Maxay tahay sababta ay xukuumadda Mali ugu soo rogtay $10,000 muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya inay dalkaas tagaan

Maali ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta Mareykanka ee booqanaya dalka ku yaalla galbeedka Afrika laga doonayo inay bixiyaan dammaanad dhan $10,000 (£7,500) oo loogu talagalay fiisaha ganacsiga iyo dalxiiska

Xigashada Sawirka, Tribune News Service via Getty Images

Qoraalka sawirka, Mareykanka ayaa qaatay go'aan adag oo dhanka socdaalka ah tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu xilka la wareegay bishii Janaayo

Xukuumadda Maali ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta Mareykanka ee booqanaya dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika laga doonayo inay bixiyaan dammaanad dhan $10,000 (£7,500) oo loogu talagalay fiisaha ganacsiga iyo dalxiiska, taas oo ay kaga jawaabayaan shuruud la mid ah tii uu maamulka Trump ku soo rogay muwaadiniinta dalkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Mali ayaa sheegtay Jimcihii in dhankooda lacagtan la soo bandhigay si loo xoojiyo "ka go'anaanshaha Washington ee ilaalinta xuduudaha Mareykanka iyo ilaalinta amniga qaranka Mareykanka".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mali ayaa Axadii sheegtay in dammaanadda uu soo rogay hal dhinac, waxayna go'aansatay in "la sameeyo barnaamij fiiso oo kaas la mid ah" oo khuseeya muwaadiniinta Mareykanka.

Isbeddelka siyaasadeed ee fiisaha ayaa imaanaya ayada oo ay jiraan tallaabooyin lagu hagaajinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Bishii Luulyo, saraakiisha Mareykanka ayaa booqday Mali si ay ugala hadlaan iskaashiga ka hortagga argagixisada iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha, oo ay ku jiraan suurtagalnimada helitaanka dahabka iyo kaydka lithium-ka Mali.

Xiriirka ayaa xumaaday ka dib afgambi ka dhacay dalka Mali sanadkii 2021-kii taas oo keentay in Gen Assimi Goïta uu xukunka la wareego.

Waxa uu u jiheeyay dawladii Galbeedka Afrika dhanka Ruushka si uu uga hortago kacdoonka sii kordhaya ee mujaahidiinta.

Wuxuu eryay ciidamadii Faransiiska, wuxuuna la yimid calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka kuwaas oo hoos yimaada Wasaaradda Difaaca ee Moscow.

Toddobaadkii hore, dowladda militariga ee Burkina Faso ayaa diiday inay qaadato dadka laga soo tarxiilo Mareykanka, iyadoo Washington ay joojisay bixinta fiisaha waddanka ku yaal Galbeedka Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Karamoko Jean-Marie Traoré ayaa su'aal ka keenay in go'aanka safaaradda uu yahay "mid mugdi ah" kaddib markii uu sheegay in uu diiday soo jeedinta Mareykanka ee ah in la qaado muhaajiriinta ka imaanaya dalalka saddexaad.

Hogaamiyaha Mali

Xigashada Sawirka, Facebook

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulka Trump ayaa u jeestay dalalka Afrika in uu isticmaalo meel ay dadka muhaajiriinta ah u tarxiilaan, taasoo qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah socdaalka.

Masaafurinta dal saddexaad ayaa noqon kartaa sharci - laakiin shuruudo gaar ah ayaa ku hoos jira.

"Dhammaan fikradda u masaafurinta waddan saddexaad waa in ay dhacdaa iyadoo la eegayo fikradda ballaaran ee magangalyada," ayuu yiri Prof Ray Brescia, oo ka socda Kulliyadda Sharciga ee Albany ee Maraykanka.

"Waxa jira mabda'a ahaan sharciga caalamiga ah - dib-u-noqosho - taas oo macnaheedu yahay in aadan qof ku celin waddankiisa haddii aanu ammaan u ahayn iyaga, sidaas darteed waddan saddexaad ayaa ku siin kara doorasho ammaan ah," ayuu yiri.

Mabda'ani ma khuseeyo oo keliya waddankii uu ka soo jeedo soo galootiga laakiin sidoo kale waddan kasta oo saddexaad oo loo diri karo ayaa soo galaya.

Haddii waddankaasi aanu ammaan ahayn, masaafurinta waxa laga yaabaa inay jabiso sharciga caalamiga ah – sidii markii maxkamadda sare ee UK ay hor istaagtay qorshe ay dawladda Ingiriisku ku doonaysay inay magangelyo-doon ugu dirto Rwanda sannadka 2023-ka.

Maraykanka ayaa horey wax uga bedelay fiisooyinka dalal Afrikaan ah, nidaamka fiisaha ay ku imaanayaan Maraykanka, kuwaa soo uu ku dhawaaqay in isbedel weyn lagu sameeyay siyaasadii fiisaha ee aan dadka soo galootiga ahayn ee dalalka Cameroon, Ethiopia, Ghana iyo Nigeria, taasoo adkeyneysa mudada iyo shuruudaha ay ku gali karaan inta badan dadka safarka ah ee ka imaanaya waddamadaas.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad dhammaan fiisaha aan soo galootiga ahayn iyo kuwa aan dublamaasiyadda ahayn ee la siiyay muwaadiniinta afartaasi dal ay hadda noqon doonaan hal mar oo dal ku gal ah, taas oo socon doonta saddex bilood oo keliya.

Waaxdu waxay tiri, tani waa qayb ka mid ah "is-beddelka is-dhaafsiga caalamiga ah", isbeddel degdeg ah oo ku yimid shuruudahii hore ee fiisayaasha, kaas oo inta badan loo oggolaa in marar badan lagu geli karo muddo laba sano ama ka badan.