Dhammeystirka qorshihii nabadda Qasa ee Trump oo shaki badan uu ku gadaaman yahay

Xigashada Sawirka, Reuters
Safarka degdegga ahaa ee Donald Trump uu ku tagay Israa'iil iyo Masar waxa uu ahaa wareeggii guusha ee uu doonayay.
Qof kasta oo daawada khudbadihii uu ka jeediyay Qudus iyo Sharm el-Sheikh waxa uu arki karay nin ku raaxaysanaya awooddiisa – oo ku raaxaysanaya shacabka baarlamaanka Israa'iil iyo gudaha Masar, isagoo ka duulaya in madax iyo dawlado badan ay saaxiixa soo xaadireen.
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta rugcadaaga ah ee goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ay u egtahay in Trump uu u arkay doorka hoggaamiyeyaasha adduunka in ay yihiin waxyaabo dheeri ah oo ku jira duubista filimkiisa.
Farriinta Trump ee Sharm waxay ahayd, dhab ahaan, in uu abuuray isbeddel taariikhi ah.
"Waxa kaliya ee aan sameeyay noloshayda oo dhan waa heshiisyo."
Waxa kale oo laga yaabaa in goob-joogayaashu ay ka qaateen khudbadaha in shaqada la dhammeeyey. balse howsho sidaa ma aha.
Waxayna su'aal ka taagnayn, Trump wuxuu sheegan karaa sumcadda xabbad joojinta iyo heshiiska is dhaafsiga la haystayaasha. Qadar, Turkiga iyo Masar waxay isticmaaleen awooddooda Xamaas si ay ugu qasbaan inay aqbalaan hsehiiska.
Haddii aanu dabada ka riixin in uu dalbado heshiiska Ra'iisal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in la eego qodobbadii uu hore u diiday, heshiiska lama saxiixdeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiisku wuxuu ahaa xabbad-joojin iyo in maxaabiis la is dhaafsado. Ma aha heshiis nabadeed, ama xitaa bilawga geedi socodka nabada.
Wejiga xiga ee qorshaha 20-ka qodob ee Trump wuxuu u baahan yahay heshiis buuxinaya dulduleelada qaabdhismeedka kaas oo cadeynaya in Marinka Qasa laga dhigi doono meel militariga ka caagan, dhisidda iyo maamulidda guddi ay ku jiraan Falastiiniyiinta.
Waxay warbixin siin doonaan guddiga nabadda ee uu hoggaamiyo madaxweyne Trump. Shaqo muhiim ah ayaa loo baahan yahay in lagu qabto tafaasiisha loo baahan yahay si taasi u dhacdo.
Heshiiska Qasa ma aha khariidad loo maro nabadda Bariga Dhexe, oo ah meesha ugu dambeysa iyo ilaa hadda, meel aan la gaari karin.
Sida dhab ah, ma jiraan wax caddaynaya rabitaanka siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in la sameeyo heshiis nabadeed oo dhab ah.
Dagaallada intooda badani waxay ku dhamaadaan dagaal-yahanno daalan oo galaya nooc heshiis ah. Dagaalka Qasa waxa uu noqday mid ka mid ah, haddii sida Trump uu ku dhawaaqay, waa la soo afjaray.
Dariiqa kale ee lagu soo afjari karo dagaal waa guul buuxda oo u ogolaanaysa kuwa guulaysta inay go'aan ka gaaraan halka loo dhaqaaqayo. Tusaalaha ugu fiican waa is-dhiibistii Nazi-ga Jarmalka shuruud la'aan sanaddii 1945-kii.
Kahor 9kii Sebtembar, markii Netanyahu uu amray in la weeraro Qadar, wuxuu u muuqday inuu wali damacsan yahay inuu si buuxda u jebiyo cadawga Israa'iil, si ay Israa'iil awood ugu yeelato inay xukunto mustaqbalka Gaza. weerarkaas ayaa waxaa uu ka careysiisay Trump.
Qadar waa mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ku leeyahay gobolka, waana goobta uu ku yaallo saldhiga ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe.
Sidoo kale waa goob ay wiilashiisa ka sameysteen ganacsi faa'iido badan. Trump ayaa meesha ka saaray sababtii Netanyahu uu ku sheegay in bartilmaameedka, oo la seegay, uu ahaa hoggaanka Xamaas, ee uusan ahayn Qadar.
Trump ayaa ku soo laabtay Washington DC. Diblomaasiyiintu waxay sheegeen in Maraykanku ay garwaaqsadeen in la xalliyo tafaasiisha ay tahay mid muhiim ah oo aanay si degdeg ah u dhici doonin. Dhibaatadu waxay tahay in laga yaabo inaysan haysan waqti ku filan.
Xabbad-joojintu had iyo jeer waa la jebiyaa marxaladahooda hore. Kuwa badbaadaya waxay u muuqdaan inay ku dhisan yihiin heshiisyo adag, oo ay sameeyeen dhinacyada dagaallamaya kuwaas oo go'aansaday in ikhtiyaarkooda ugu fiican uu yahay inay uu shaqeeyo heshiiska.

Xigashada Sawirka, Reuters
Khatarta ayaa ah in xabad joojinta Qasa ay ka maqan tahay qodobbadaas. Kaliya 24 saacadood ka dib markii ay Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, sababo aad u kala duwan dartood, ay farxad iyo nafis la wadaagaan la haystayaasha, maxaabiista-na ay ay guryahooda ku laabtaan, waxaa jira dulduleelo ka soo baxay xabbad joojinta.
Xamaas ayaa ilaa hadda soo celisay afar ka mid ah meydadka 28-kii la haystayaasha ee la dilay intii ay xabsiga ku jireen.dulqaadka Israa'iil waa mid jilicsan.
Masiirka maydadka la haystayaasha ayaa noqon doona arrin weyn dhanka Israa'iil haddii aan haraadigooda dib loo soo celin.
Jawaabtii ugu horreysay, Israa'iil waxay sheegtay in ilaa Xamaas ay ka soo baxayso waajibaadkeeda ay kala bar jarayso shixnadaha mucaawinooyinka ee Gaza, oo aanay dib u furi doonin marinka Qasa ee xuduudka Masar – ee Rafah.
Bezalel Smotrich, oo ah wasiirka maaliyadda ee Israa'iil oo ah nin xagjirka ah ee ka soo horjeeda heshiiska Qasa, ayaa soo dhigay baraha bulshada "cadaadis milatari oo kaliya ayaa dib u soo celinaya la haystayaasha".
Ciidanka difaaca Israa'iil (IDF) ayaa weli haysta 55% marinka Qasa. Saaka ayaa askarteeda waxay dileen Falastiiniyiin ay sheegeen inay ku soo dhawaadeen ciidamadooda. Difaaca rayidka Falastiin ee Qasa ayaa BBC-da u sheegay in toddobo qof lagu dilay laba dhacdo oo kala duwan.
Dhibaatada ugu weyn ee nidaamka ayaa ah in Falastiiniyiintu aysan garanayn halka khadadka cas ah. Dhanka Xamaas, waxay dib u soo celinaysaa awooddeeda.
Raggeedii, hubaysnaa oo wejiyada soo duubtay ayaa dib ugu soo laabtay waddooyinka. Waxay weerartay kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo qaarkood ay difaaceen ciidamada IDF. Muqaalo la baahiyay ayaa muujinaya in Xamaas ay dilayso rag indhaha ka xiran kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gacan saar la leeyihiin Israa'iiliyiinta.
Muuqaallada foosha xun ee lagu fulinayo xukunnada ka baxsan sharciga ayaa farriin u diraya falastiiniyiin kasta oo doonaya in ay ka horyimaadaan iyo in ay tusaan caalamka dibaddiisaba in Xamaas ay ka badbaaday gumaadka Israa'iil.
Qodobka 15-aad ee qorshaha Trump ee Qasa ayaa sheegay in Maraykanku "uu la shaqeyn doono saaxiibada Carabta iyo kuwa caalamiga ah si loo dedejiyo Xoogagga Xasilinta Caalamiga ah ee ku meel gaarka ah (ISF) si isla markiiba loo geeyo Gaza".
Kor u qaadida iyo keenista ciidankaas waxay noqonaysaa mid aan macquul ahayn haddii xabad joojintu ay noqon waydo mid adag. Dalalka soo diraya ciidamada ma soo diri doonaan ciidamadooda si ay xoog ugu adeegsadaan hub ka dhigista Xamaas.
Xamaas waxa ay ka dhawaajisay in laga yaabo in ay ka tanaasulaan qaar ka mid ah hubka culus balse aan laga dhigi doonin hubka oo dhan.
Waxay leedahay fikrad ah iska caabin Islaami ah oo Israa'iil ah, waxayna ogtahay in hub la'aan cadowgeeda Falastiin ay u iman doonaan aargoosi.
Netanyahu ayaa ku hanjabay in haddii cid kale aysan qabanayn shaqada ay Israa'iil dhammayn doonto shaqada. Hubka Xamaas waa inuu maraa, ayuu yiri, "dariiqa fudud ama midka adag".
Haddii uu run ahaantii Trump aaminsan yahay in shaqadii nabadaynta la dhammeeyey, taasi micnaheedu waa in uu isagu is-khiyaamayo. Kaliya isku dayga wuxuu u baahan yahay feejignaan joogta ah, shaqo diblomaasiyadeed oo adag iyo go'aan ka gaarista labada dhinac ee dagaalka ku lug leh in la gaaray waqtigii la sameyn lahaa naf-hurid xanuun badan iyo tanaasul.
Madaxweynayaashii hore ee Maraykanka ayaa sidoo kale aaminsanaa in ay nabad ka dhigi karaan Bariga Dhexe. Trump wuxuu ogaan doonaa in nabadda aan lagu gaari karin oo kali ah inaad madaxweyne tahay , si kasta oo aad awood u leedahay.













