Shifa Cabdi oo BBC uga warrantay qaabkii ay ciidamada Israa'iil u qabteen Doomihii Qasa u socday

Xigashada Sawirka, Daljir Media
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Israa'iil ay qabteen doomo ku sii jeeday Marinka Qaza oo ay saaran yihiin cunto iyo sahay caafimaad .
Wxaay ahayd 2 Oktoobar markii milatariga Israa'iil ay joojiyeen kolonyo gargaar oo siday oo ka koobnaa 42 doonyood oo ay saarnaayeen 479 qof oo ah dad u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, oo ay ku jirtay Greta Thunberg oo u ololaysa arrimaha cimilada Sweden.
Dadkan ayaa markii dambe ay Israa'iil ka musaafurisay dalkeeda oo waxaa lagu celiyay goobihii ay ka yimaadeen.
Dadkii doomahaasi saarnaa waxaa ka mid ahayd gabadh Soomaaliyeed oo haysta dhashada dalka Finland.
Shifa Cabdi oo laanta af-Soomaaliga ee BBC la hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay ciidamada Israa'iil gacanta ugu dhigeen.
Sidee wax u dhaceen?

Xigashada Sawirka, Reuters
Shifa ayaa sheegtay in ay iyadu saarnayd Doontii ugu wayneyd ee Almond taasi oo ay ciidamada israa'iil ay ka bilaabeen markii ay doomaha qabanayeen.
"Maalintii Arbacada markii ay 8 ahayd ayaa qabashada doomaha bilaabatay laakiin doomo badan ayaan ahayn oo waxaan ahayn 43 doon, waxay ka bilaabeen midda ugu wayn oo almond la dhaho 8 iyo barkii ayay na qabteen".
Shifaa oo ka sheekeynaysa qaabkii ay ciidamada Israa'iil ku qabteen ayay sheegtay in doomo ay askarta Israa'iil wateen ay ceyrsadeen ka dib-na ay soo koreen doontii ay sarnaayeen sidaasina gacanta loogu dhigay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Saddex doon ayay wateen wayna soo koreen, waxaan ku qasbananay in an matoorka daminno, doonteena waxaa soo koray u maleynayaa inay shan nin ahaayeen iyaga qoryahooda wata", ayay tiri Shifa.
Shifa ayaa xustay in markii doonta ay soo koreen lagu amray dadkii saarna in ay doonta banaankeed fariistaan gacmahana kor u taagaan.
"Markii ay soo koreen anaga oo dhan waan fadhinay, gacmaha kor u qaadnay, waxay nagu qasbeen inaan doonta banaankeeda aadno iyaga ayaa doonta la wareegay marka doonta iyagaa koray oo matoorka daaray oo waxay noo kaxeeyeen dekad la yiraahdo Ashdod" ayay intaa ku dartay.
Waxay sheegtay in markii la qabtay aysan hadalo badan dhihin askarta markii ay doonta soo koreen oo dadka lagu amray oo kali ah in ay aamusaan lana fariisiiyay iyada iyo dadkii la socday meel banaan ah oo qorrax ah.
"Aad noolama aysan hadlayn intaan doonta ku jirnay waxaa nalaku dhahay aamusa banaanka fariista marka saacadahaasi oo dhan ee la socday qoraxdaas banaanka ayaan fadhinay mana nala hadlayn korka ayay naga fiirinayeen" ayay tira Shifa.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qaabkee ayay ula dhaqmeen askarta Israa'iil?
Shifa Cabdi ayaa sheegtay in markii ay dekadda Ashdod ay gaareen booliiska lagu wareejiyay isla markaana booliiska ay ka yara kululaayeen dhanka hab-dhaqanka ciidamadi soo qabtay.
"Markii Ashdod nala geeyay ka dib booliiska ayaa nala wareegay, booliska waxooga wuu ka kululaa ciidanka oo anaga oo dhan way na jiidayeen, waxay nagu qasbayeen banaanka inaan fariisano ilaa saacado inaan banaanka fariisano anaga oo dhulka fiirinayna, qofkii indhaha kor u soo qaadana dhulka lagu riixayay gaar ahaan ragga".
Waxa ay farta ku fiiqaday in indhaha ay ka xireen booliiska Israa'iil islamarkana ay ka qaadeen baasaboorkii ay sidatay ka dib-na la geeyay xabsiga halkaasi oo muddo ay ku jireen.
"Baasaboorkeyda ayaa la iga qaatay indhah la iga duubay gacmaha la iga xiray waxaa la i saaray bas markaas ayaa waxay na geeyeen xabsiga oo baska waxaan saarnayn saacado laakin ma qiyaasi karo oo indha ayaan ka xirnaa" ayay intaa raacisay.
Shifa ayaa sheegtay in markii xabsiga la geeyay ay booliiska su'aalo badan waydiiyeen oo ku saabsan ujeedka safarkooda.
"Su'aal way na waydiinayeen oo su'aalo badan ayay na waydiinayeen waxay rabeen inay ogaadaan, yaa waday doonta sababtee u imaateen marar badan waxay rabeen inaaan u saxiixno waraaqo ah inaan anaga qaladaad sameynay oo aan rabno in waddanka nagala tarxiilo waxaasi oo dhan aniga waan diiday" ayay tiri Shifa.
Shifa Cabdi ayaa sheegtay in u jeedadii ay u safreen ay ahayd in ay soo bandhigaan dhibaatada ay marayaan dadka Falastiiniyiinta oo caalamka uu ogaado.
"Wadamada Yurub iyo reer galbeedka aad ugama hadlayaan dhibaatada Falastiiniyiinta Sababta aan u baxnay waxaa waaye inaan soo saarno dhibaatooyiinka ay Falastiiniyiinta marayaan," ayay tiri.
Shifa Cabdi waxaa imika dib loogu celiyay dalka Finland oo markii hore ay ka timid.













