Khubaro milateri: "Waa loo darsaday ciidamadii Maraykanku kala baxay Soomaaliya"

Ciidamada Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgallo gaar ah ka fulin jiray gudaha Soomaaliya.

Taliyayaasha milateriga ee Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa in Madaxweyne Biden ay ka codsadeen inuu dib ugu celiyo Soomaaliya boqolaal kamid ah ciidanka sida gaarka ah ee u tababaran ee dalkaas.

Cutubyo ka tirsan milateriga Maraykanka ayaa muddo sanado ah saldhigyo ciidan ku lahaa gudaha Soomaaliya, waxaana ay dowr muhiim ah ka qaadan jireen la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamadaas ayuu Maraykanka la baxay bishii January 2021, kadib amar uu bixiyay Donald Trump oo xilligaas xukunka ka degayay.

Ciidamada uu Maraykanka kala baxay Soomaaliya ayaa hadda ku sugan waddamada Jabuuti iyo Maraykanka, halkaas oo marar qaar ay qaadaan duqeymo ka dhan ah xooggaga Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

"Tan iyo markii ay ciidamada Maraykanka ka soo baxeen Soomaaliya, waxaan ogaanay inay sare u kaceen hawlgallada Al-Shabaab, oo sida ay doonaan u socon karaan dagaalyahannada ururkaas. Marka waa loo darsaday ciidamada Maraykanka uu kala baxay Soomaaliya." ayuu sarkaale sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka u sheegay wargayska The Wall Street Journal.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ka digay in haddii cadaadiska laga yareeyo Al-Shabaab ay khatar ku noqon doonaan Maraykanka iyo danihiisa gobolka.

Maraykanka ayaa duqeymo cirka ah ku beegsan jiray xooggaga Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ay hawlgallaas aad sare ugu kaceen inta uu xukunka hayay Trump.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa sheegay in duqeymaha qaarkood ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa Al-Shabaab waxaa looga dilay saraakiil iyo dagaalyahanno muhiim u ahaa, waxaana khubarada milateriga ay rumaysan yihiin in si weyn loogu wiiqay awoodda ururka.

Kumaandoosta Danab

Xigashada Sawirka, Danab

Qoraalka sawirka, Kumaandoosta Danab

Hawlgallada Soomaaliya

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka fulin jiray hawlgallo ay la kaashadaan kumaandoosta Soomaaliya, gaar ahaan Danab oo ay tababarkooda iyo mushaarkooda bixiso Washington.

Maraykanka ayaa u arka ururka Al-Shabaab kanu gu awoodda badan xulafada Al-Qaacida, dagaalyahannadiisu ay gaarayaan ilaa 7,000 oo qof.

Markii uu xilka la wareegay Biden, waxaa aad u yaraaday duqeymaha Maraykanka uu ku beegsado xooggaga Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaa se sii socday tababarka ay saraakiisha dalkaas siiyaan ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Danab.

Saraakiisha la hadashay wargayska The Wall Street Journal ayaa ifafaalo wanaagsan ka muujiyay in Maraykanka uu ciidamadiisa ku celin doono Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa horay uga digay in dalka laga saaro ciidamada Maraykanka, iyagoo ku doodday in xilliga la joogo aad loogu baahan yahay si looga hortago Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ka taliso deegaanno badan oo Soomaaliya ah, inkastoo laga saaray inta badan magaalooyinka dalka. Weli waxa uu ururkaas khatar muuqata ku yahay amniga caasimadda, iyadoo bilihii dambe ay soo bateen dadka isku soo xira walxaha qarxa ee beegsada barilmaameedyada cayiman.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa bishii February weerarro qorsheysan ku soo qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyagoo burbur xooggan u geystay saldhigga booliska ee degmada Kaxda.