Waa kuma dalka Islaamka ah ee xarun ciidan ku yeelanaya gudaha Maraykanka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa dhammeystiray heshiis u ogolaanaya Qadar inay ka dhisato gobolka Idaho ee Maraykanka xarunt ciidan cirka ah sida uu ku dhawaaqay xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth.
Waxa uu sheegay in xaruntaas lagu tababari doono duuliyayaasha ka socda wadamada Khaliijka si ay u duuliyaan diyaaradaha F-15 -taas oo laga dhisi doono saldhigga ciidamada cirka ee Mountain Home, oo ku yaalla gobolka waqooyi-galbeed ee Idaho.
"Waa tusaale kale oo muujinaya iskaashigeenna," ayuu yiri Hegseth, isagoo ka dhinac hadlayay wasiirka difaaca Qatar, Saoud bin Abdulrahman Al-Thani, shir ay ku yeesheen xarunta Pentagon-ka Jimcihii.
Hegseth wuxuu sidoo kale amaanay doorka weyn ee Qatar ay ka qaadatay dadaallada uu hoggaaminayo Madaxweyne Donald Trump si loo gaaro xabbad-joojin Qasa ah iyo heshiis lagu soo daayo la haystayaasha.
Qadar – oo ay wehliyaan Masar iyo Turkiga – ayaa door firfircoon ka ciyaaraysay wadahadallada dadban ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Xoghayaha difaaca Maraykanka Hegseth, oo ka hadlayey muhiimada heshiiska ayaa sheegay.
"Waan ku faraxsanahay in maanta aan saxiixeyno warqad oggolaansho ah oo ku saabsan dhismaha saldhig ciidan ee Cirka Qadar oo laga hirgelinayo saldhigga Mountain Home ee gobolka Idaho."
"Goobtan waxay martigelin doontaa diyaaradaha dagaalka ee F-15 iyo duuliyayaal Qadari ah si loo xoojiyo tababarkeenna wadajirka ah, kor loogu qaado awoodda dagaal iyo isfahanka howlgalka – waa tusaale kale oo muujinaya iskaashigeenna."ayuu intaas raaciyey Hegseth.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxa Pentagon-ka ma uusan sheegin tirada diyaaradaha F-15 ee Qadar laga dejin doono saldhigga ku yaalla Idaho, mana uusan caddeyn goorta uu saldhiggaasi shaqo bilaabi doono.
Bishii la soo dhaafay, Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amar Madaxweyne oo ballanqaadaya in la adeegsado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah — oo ay ku jirto awoodda milatari ee Mareykanka — si loo difaaco Qadar.
Amarkani wuxuu u dhigmaa heshiis amni oo aan caadi ahayn oo dhexmaray Mareykanka iyo xulafo muhiim ah oo Carbeed, taasoo dhinacyo badan uga eg xubin ka tirsan gaashaanbuurta militari ee NATO.
Qoraalka amarka ayaa sheegay in Washington ay u arki doonto weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado waddanka yar ee hodanka ku ah tamarta inuu yahay hanjabaad toos ah oo ka dhan ah Mareykanka laftiisa. Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku "qaadi doono dhammaan tallaabooyinka sharci ahaan loo oggol yahay ee habboon — oo ay ku jiraan diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo haddii loo baahdo, mid ciidan — si loo difaaco danaha Mareykanka iyo kuwa Qatar, loona soo celiyo nabadda iyo xasilloonida."
Tallaabadan ayaa timid kadib markii duqeymo cirka ah oo ay Israa'iil fulisay 9-kii Sebteembar oo ay bartilmaameedsadeen hoggaamiyayaal Xamaas ah oo ku sugnaa caasimadda Qatar ee Doha, halkaas oo ay ku dhinteen xubno heer hoose ah oo ka tirsan kooxda Falastiiniyiinta iyo sarkaal amni oo Qatari ah.
Qadar waxay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe — saldhigga al-Udeid.
Saldhiggaas — oo ah xarunta ugu weyn ee hawlgalada cirka ee Mareykanka ee gobolka — ayaa sanadkan hore lagu qaaday weerar ay Iran ku qaaday si ay uga aargudato duqeymo Mareykanku la beegsaday xarumo ay Iran leedahay oo la tuhunsan yahay in lagu horumariyo hubka nukliyeerka.
Xiriirka Qadar iyo Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa mid heer wanaagsan gaarsiisan iyadoo Trump safarkiisii ugu horreeyey ee rasmi ah uu ku tago dalal dibada markii xilka la wareegay Janaayo sanadkan ay Qadar ka mid ahay dalalkii uu booqashada ku tagay heshiisyana ay kala saxiixdeen.













