Cayayaan dhulka Soomaalida ku badan oo la ogaaday inuu keeno cudur khatar ah, welwelna ku haya saynisyahannada

Shilinta nuugtaa dhiigga maqaarka dadka waxayna keentaa cudurka Lyme

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fanaaniinta caanka ah ee Justin Bieber iyo Justin Timberlake labaduba waxa ay noqdeen xidigo waaweyn oo fanka ku jira sannadihii iyaga oo da'a yar.

Laakin isku ekaanshaha labadan magac kaliya ma aha, waxaa kaloo jira wax kale oo isaga eg.

Labaduba waxay la daalaa-dhacayen muddo dheer saamaynta cudurka Lyme.

Bishii July, Justin Timberlake wuxuu baraha bulshada dadka kula wadaagay waayo-aragnimadiisa dheer ee cudurkan.

Justin Bieber ayaa sidoo kale isagana ka hadlay shan sano ka hor, ka dib koror aad u weyn oo kiisaska cudurkaan ayaa laga diiwaan geliyay Mareykanka.

Waa jeermis bakteeriyo ah oo ku fida bini-aadka waxaana laga qadaa qaniinyada cayayaanka loo yaqaan shillinta.

Kani waa cudur lagu jahwareersan yahay oo saynisyahannadu aanay weli awood u yeelan inay si buuxda u fahmaan.

Toddobaadkan barnaamijka 'Duniya Jahan' waxaan isku dayi doonaa inaan ogaano sababta dad badan oo adduunka ah ay ugu dhacayaan cudurka Lyme.

Calaamadaha

Shillin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shillin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr. Sally Mavin, oo ah saynisyahan ka tirsan isbitaalka Raigmore ee Scotland, khabiirna ku ah cudurrada ka dhasha cayayaanka gaar ahaan shillinta, ayaa sheegtay in mar kasta oo qof caan ah uu ka hadlo inuu qabo cudurka Lyme, tirada dadka u imanaya shaybaarka si loo baaro ay korodho.

Sidoo kale, tirada dadka ka raadinaya macluumaadka cudurkan Google ayaa kordhiya labalaab.

Cayayaanka u eg shillinta ayaa jiray qarniyo badan, laakiin dareenka sayniska ee cudurka Lyme wuxuu diiradda saaray arrintan bartamihii 1970-meeyadii.

Dr. Sally Mavin ayaa sheegtay in ka dib markii xaalado astaamo la mid ah arthritis-ku laga soo sheegay carruur badan oo ku nool magaalada xeebta ah ee 'Old Lyme' ee gobolka Connecticut ee Maraykanka, ururka caafimaadka Maraykanka ee Xarunta Xakamaynta Cudurrada (CDC) ayaa lagu amray inay baaraan.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad ​​dhammaan carruurta ay qaniintay shillinta, waxaana jirkooda ka soo baxay finan koobaabin leh.

In kasta oo sababta cudurkani ay ahayd mid qarsoon wakhtigaas, dhawr sano ka dib, saynisyahannadu waxay ogaadeen bakteeriyada spherical ee ka masuulka ah cudurka waxayna u bixiyeen saynisyahanada, Barolia Bedofright.

Dr. Sally Mavin ayaa sheegtay in cudurka Lyme uu hadda ku faafay dalal badan oo ku yaal gobolka Arctic. Waxa uu noqday cudur ku badan Maraykanka iyo Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee Mareykanka, 23,000 xaaladood oo cudurka Lyme ah ayaa laga soo sheegay Mareykanka 2023, laakiin xarunta CDC waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ay ku dhowaan karto 450,000.

Cabuqan hadda wuxuu ku faafayaa Aasiya iyo canada. Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 125,000 oo qof uu ku dhaco cudurka Lyme sannad kasta 20 waddan oo Yurub ah.

Dr. Mavin wuxuu sharxayaa in shilintu ay ku badbaaddo oo ay ku nooshahay dhuuqida dhiigga makhluuqa kale. Meertada noloshu waxay ka kooban tahay afar marxaladood: ukun, dirxi, iyo qaangaar ama marka ay waynaato.

Shillinta dheddigga ee qaan-gaarka ah waxay bilaabataa inay ukunto dhasho ka dib marka quudato ama ay nuugto dhiiga makluuqaadka kale. Marxalad kastaa waxay u baahan tahay xaddi ku filan oo dhiig ah.

Shilintu waxay quutaan dhiiga shimbiraha, lo'da, doofaarka, iyo xoolaha kale.

Sida laga soo xigtay Dr. Sally Mavin, dhiigga bini'aadamku maaha cunto dabiici ah oo shilintu quudato. Si kastaba ha ahaatee, marka shilintu ay qaniinto dhiigga neefka cudurka qaba, isamarkaas-na ay qaniinto bini'aadamka, caabuqa ay u gudbisaa.

Waxaa jira in ka badan 900 oo nooc oo shillinta ah oo adduunka oo dhan , laakiin afar ka mid ah noocyadan ayaa sida bakteeriyada faafisa cudurka Lyme.

"Shillintu waa xayawaan aad u xiiso badan," ayay tiri Dr. Sally Mavin.

Marka ay korto jirka bini'aadamka, waxay gaartaa xidid si fudud u nuugi karo dhiigga. Marka ay qaniinto, proboscis-keeda ayaa gudaha u gala jirka oo candhuuf ayaa ka soo qulqulaya, wax xanuun ah ma keeno.

Taasi waa sababta aynaan inta badan xitaa u dareemin qaniinyada. Candhuufteeda waxaa ku jira kiimiko ka hortagta xinjirowga dhiigga."

Cudurka Lyme isla markaaba ma muujiyo calaamadaha. Dr. Mavin waxay sharxaysaa in marka caabuqu faafo, xanuunka kalagoysyada, qandho, ama finan wareeg ah laga yaabo inay ka soo baxaan goobta shilinta. Mararka qaarkood, bakteeriyadu waxay ku faaftaa qaybaha kale ee jirka iyada oo sii marta qulqulka dhiiggeena.

Calaamado badan oo cudurkaan ayaa waxaa uu la wadaagaa cudurada kale.

Xaaladaha qaarkood, calaamado ay ka mid yihiin xanuunka neerfaha ama wajiga oo qalala ayaa la arkaa. Mararka qaarkood, bukaanku waxa kale oo laga yaabaa inay dareemaan madax-xanuun daran ama calaamado u eg qowracatada. Bakteeriyadani waxay jirka ku sii jiri kartaa sanado badan waxayna sidoo kale saamayn kartaa wadnaha.

Dr. Sally Mevin ayaa sheegtay in sida ugu wanaagsan ee taas looga fogaan karo ay tahay in isla markiiba shillinta laga saaro jirka.

Dhibaatooyinka daawaynta

Tirada dadka ka raadinaya macluumaadka la xiriira cudurka Lyme ee internetka ayaa sidoo kale kor u kacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dr. Armin Aledin, oo ah madaxa cilmi-baarista ee Lyme Alliance, oo ah hay'ad cilmi-baaris ku sameysa cudurrada ka dhasha shilinta, ayaa sharraxay in isla marka bukaan-socodka la xaqiijiyo inuu qabo cudurka Lyme, daaweyntu waxay ku bilaabataa antibiyootiga.

Sida laga soo xigtay Dr. Armin Aledin, daawada antibiyootiga ee afka laga qaato ayaa inta badan loo isticmaalo daaweynta cudurka Lyme.

Daawooyinkani ama waxay xalliyaan ama xakameeyaan calaamadaha muddo gaaban gudaheed xaaladaha intooda badan. In kasta oo tilmaamaha daawaynta xoogaa la safeeyey, dawooyinkan ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee daawaynta xanuunka.

Dr. Aledin waxa uu yiri, "Antibiyootigu kaliya ma dilo bakteeriyada cudurka Lyme, laakiin waxa kale oo ay baabi'in kartaa qaar ka mid ah bakteeriyada faa'iidada leh ee ku jirta mindhicirkeena. Isticmaalkooda muddada dheer waxay saameyn xun ku yeelan karaan caafimaadkeena."

Dhab ahaantii, mararka qaarkood way adag tahay in la ogaado qaniinyada shilinta, sababtoo ah cayayaankani aad ayuu u yar yahay oo waxaa uu ka soo baxa jirka ka dib markii uu cabbo dhiig ku filan.

Sidaa darteed, dad badan ayaa xitaa ogeyn la' in ay Shillin qaniintay.

Baaritaanka, tdhakhaatiirtu inta badan iskuma dhibaan inay qofka ka baaraan cudurka Lyme. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa ah in calaamadaha bilowga ah ee cudurka Lyme ay la mid yihiin hargabka, sidaas darteed dhakhaatiirtu waxay inta badan u maleynayaan inuu yahay hargabka."

Habka baaritaanka cudurka Lyme sidoo kale waa mid adag. Waxaa loo maraa laba tallaabo: baaritaanka serology si loo go'aamiyo joogitaanka antigens ee dhiigga.

Ujeedada baaritaankan waa in la ogaado bakteeriyada Barolia ee jirka. Talaabada labaad waa in la hubiyo unugyada difaaca jirka ee laga soo saaro jirka si ay ula dagaalamaan antigen-ka. Si kastaba ha ahaatee, xitaa baaritaankan ayaa mararka qaarkood ku guuldareysta in lagu ogaado cudurka waqtigaas.

Sida laga soo xigtay Dr. Aledin, haddii baaritaanka la sameeyo ka hor inta aanu saameyn unugyada difaaca jirka, baaritaanku wuxuu muujinayaa in uusan qofka qabin xanuunka.

Taasi waa, haddii baaritaanka isla markiiba la sameeyo qaniinyada shilinta, cudurka lama ogaan karo sababtoo ah wakhtigaas unugyada difaaca jirka ma samaynin jirka.