Trump: 'Waxaan u socdaa Masar si aan heshiiska xabad joojinta u saxiixo'

Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda ka hadlaya shirka golaha wasiirada ee Aqalka Cad.

Waxa uu sheegay in bariga dhexe uu xalay ka dhacay horumar la taaban karo. "Waxaan soo afjarnay dagaalkii Gaza, runtiina saldhig aad u weyn ayay abuuray nabaddu."

"Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto nabad waarta, waxaan rajeynayaa nabad waarta," ayuu yiri.

Trump waxa uu sheegay in la haystayaasha haray la sii daayo "Isniin ama Talaadada".

Helitaankoodu waa hab adag, ayuu yiri, isaga oo raaciyay "Waxay joogaan meelo aadan rabin inaad wali joogto".

Taasi waxay noqon doontaa maalin farxadeed, ayuu raaciyay, isagoo sheegay inuu isku dayi doono inuu safar ku tago halkaas. "Waxaan aadeynaa Masar halkaas oo aan saxiix ku samayn doono," ayuu yiri, isagoo sharxaya in heshiiska hore loo sameeyay iyada oo isaga la matalayo laakiin ay sameynayaan "saxiixa rasmiga ah" haatan.

Balse waxa uu hadalkiisa ku daray in uu doonayo in shirka golaha wasiiradu uu si degdeg ah u qabsoomo, isaga oo intaa ku daray, "hawlo badan ayaa noo yaalla - anigu halkan kuma bixin doono waqti sidaas u sii badan sababtoo ah waxaan goor dhaw aadi doopnaa Bariga Dhexe".

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar sii horeysay sheegay in la haystayaasha "ay u badan tahay in la sii deyn doono Isniinta".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Gideon Saar ayaa wax yar ka hor ka soo muuqday talafishinka Fox News.

Waxa uu sheegay in xabad joojin ay dhaqan gali doonto "isla markiiba" marka heshiiska ay ansixiyaan golaha wasiirada Israel fiidnimadii caawa, iyadoo ay ka go'an tahay Xamaas inay ku sii daayaan la haystayaasha haray 72 saacadood gudahood.

"Waxaan aaminsanahay inay taasi soo afjari doonto dagaalka," ayuu yiri.

Shirka golaha wasiirada Israa'iil ee lagu go'aaminayo ansixinta heshiiska xabbad joojinta Gaza ayaa dib loo dhigay ilaa 20:00 haeenimo xilliga maxalliga ah ee Israa'iil , sida uu sheegay muuqbaahiyaha guud ee dalkaas, Kan.

Afhayeen u hadlay dowladda Israa'iil ayaa sheegay in mar sii horeysay ay jiri doonaan kulamo golaha wasiirada iyo dowladda laga bilaabo 17:00 fiidnimo xilliga maxalliga ah ee dalkaas

Dhawr ka mid ah warbaahinta Israa'iil ayaa hadda sheegaysaa in jadwalkii uu dajiyay afhayeenku uu dib u dhacay.

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbin doonaa marka aan helno