Sidee bay dayaaraddan khatar u galisay duulimaadkii madaxweyne Trump uu ugu safrayey UK

Xigashada Sawirka, AP
Diyaarada Spirit Airlines ayaa heshay digniino is daba joog ah oo uga imanayay shaqaalaha hagista hawada oo ay ku sheegeen in ay "fiiro gaar ah u yeeshaan" oo ay "leexdaan" kadib markii ay aad ugu dhawaadeen diyaaradii uu saarnaa madaxweyne Donald Trump oo u duulayay dalka Ingiriiska oo uu booqasho ku joogo.
"Fiiro gaar ah u yeelo. Ka bax iPad-ka," ayaa ahayd fariinta adag ee loo diray duuliyaha shirkadda Spirit, iyadoo diyaaraddu ay ku duuleysay siddeed mayl (12.8km) oo la siman dayaaradda Air Force One oo ah diyaaradda rasmiga ah ee madaxweynaha Mareykanka, iyadoo dulmaraysay New York Talaadadii.
Diyaaraduhu waligood isuma jirsan masaafo uu Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA) ay ku tilmaami karay mid aan ammaan ahayn, laakiin waxay ku dhowaatay inay dareen geliso saraakiisha.
"Nabadgelyadu had iyo jeer waa mudnaantayada koowaad" ayuu afhayeen u hadlay Spirit u sheegay CBS, oo ka mid ah warbaahinta la shaqaysa BBC-da ee Mareykanka.
Duulimaadka Spirit 1300 "waxay raacday habraacyada iyo tilmaamaha koontaroolka Taraafikada Hawada" waxayna "u degtay si caadi ah" sidii la qorsheeyay magaalada Boston, ayay tiri shirkaddu.
Duulimaadka dayaaradda Spirit ayaa ka soo safartay Florida kuna sii jeeday Massachusetts. Sida laga soo xigtay goobta la socodka duulimaadyada ee Flightradar24, labada diyaaradood ayaa si siman ugu duulayey isku khadayadoo masaafadoodu isku jirtay 8 mayl, waxaana ay marayeen waddooyin ay isku soo dhawaadeen 11 mayl.
Maamulka Duulimaadyada Federaalka (FAA) ayaa Baaritaan horudhac ah ku muujinaya in diyaaraduhu ay ilaaliyeen kala soocnaantii loo baahnaa.
Codka maamulka hawada ee ay BBC-du heshay ayaa laga maqlay maamulayaasha oo si degdeg ah oo is daba joog ah ugu sheegaya Spirit Airbus A321 inay fogaato.
"Spirit 1300 u leexo 20 digrii midig," hagaha taraafikada hawada ayaa yiri, sida laga soo xigtay maqalka LiveATC. "Fiiro gaar ah u yeelo, Spirit 1300 u leexo 20 digrii midig. Spirit 1300 leexo 20 darajo hadda. Spirit 1300 u leexo 20 digrii midig hadda".
Duuliyayaasha diyaaradan oo ka mid ah kuwa lacagta yar lagu raaco ayaa garwaaqsaday tilmaanta la siiyey, inkastoo jawaabtooda ay adkeyd in la maqlo sababo la xiriira dhawaaqyada taagan ee duubista.
Hagaha ayaa ku jawaabay: "Fiiro gaar ah u yeelo. Spirit 1300 duulimaadka garabkaaga bidix lix mayl-ama siddeed mayl, 747. Waan hubaa inaad arki karto cidda ay tahay ... isha ku hay - waa caddaan iyo buluug" - caddaan iyo buluug oo tixraacaya midabada dibadda ee diyaaradda madaxweynaha.
Madaxweyne Trump iyo marwada koowaad Melania Trump ayaa fiidnimadii Talaadada gaaray UK.

Xigashada Sawirka, X
Air Force One
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Air Force One, dhab ahaantii ma aha diyaarad gaar ah, balse waxaa loola jeedaa mid ka mid ah labada diyaaradood ee Boeing 747-200B ah oo si gaar ah loogu habeeyey, kuwaasi oo ku duula lanbarrada xagga dambe kaga dhegsan oo ah 28000 iyo 29000.
Inkasta oo marka bannaanka laga fiiriyo ay u eeg tahay diyaarad ganacsi ama mid rakaabka qaadda, Air Force One waxaa loo tixgeliyaa in ay tahay diyaarad millitari sababtoo ah waxa ku rikiban qalabka korontada oo horumarsan iyo nidaamyada difaaca.
Diyaaraddan waxaa loo naqshadeeyay in ay iska caabbiso weerar cirka ah iyadoo carqaladeynaysa raadaarka cadowga sidoo kalana awood u leh in ay shiddo iftiin iyo qaac kulul oo jihada ka luminaya gantaallada. Sidoo kale, waxay awood u leedahay in ay shidaal qaadato iyada oo maraysa hawada sare, taasoo u oggolaanaysa in ay si aan xad lahayn u duusho.
Gudaha diyaaradda waa mid baaxad weyn. Madaxweynaha iyo dadka la socdaa waxay ku raaxaystaan 4,000 fiit laba jibaaran oo ku fidsan. Waa saddex dabaq uu ku jiro qol ballaadhan oo loogu talagalay madaxweynaha, xarun caafimaad oo leh qalliin iyo meelo gaar ah oo loogu talagalay saxaafadda, martida heerkeedu sarreeyo, ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha xafiiska.













