Maxay dumarku qabow badan ugu dareemaan AC-ga marka loo bar-bardhigo ragga? Ogow sababta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxaa laga yaabaa in markaad guriga ama xafiiska joogto aad dareento hal shay. Had iyo jeer waxaa jira kala duwanaansho ra'yi oo u dhexeeya ragga iyo dumarka oo ku saabsan heerkulka iyo lambarka la geynayo qaboojiya ama AC-ga qolka.
Dumarku waxay ka hadlaan hoos u dhigista heerkulka ama qaboojiyaha, halka raggu ay ku adkaystaan kor u qaadida lambarka AC ga.
Waxaa muuqata in heerka qabowga ee ay ragga caadi u arkaan uu dumarku dhibo.
Hadaba maxay tani u dhacdaa marar badan? Dumarku ma dareemaan qabow ka badan kan ragga?
Dumarku uma gagsan karaan miyaa qabowga aadka u sareeya ? Mise waa dareen u gooni ah?
Baaritaano badan ayaa lagu sameeyay sababta ay dumarku u dareemaan qabow ka badan kan ragga.
Daraasado dhowr ah oo cilmi baaris ah oo lagu daabacay joornaalada sayniska ee caanka ah sida Science Direct iyo Nature ayaa lagu ogaaday in dumarku ay dabiici ahaan ka qabow badan yihiin ragga.
Sida laga soo xigtay daraasad lagu daabacay mareegta Nature.com, dumarku waxay dareemaan heerkul darajadiisu dhan tahay 2.5 darajo Celsius oo ka sarreeya heerkulka ragga, qiyaastii 24 ilaa 25 darajo Celsius.
Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay 'The Conversation', haweenku waxay leeyihiin xaddi kuleylka uu jirku isticmaalo oo heer-kulkiisu hooseeyo marka loo eego ragga, taas oo yaraynaysa awoodda jirku u leeyahay in uu dhaliyo kuleylka maalmaha qabowga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay warbixintan, tani waa sababta ay dumarku u dareemaan qabow badan marka heerkulka hooseeya.
Sida laga soo xigtay cilmi-baaris lagu daabacay ScienceDirect.com, ragga waxay leeyihiin xaddi kuleyl oo jirkaagu isticmaalo oo aad u sareysa
Sidaa darteed, waxay caadi ahaan dareemaan kulayl badan oo jirkooda ah mana dareemaan raaxo heerkulka sare.
Wuxuu sheegay in tani ay aad muhiim ugu tahay baahida tamarta jirka, nafaqeynta, iyo xakameynta miisaanka.
Sida laga soo xigtay Professor Paul Thornley oo ka tirsan Dugsiga Caafimaadka ee Warwick ee England, "Tani waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay kala duwanaanshaha celceliska heerarka kuleyka uu soo saaro jirka ragga iyo dumarka.
Heerka tamarta ama heer-kulka qof kasta wuu kala duwan yahay. Waxay kuxirantahay waxyaabaha ay ka midka yihiin hidaha, dheef-shiid kiimikaadka, iyo qaab nololeedka.
Heer-kulka jirku wuu yar yahay marka uu qofka nasanayo oo uu iska fadhiyo, halka Heer-kulka jirku uu sareeyo marka uu qofka dhaqdhaqaaq sameeyo sida jimicsiga.
Markuu qofku nasashada ku jiro, jirku kaliya wuxuu isticmaalaa tamar si uu u ilaaliyo xubnaha muhiimka ah sida wadnaha, sambabada, iyo maskaxdu inay si sax ah u shaqeeyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinta lagu daabacay The Conversation'ayaa sheegtay in hormoonnada estrogen iyo progesterone ee laga helo haweenka ay saameeyaan heerkulka jirka iyo heerkulka maqaarka.
Dr. Sujit Kumar ayaa sheegtay in marka ay sare u kacdo heerka Estrogen ee jirka ay xididada dhiiggu isku xirmaan,taasi oo sababi karta in haweenka qaar ay dareemaan qabow.
Isla mar ahaantaana, hormoonka progesterone wuxuu xannibaa xididdada dhiigga ee maqaarka. Taas macneheedu waxa weeye in dhiig yari soo gaaro qaybaha sare ee jirka, kulaylkuna uu xannibo xubnaha gudaha, taas oo dumarka ka dhigaysa mid sii qabow.
Isku dheeli tiran hormoonnada ayaa isbeddela bil kasta iyadoo loo eegayo wareegga caadada.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay 'The Conversation', hormoonnadani waxay sababaan gacmaha, cagaha, iyo dhegaha dumarka inay ka qabow bataan kuwa ragga.
Dhanka kale murqaha iyo dufanka badan dumarka ayaa ka yar kuwa ragga iyo, taas oo keenta in jirkoodu uu soo saaro kulayl yar oo ay dareemaan qabow.













