka si loo masaafuriyo.

    Doonyihii ugu horeeyay ayaa lagu joojiyay meel u jirta cabirka badaha 70 mile xeebta Gaza oo ah biyaha caalamiga. Israel ayaa goobaha ilaalineysa balse sharci uma haystaan.

    Israel waxay sheegtay in ciidankooda badda ay u sheegeen doonyaha in ay jihada badashaan maadama ay u soo dhawaanayeen meel dagaal ka socda halka doonyaha gargaarka waday ay sheegeen in si “aan sharci aheyn” loo qabtay.

    Waxaa la qiyaasayaa in la xiray dad gaaraya 443 oo la socday doonayaha. In badan ayaa la sheegay in lagu weeraray dhuumaha biyaha xoogan tuura.

    Dalal tiro badan ayaa walaac ka muujiyay dhacdadaas iyagoo ku dhaliilay Israel in ay qabatay dad marayay biyaha caalamiga.

    Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa ka eryay dalkiisa dhammaan diblomaasiyiinta ku haray ee Israel isagoo kaga jawaabaya kuna cambaareynaya dadka lagu qabtay biyaha caalamiga.

    Madaxweyne Petro ayaa sidoo kale baabi’yay heshiiska ganacsi ee kala dhexeeyay Israel kaas oo soo jiray ilaa iyo 2020-kii, wuxuuna ku baaqay in degdeg loo daayo labo qof oo u dhashay Colombia oo la socday doonta.

  3. Tobaneeyo qof oo laga cabsi qabo in ay ku geeriyoodeen iskuul dumay dalka Indonesia

    Iskuul ku yaal Indonesia

    Xigashada Sawirka, Indonesia's National Search and Rescue Agency

    Ma jiraan wax muujinaya in dad nool ay ku hoos jiraan burburka iskuul ku yaal Indonesia. Sida ay sheegeen shaqaalaha badbaadada waxaa la la’yahay 59 qof.

    Boqolaal arday oo dhowr iyo toban jir u badnaa ayaa ku jiray gudaha iskuulka labada dabaq ee Islaamig ah kaas oo ku yaal magaaladaSidoarjo markii uu dumayay Isniintii. Ugu yaraan shan arday ayaa ku dhintay 100 kalena way dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisa.

    13 qof ayaa laga soo saaray burburka ilaa markii ay bilowdeen howlaha samatabixinta balse labo qof ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Waxaa jira caqabada horjoogsaday howlaha samatabixinta maadama dhismaha uu ahaa mid sii dumaya.

    Shaqaalaha badbaadada ayaan awoodin in ay howshoodu bilaabaan goor hore maadama laga baqyayay in dhismaha in uu sii dumo. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qeylo iyo oohin ay ka maqlayeen burburka hoostiisa.

    Iskuulka waxaa ku socday dhismo markii uu dumayay iyadoo la doonayay in lagu kordhiyo labo dabaq oo kale. Hay’ada ka hortagga masiibooyinka BNBP waxay sheegtay in asaaska dhismaha uu jilicsahaa taas oo ka dhigan in uusan awoodin in la saaro dabaq kale oo dheeri ah.

    Maamulka degmada Sidoarjo waxay sheegeen in maamulka iskuulka uusan haysan ogolaasho ay dabaq kale ugu daraan dhismaha.

  4. Hoggaamiyaha militeriga Xamaas oo diiday qorshaha xabad joojinta

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    BBC-da ayaa ogaatay in dhexdhexaadiyayaasha dagaalka Gaza ay la xiriireen madaxa garabka militeriga Xamaas ee Gaza kaas oo cadeeyay in uusan aqbaleyn qorshaha cusub ee xabad joojinta.

    Izz al-Din al-Haddad ayaa loo maleynayaa in uu u arkay qorshaha kii lagu soo afjari lahaa Xamaas hadii ay aqbalaan iyo hadii kale sidaa darteed waxay go’aansadeen in ay sii dagaallamaan.

    Qorshaha ka kooban 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in dagaalka lagu joojiyo kaas oo hore Israel ay u aqbashay ayaa lagu cadeeyay in Xamaas hubka laga dhigo iyo in aysan wax door ah ku yeelan doonin mustaqbalka maamulka Gaza.

    Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada Xamaas ee Dooxa ayaa ogol in isbeddal lagu sameeyo qorshaha balse saameyn weyn kuma lahan dadka lagu haysto Gaza.

    Waxaa la rumeysan yahay in 48 weli ay ku jiraan gacanta Xamaas, waxaana la qiyaasayaa in 20 ay nool yihiin. Qorshaha heshiiska Trump ayaa dhigaya in Xamaas ay ku sii deyso dhammaan la haystayaasha 72-da saac ee ugu horeysa xabadjoojinta taas oo meesha ka saareyso awoodooda gorgortanka.

    Sidoo kale madaxda Xamaas ayaa ka horjeeda in la keeno ciidmo Mareykan iyo dalalka Carabta ka socda kuwaas oo ay u arkaan in ay yihiin qaab cusub oo dhulka lagu qabsanayo.

    Ilaa markii lagu heshiiyay qorshaha Isniintii, raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu dib u riixay dhowr qodob.

    Muuqaal lagu wadaagay barta X ayuu ku sheegay in militeriga Israel ay sii joogayaan qeybo ka mid ah Gaza iyo in Israel ay ka hortageyso dowlad Falastiin ah.

    Xamaas hore ayey u sheegtay in aysan hubka dhigeyn ilaa inta laga dhisayo dal madaxbannaan oo Falastiin ah.

  5. Lab qof ayaa ku dhintay kaddib markii la weeraray macbad Yahuudu ku leedahay Manchester

    Macbad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    labo qof ayaa la rumeysan yahay in ay geeriyooday saddax kalene ay ku dhaawacmeen gaari la jiirsiiyay dad badan kaddibna uu nin tooreeyay ku weeraray dad joogay macbad Yahuudu leedahay.

    Booliska ayaa laga soo wacay saacadu markii ay aheyd 9:31 saakay macbadka Yahuuda ee ku yaal magaalada Manchester. Dadka ayaa isugu yimid maalinta ugu muhiimsaneyd diinta Yahauuda oo la xusayay maanta.

    Booliska waxay ku dhawaaqeen ‘PLATO’ oo ah eray ay adeegsadaan marka ay ka jawaabayaan weerar argagixiso.

    Muuqaal lagu wadaagay baraha bulshada ayaa lagu arkayay saraakiil hubeysan oo qori ku taagaya nin dhulka yaal iyo qof dadweynaha ka mid ah oo qeylinayay. “Qof kasta dib ha u baxo, waxa uu haystaa bam”.

    Qofka dhulka yaalay ayaa u muuqday in uu doonayay in uu istaago kaddibna xabad ayaa bilaabatay. Qof kale ayaa dhulka yaalay oo aan laheyn wax dhaqdhaaq ah.

  6. Xamaas oo ka hadashay falka ay Israa'iil ku joojisay doonyaha u socday Qasa

    Xamaas ayaa fiidnimadii Arbacada ku tilmaantay falka ay Israa'iil ku joojisay Doonyaha Xorriyadda ee ku wajahnaa Qasa in uu yahay "dambi burcad-badeednimo iyo argagixiso badeed oo lagula kacay shacabka rayidka ah", iyadoo ugu baaqday "dhammaan dadka u dooda xorriyadda dunidu" in ay cambaareeyaan falkaas.

    Bayaan ay Xamaas soo saartay ayay ku sheegtay in hawlgalkii ka dhacay biyaha caalamiga ah iyo xadhigga lagu sameeyay saxafiyiinta iyo dadka ku jiray safarka mucaawanada ah in uu yahay "fal gardarro ah".

  7. Maxaan kala soconnaa xaaladda Shifa Cabdi oo saarnayd doonyaha u socda Qasa?

    Shifa Cabdi

    Xigashada Sawirka, Shifa Cabdi

    Shifa Cabdi oo ka mid ahayd dadkii saarnaa doonyaha gargaarka u siday Marinka Qasa ayaa lagu soo warramayaa in ay ka mid tahay dadka ay xidheen ciidammada Israa'iil, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Midowga Yurub iyo Finland.

    Gabadhan oo si joogto muuqaallo ugu soo gudbinaysay baraheeda bulshada ayaa muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay soo geliso waxa ay ku tidhi:

    "Haddii aad daawanayso muuqaalkan waxa ay ka dhigan tahay in ay ciidammada Israa'iil i afduubteen oo ay ii kaxeeyeen gudaha Israa'iil, idan la'aan."

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo la yidhaahdo Jussi Saramo ayaa baahiyay muuqaalkeeda sheegaya in doontii ay la socotay dhexda loo galay, xilli ay maraysay biyaha caalamiga ah.

    Isla muuqaalkaasi waxa baahisay Fatim Diarra oo ka mid ah Baarlamaanka Finland. Waxa lagu sheegay in si dhow loo la socdo xaaladda doonyahan iyaga oo ugu baaqay shacabku in ay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka Finland.

  8. Kolombiya oo dalkeeda ka caydhinaysa diblumaasiyiinta Israa'iil

    Gustavo Petro

    Xigashada Sawirka, Madaxweynaha Kolombiya

    Madaxweynaha Kolombiya, Gustavo Petro ayaa ku dhawaaqay in uu amar ku bixiyay in dalka laga saaro dhammaan diblomaasiyiinta Israa'iil ee weli ku sugan Kolombiya, sababo la xidhiidha waxa uu ku tilmaamay "dembi caalami ahi" oo ay ciidammada Israa'iil kula kacee doonyaha gargaarka ee u socday Qasa.

    Intii aanu go'aankan soo bixin waxaa Kolombiya ku hadhsanaa afar diblomaasi oo Israa'iili ah, kaddib markii madaxweynaha garabka bidix uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israa'iil sannadkii hore, sida ay AFP ka heshay sheegay ilo xog ogaal ah.

    In kasta oo xidhiidhkii diblomaasiyadeed la jaray, haddana Israa'iil waxay halkaasi ku lahad xafiis qunsuliyadeed oo ay ka shaqeeyaan 40 shaqaale ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Kolombiyaan ah.

  9. Halkan ka daawo dibad-baxyada lagaga soo horjeedo Israa'iil

    Bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo dunida ah si looga mudaaharaado tallaabada Israa’iil ku joojisay maraakiib ka tirsan “Fleet-ga Adkeysiga Caalamiga ah”.

    Waxaa dibadbaxyo lagu qabtay magaalooyin kala duwan oo caalami ah, iyadoo lagu muujinayo diidmo ka dhan ah sida ay Israa’iil u hor istaagtay maraakiibtaas.

    Dibad-baxyo

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Diabad-baxyo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dibad-baxyo

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dibad-baxyo

    Xigashada Sawirka, Reuters

  10. Abiy oo xalay u hoyday Jigjiga iyo ujeeddada booqashadiisa

    Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga

    Xigashada Sawirka, EBC

    Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xalay u hoyday Jigjiga halkaasi oo uu ku joogo booqasho.

    Abiy ayaa ugu horeyn safar gaaban ku gaadhay mashruuca dalxiiska Shabeelay oo ku yaala Degmada Shabeelay ee gobolka Faafan.

    Waxaa kale oo uu xalay kormeeray mashruuca dib u habaynta wadooyinka Jigjiga.

    Abiy ayaa sheegay in Jigjiga markii uu yimid uu ku arkay isbadal ka duwan markii horaanti sanadkan uu booqasho ku tagay halkaasi.

    Mr abiy ayaa farta ku fiiqay in , gobolka Soomaalidu ay haystaan fursado cusub oo dalxiiska ah, Iyadoo mashruuca Gebeta Le Hager uu marayo heer gebageba ah.

    Rai'sul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dhagax dhigi warshada bacriminta beerha oo laga hirgaliyo gobolka Shabeele ee oo ay ku baxayso lacag ku dhow 3-Bilyan oo dollar.

    Abiy Axmed ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Ra'iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh iyo Aadan Faarax.

  11. Ciidammada badda ee Israa’iil oo joojiyay doonyo gargaar sida oo ku wajahnaa Qasa iyo banbaanbaxyo caalami ah oo ka dhashay

    Doonyo ku wajahan Qasa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka badda Israa'iil ayaa joojiyay doonyo gargaar u waday Qasa waxaana la xidhay dadkii doontaas saarnaa oo ay ka mid tahay Greta Thunberg oo ah gabadh u ololaysa deegaanka kana timid Sweden.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in si nabad ah loo joojiyay dhowr doonyood oo ka tirsan doonyaha la baxay Flotilla Global Sumud (GSF) islamarkaana dadka saarnaa lagu wado deked Israel ku taalla.

    Waxay sidoo kale sheegtay in ciidanka badda Israa'iil ay doonayaasha ku amreen in ay jihada beddelaan, maaddaama ay ku soo wajahnaayeen "aag dagaal ka taagan yahay".

    Kooxda GSF ayaa ku tilmaantay joojintaas "sharci-darro" iyo "mid aan ahayn isdifaacid", balse ay tahay "fal liidasho ah".

    Kooxdu waxay ku eedeysay in mid ka mid ah doonyaha doonyaha flotilla si ula kac ah loo beegsaday xilli ay badda ku sugnaayeen, waxayna intaa ku dartay in doonyo kale lagu hafiyay biyo aad u xooggan .

  12. Subax Wanaagsan

    Haweenay ilmo xambaarsan iyo reer geeddi ah

    Xigashada Sawirka, Said Fadhaye

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa aad kala socon kartaa baraha bulshada sida Facebook, Youtube, X iyo barta internet-ka ee bbcsomali.com