Baadi goob loogu jiro jijin qadiimi ah oo lagu waayay madxaf ku yaalla Masar

Egyptian Ministry of Tourism and Antiquities

Xigashada Sawirka, Egyptian Ministry of Tourism and Antiquities

Mas'uuliyiinta Masar ayaa baadigoob ugu jira jijin 3,000 sano jir ah oo la sheegay in laga waayay madxafka wayn ee Qaahira.

Dahab naadir ah, oo lagu qurxiyey kuul lapis lazuli ah oo wareegsan, ayaa ahayd jijin la isticmaali jiray boqortooyadii Boqor Amenemope, Fircoon soomaray Boqortooyadii hore ee Masar oo ahayd tii 21aad ee xukumaysay 993 ilaa 984 dhalshadii ciise ka hor.

Wasaaradda aatharta qadiimiga ah ayaa sheegtay inay qaaday tillaabo degdeg ah kadib markii jijinta laga waayay shaybaadhka dib u soo celinta ee Matxafka Masar, waxayna sheegtay in kiiska loo gudbiyay booliiska.

Sawirka jijinta ayaa lagu wareejiyay dhammaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dhulka Masar, taasoo ah "tallaabo taxaddar leh oo looga hortagayo isku-dayga tahriibinta sheygaan", ayay wasaaraddu ku dartay hadalkeeda.

Guddi khaas ah ayaa sidoo kale la sameeyay si ay u sameeyaan xisaabin iyo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan agabyada lagu hayo shaybaarka soo celinta.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay si ula kac ah dib u dhigtay ku dhawaaqista maqnaashaha jijinta "si loo hubiyo jawi ku habboon horumarka baaritaannada la wado", laakiin ma aysan sheegin markii ugu dambeysay ee dahabka la arkay.

Wargeyska Masar ee Al-Misri al-Yawm, ayaa sheegay in jijinta la waayay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo shaqaalaha madxafka ay isku diyaarinayeen inay daraasiin qalab ah u soo raraan magaalada Rome si ay uga qaybgalaan bandhig oo furmi doona bisha soo socota.

Matxafka Masar ee Qaahira waa matxafka qadiimiga ah ee ugu da'da weyn Bariga Dhexe. Waxa ku jira in ka badan 170,000 oo farshaxan ah, oo ay ku jiraan maaskarada duugista ee alwaax ee Amenemope.

Maqnaasha jijinta gacantu waxay ku soo beegantay lix toddobaad ka hor furitaanka Matxafka Grand Masar ee u dhow Giza, halkaas oo hantida caanka ah ee adduunka laga wareejiyay qabriga Boqor Tutankhamun oo la soo bandhigi doono.