Maxaan kala soconnaa jikada Soomaalida ee Qasa laga furay si loogu quudiyo shacabka Falastiiniyiinta

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigay 50 maalmood oo ay furan tahay jiko laga quudiyo dadka reer Falastiin

Xigashada Sawirka, Somali Action Network

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigay 50 maalmood oo ay furan tahay jiko laga quudiyo dadka reer Falastiin ee ku go'doonsan Marinka Qasa, taas oo ay furintaankeeda lahaayeen dad Soomaaliyeed.

Lacagta ku baxday kontonkaas maalmood waxa lagu sheegay rubuc milyan doolar oo laga soo ururiyay Soomaali ku kala nool gudaha iyo dibaddaba.

Quudinta ayaa sii socon doonta, waxaana maalintiiba jikada ku baxda lacag dhan shan kun oo doolar.

Sida ay howlahan u socdaan iyo qaabka lagu gaarsiiyo taakulada dadka reer Falastiin ee Qasa ayey BBCdu ka wareysatay Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan Xasan oo howlaha lagu taakuleeynayo jikadaasi magaca Soomaalida ku furan hormuud ka ah.

Sheeikh Cabdi Xayi wax uu sheegay in markii ay gaajadadu soo baxday oo caalamka oo dhan laga wada dareemay caruurtu in ay dhimanayaan ilaa heer ay Qaramada midowaday ay tiraahdo waxa ka jira Qasa waa gaajo "ayaan abaabulkii hore aan ku kaalmeeyn jirnay qoysaska iyo agoonta ku waxaan ku darnay barnaamijkan quudinta sida in Jiko loo sameeyo taas oo aan la wadaagnay buu yiri walaalaha Falastiin ee howshaas bani-aadanimada ka shaqeynaya kuwaas oo noo sameeyay qiimeyn ah sida lagu sameeyn karo" ayuu yiri shiikha.

Qiimeeynta ayaa noqotay shan kun oo doolar maalinkiiba "sidaas ayaan ku dirnay shantii kun ee ugu horreysay" taas oo la diray, howshiina waxa ay ku bilaabeen si bilow ah oo fudud oo raashin iyo waxooga yar oo mushaari ah taas oo ay muddo kusoo socotay".

Maantay ayaa wax magaalada Muqdisho lagu qabtay munsaabad loogu dabaaldegayo iyo mahadnaq loo jeedinayo dadkii ka qeeyb ka qaatay ee Soomaaliyeed muddo kontonka maalmood ah oo ay howshaasi socotay

"50 maalmood oo shacbigaasi reer Qasa aan quudineynay iyo kaamka shacbiga somaaliyeed ee meesha ku yaalla oo aan qeyb nahay dadka u gurmanaya ee u diirnaxaya waxa meesha ka socda" ayuu yiri Sheekh cabdixayi.

Mar uu ka hadlayey Sheeikh Cabdixayi inta qof ee maalintii la quudiyo waxa uu sheegay in markii hore ay ku bilaabeen in shan boqol oo qoys cunto la siiyo, kuwaas oo laga yaabo buu yiri in ay yihiin dadka ugu nasiibka badan oo maalintaas maalinteeda kale ku gaaraan.

Markii dambe oo raashinku uu raqiisay shanti kun ee lagu quudin jiray shanta boqol waxa ay awoodeen in lagu quudiyo 800 qoys.

"Mudadaasi uu kaamku furnaa 500 qoys ilaa 800 qoys oo maalin walba ah ayaa lagu quudin jiray".

Munaasabada maanta ayaa sidoo kale ahayd in la soo xiro 50kii maalmood ee hore iyo baaq cusub oo la jeediyo, kaas oo ah in howshu ay halkeedii ka socoto.

Sidee lagusoo aruriyaa lacagtaasi $5000 maalin kasta

Sheekh Cabdi Xayi waxa uu sheegay in lacagtaasi ay shacabka Soomaaliyeed oo ku jira marxalad adag, laakin aaminsan walaalkey ayaa iga daran in ay iskasoo aruriyaan

Xigashada Sawirka, Cabdi Xayi

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sheekh Cabdi Xayi waxa uu sheegay in lacagtaasi ay shacabka Soomaaliyeed oo ku jira marxalad adag, laakin aaminsan 'walaalkey ayaa iga daran' in ay iska soo aruuriyaan, "shacabka soomaaliyeedna waa uu ka badan yahy in uu bixin karo shan kun iyo ka badan" ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi oo intaas ku dary in lacagta laga soo diro dalal iyo dibadda ah isagoo u mahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee howshaasi gacan ka geystay.

Sheekh cabdi xayi waxa uu sheegay in markii hore ay qabeen dareen ah sidee loo bixin kara shan kun oo doolar maalin kasta laakin shacbigii dareenkiisu uu aad u qiirooday markuu arkay waxa meesha ka socda iyo shacabka Soomaaiyeed oo sida ay reer Falastiin noo sheegeen ah shacbgiga fahmaya gaajada, dhibaatooyinkana soo maray.

Dadka qaar ayaa is weeydiinaya Qasa oo la ogyahay in ay go'doon tahay raashinka iyo cuntooyinka aan loo ogoleyn in ay galaan sidee gargaarkaasi ay shacabka Soomaaliyeed bixiyaan lagu gaarsiiyaa dadka u baahan.

Raashinka ayaa laga iibiyaa gudaha Qasa iyagoo ay culimada reer Falastiin ee howshaasi gacanta ku haysa ee dadka quudisa ay iibiyaan. Sheekh Cabdi Xayi waxa uu sheegay in gudaha Qasa ay ku nool yihiin dad ka badan lab milyan "Bani-aadam meel iskugu yimid waxa aan baranay oo aan Soomali taariikhdeeda ku haynaa buu yiri Sheekh Cabdi Xayii in markii aan barakacnay oo kolba meel aan degaynay markii la degaba geed hoostiis ayey hooyooyinku yaanyo dhiganayaan, moos dhiganayaan "ganacsigu marna ma istaago, ganacsataduna waa ay yaqaan sida dhibataooyinkaas loo maareeyo marka ay dhacaan".

"Annagu waxa aan diyaarinay in shantaas kun aanay ka kala go'in gudaha wixii ay ka soo iibinayaan iyaga ayaa u xil saaran".

Sidee ayey Falastiiniyiintu uga fal celiyeen gargaarkaas?

Muuqaallada lagasoo duubay gargaarkaas ayaa waxa ka mid ahaa halku dhigyo loogu mahadcelinayo shacabka Soomaliyeed oo ay ka mikd ahaayeen “ ololaha Shacabka Soomaaliyeed ee quudinta Reer Qasa”iyo “Mahadsanidiin Shacabka Soomaaliyeed”

Muuqaallada laga soo duubay gargaarkaas ayaa waxa ka mid ahaa halku dhigyo loogu mahadcelinayo shacabka Soomaliyeed oo ay ka mid ahaayeen " ololaha Shacabka Soomaaliyeed ee quudinta Reer Qasa"iyo "Mahadsanidiin Shacabka Soomaaliyeed".

"Waa falcelin xitaa anaga qiira na gelisay sida ay u dareemayaan maxaa yeelay qof xilli adag ku jira qofkii garab istaaga weligii ma iloobayo" ayuu yiri Sheikh Cabdi Xayi oo intaas ku daray in dhibaatadu ay dhamaan doonto laakin uu rajeeynayo in taariikhaadaasi ay jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed ay xusi doonaan.

Mar la weydiiyay Sheekha sida ay howshaasi ku sii wadi karaan waxa uu sheegay in ay ku xirnaan doonto sida ay wax u helaan, isagoo sheegaya in ay jecel yihiin in ay sii wadaan .

"inagoo aan aad naloo ogeyn oo howshan dadka in badan aanay ka warqabin haddii $5000 ay maalintii bixinayeen hadda markii ay arkaan in meeshii gargaar la geyn karo iyo qanaacada us oo baxday in laga heli doona ayaan rajeynayaa" ayuu yiri Sheikh Cabdi Xayi oo intaas ku daray in dadku ay barteen sida wax loo bixiyo sidaasi darteedna intii ay sii socon karto in ay howshaasi sii wadayaan.