Maxaa iska baddalay galista iyo ka bixist aagga Schengen ee Yurub?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Midowga Yurub ayaa bilaabay nidaam digital ah maanta oo Axad ah kaas oo lagula soconayo dadka aan u dhalan EU ee soo galaya kana baxaya aaga loo yaqaan Schengen kaas oo ay ku jiraan dalal gaaraya 29. Wadamadaas ma lahan xuduudo la ilaaliyo oo u dhexeeya.
Nidaamkan digitaalka ah ee bixista iyo galista ee loo yaqaan (EAS) waxaa loo hirgaliyay si tartiib-tartiib ah kaddib markii muddo uu dib u dhacayay.
Habkan cusub marka aad soo galeyso aagga Schengen, waxaa lagaa doonayaa in iskaan laga qaado baasaboorkaaga iyo farahaaga, sidoo kale waxaa laga qaadayaa sawir.
Waxaa sii kordhaya cadaadiska siyaasadeed ee lagu xakameynayo muhaajiriinta kaas oo la saarayo dalalka ku mideysan Midowga Yurub. Ujeedka laga leeyahay nidaamka cusub waa in lagu soo qabtaa dadka jooga in ka badan mudadii loo ogolaa iyo in laga hortago muhaajiriinta sharcidarada ah.
Khubaradu waxay sheegeen in habkan cusub uu horseedayo in muddo dheer saf lagu jiro marka la soo galayo dalalka Schengen
Muxuu yahay habka galista iyo bixista, halkeesa laga dhaqangeliyay?
Habka galista iyo bixista Yurub waxa uu diwaangelinayaa dadka aan u dhalan Midowga Yurub ee soo gala aagga Schengen.
Dadka waxay u kala gudbi karaan 29-ka dal ee Yurub iyadoon waxba laga hubineyn. Dalalka Faransiiska, Spain, Portugal, Italy iyo Griiga ayaa ka mid ah kuwa aad isaga kala gudbi karto.
Habka galista iyo bixista waxaa ugu dambeyn lagu baddalyaa in basaboorada la saaro istaambo marka aad xuduudaha ka baxeyso ama aad galeyso.
Kaddib dhowr jeer oo uu dib u dhacay, maanta oo bishu tahay 12-ka oktoobar ayuu bilowday nidaamka. Si heer heer ah ayaana muddo lix bilood ah looga dhaqan gelinayana dhammaan meelaha laga soo galayo Yurub hadii ay ahaan laheyd garoomada diyaaradaha iyo meelaha kale.

Maxaa laga doonayaa dadka safraya?
Marka ugu horeysay ee aad galeyso aagga Schengen waxaa lagaa diwaangelinayaa faraha, wajiga iyadoo kaddibna iskaan la saarayo baasaboorkaaga.
Howlahaas waxaa qabanaya saraakiisha xuduudaha ka shaqeeya, waxayna ku xiran tahay halka aad ka soo galeyso Yurub.
Dadka ku imaanaya diyaaradaha waxay nidaamkan marayaan marka ay galayaan dalka ay u socdaan.
Shaashada aad gelineyso xogtaada waxa ay ku weydiineysaa afar su'aal. Waxaa ka mid ah su'aalaha halka aad ku dageyso iyo hadii aad haysato lacag kuugu filan.
Waxaa jira walaac laga qabo in safaf dhaadheer la arki doono taas oo ka imaaneysa daqiiqada qof kasta uu ku bixinayo shaashada uu gelinayo xogtiisa.
Muxuu yahay Schengen?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Fiisaha Schengen waa fiiso dadka aan u dhalan Midowga Yurub loogu ogolaado in ay u safraan kuna joogaan mid ka mid ah Yurub ugu badnaan 90 maalmood.
Dalalka ka kooban 29-ka ee Midowga Yurub xubnaha ka ah waxay wadagaleen heshiiska Schengen sidaa darteed fiisaha uu soo saaro dal ka mid ah waa uu ka wada shaqeynayaa 29-ka dal. Meelaha xayiraadaha la saaro waxaa lagu cadeeya fiisaha.
Magaca Schengen waxa uu ka yimid magaalo ku taal koonfur bari Luxembourg halkaas oo dalalka Faransiiska, Jarmalka, Belgium, Luxembourg iyo Waqooyiga Ireland ay ku saxiixdeen heshiiskii ugu horeeyay Schengen sanadkii 1985.
Inkastoo heshiiska Schengen uu qeyb ka noqday qeynuunka Midowga Yurub 1997-dii, hadana dalalka aan Midowga Yurub ku jiran sida Switzerland, Iceland, Liechtenstein, iyo Norway waxay saxiixeen heshiiska, waxayna qeyb ka yihiin aagga Schengen.
Heshiiska Schengen ma ahan mid ay ku qasban yihiin dalalka ku jira Midowga Yurub oo dhan. Jamhuuriyada Ireland, oo aan heshiiska saxiixin, xubin kama ahan Schengen inkastoo ay ka tirsan tahay Midowga Yurub.













