'Labadeyda ilmood ee mataanaha ah waan badbaadin waayay' sida dagaalku u saameeyey hooyadaan

- Author, Nawal Al-Maghafi
- Role, Senior international investigations correspondent
- Reporting from, Khartoum
- Author, Scarlett Barter
- Role, BBC World Service
- Reporting from, Khartoum
Digniin: Qaybtani waxa ay ka kooban tahay tafaasiil laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan
Touma, wax ma aysan cunin maalmo. Aamusnaan bay u fadhidaa, indhaheeduna oo itaal darro ka muuqato ayey si bilaa u jeedo ah ugu eegaysaa qaybta bukaan jiifka ee isbitaalka.
Waxay dhabta iyo gacmaha ku haysaa gabadheeda yar ee saddex jirka ah, oo la yiraahdo Masajed, oo an dhaqdhaaqayn isla markaana ay si darran u nafaqo darraysan.
Touma uma muuqato qof dareemaya oohinta carruurta kale ee agteeda ku qaylinaya. "Waxaan jeclaan lahaa inay ooydo," ayay leedahay hooyada 25-jirka ah iyadoo eegaysa gabadheeda. Oo aan "Maalmo ooyin."
Isbitaalka Bashaer waa mid ka mid ah isbitaalada yar ee weli shaqeynaya ee ku yaalla caasimadda Suudaan ee Khartuum, taasoo ku burburtay dagaalka sokeeye ee ka socday tan iyo Abriil 2023. Dad badan ayaa saacado badan u safra si ay daryeel gaar ah uga helaan isbitaalkan.
Qeybta nafaqo darrada ee Isbitaalka waxaa buuxa carruur aad u tabar daran oo aan awoodin inay iska difaacaan cudurada, hooyooyinkoodna waxay fadhiyaan agtooda iyagoo aan waxba u qaban karin. Oohintu halkan maha mid dejin karo, qofkasta qalbi ayaa huraya.
Touma iyo qoyskeedii waxaa lagu qasbay inay baxsadaan kadib markii dagaal u dhexeeyay ciidamada ciidamada Suudaan iyo ciidamada gaarka ah ee RSF, uu gaaray gurigooda oo ku yaalla qiyaastii 200 KM koonfur-galbeed ka xiga Khartuum.
"RSF, waxay naga qaateen waxkasta oo an haysanayey. Lacagteennii iyo xoolaheenii noolaa ayaa si toos ah gacmaheena ugu baxay" ayey tiri. "Nafteena kaliya ayaan la baxsanay"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lacag iyo cunto la'aan ayey carruurta Toma la dhibaatoodeen.
Waxay u muuqanayey mid yaabban markan dib u eegto nolosheedii hore, "Berigii hore gurigayagu waxa ka buuxay wanaag, waxa aanu haysanay xoolo, caano iyo timir, laakiin hadda waxba ma hayno".
Sudan waxay hadda la kulmeysaa mid ka mid ah xaaladaha bani'aadantinimada ee ugu xun adduunka.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, saddex milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ayey nafaqo darro ba'an haysaa. Isbitaalladii harayna waa buux dhaafsameen.
Isbitaalka Bashaer wuxuu bixiyaa daryeel iyo daawaynta aasaasiga ah oo lacag la'aan ah.
Si kastaba ha ahaatee, daawooyinka naf-badbaadinta ee ay u baahan yihiin carruurta ku jirta qaybta nafaqo-darrada waa in ay bixiyaan qoysaskoodu.
Masajed waa mataan, iyada iyo walaasheed Manahil ayaa si wadajir ah isbitaalka loo keenay. Laakiin qoyska ayaa awoodi kara kaliya kiniinka hal cunug.
"Waxaan jeclaan lahaa inay labadooduba soo kabtaan oo ay koraan," codkeeda murugada leh ayaa dillaacay, "iyo in aan daawado iyaga oo wada socda oo ciyaaraya sidii hore. Touma waxaa qasab ku ahayd inay sameyso doorasho aan macquul ahayn – waxay dooratay Manahil.
"Kaliya waxaan rabaa in labadooduba ay roonaadaan," Touma ayaa tiri, iyada oo kor u qaadaysa gabadheeda oo dhimanaysa.
"Kali baan ahay, waxba ma haysto, waxaan leeyahay Ilaah keliya."
Heerka badbaadadu halkan waa hooseeyaa. Qoysaska ku jira qaybtaan, dagaalku wax walba wuu ka qaaday. Waxba laguma reebin, mana jirto wax ay ku iibsadaan daawooyinka badbaadin lahaa carruurtooda.
Markii aan baxaynay, dhakhtarku wuxuu yiri: "Midna carruurta ku jirta qaybtaan ma badbaadi doono."
Guud ahaan Khartuum, nolosha carruurta waxaa si buuxda u beddelay dagaalka sokeeye.

Xigashada Sawirka, Liam Weir / BBC
Wax ku bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada daacada u ah laba jeneraal - taliyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan iyo hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti - ayaa markiiba magaalada qabsaday.
Muddo labo sano ah – ilaa bishii Maarso ee la soo dhaafay markii ay ciidamadu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada waxaa hareeyey dagaal iyadoo dagaalyahannada iska soo horjeeda ay isku dhaceen.
Khartuum, oo markii hore ahayd xarun dhaqan iyo ganacsi oo ku taalla jiinka wabiga Nile, waxay isu beddeshay goob dagaal. Taangiyada ayaa galay xaafadaha. Diyaaradaha dagaalka ayaa cirka ka guuxaya. Dadka rayidka ahna waxay ku dhex godoomeen rasaasta la isdhaafsanayo, madaafiicda iyo duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waa dhul burburay, dhexdiisa aamusnaanta halaagga, ay codka jilicsan ee ilmuhu ka soo dhex yeedhayo dhagaxaanta burbursan.
Zaher oo 12 jir ah ayaa ku dhex jira burbur ay reebeen dagaallada, baabuur gubatay, taangiyo, guryo jajabay iyo rasaas lagaga tagay.
"Hoygaygii ayaan ku laaban doonaa," ayuu si tartiib ah ugu heesayaa isaga oo saaran kursiga cuyaannada. "Deegaankaygii dib ugu ma laaban karo, aaway deegaankaygii?"
Codkiisa oo jilicsan, laakiin ay ka muuqato go'aan adag oo uu ku taagan yahay, waxoogaa oohin ahina ay ku dheehan tahay ayaa ka dhigaya in uu qabo rajo ah in uu maalin uun ku laaban doono hoygiisii.
Iyada oo ku jirta dhisme hoy ahaan loo isticmaalayo ayaa Zaher hooyadiis oo lagu magacaabo Xabiibah waxa ay ii sheegaysaa sida noloshu ahayd markii ay maamulayeen RSF.
"Xaaladdu aad bay u adkayd," ayay tidhi. "Ma aanaan shidan karin nalalka habeenkii - waxa ay u ekeyd sidii inaan nahay tuugo. Ma aanaan shidan jirin wax dab ah. Mana aanaan socon karin habeenkii, gabi ahaanba."
Waxay fadhidaa wiilkeeda agtiisa qol ay safan yihiin sariiro keli ah.
"Mar kasta, haddii aad huruddo ama aad qubaysato, istaagto ama fadhido, meel kasta ayay joogaan iyagu \[RSF\]."
Dad badan ayaa ka cararay caasimadda, laakiin Zaher iyo hooyadiis ma aysan haysan wax ay ku baxaan. Si ay u badbaadaan, waxay ku iibin jireen misirta waddooyinka.
Kaddib, subax subaxyada ka mid ah, iyaga oo garab socda oo shaqaynaya, ayay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn (drone) ay ku dhufatay.
"Waan eegay isaga waxaanan arkay in uu dhiig baxayo. Dhiig ayaa meel walba ka muuqday," ayay tidhi Xabiiba. "Waxaan dareemayay in aan miyir beelayo. Waan ku qasbay nafteyda in aan soo jeedo sababtoo ah waan ogaa haddii aan miyir beelo, in aanan weligay dib u arkayn isaga."
Lugaha Zaher ayaa si xun u dhaawacmay. Saacado badan oo xanuun kaddib, waxay ka gaadhsiiyay cisbitaalka .
"Waan sii waday ducada: 'Ilaahayow, nafteyda qaado halkii aad lugaha ka qaadi lahayd,'" ayay ku ooyaysaa.
Laakiin dhakhaatiirtu ma aanay badbaadin karin lugahiisa. Labadaba waa in laga jaraa oo lagu gooyaa meel waxyar ka hooseeya jilibka.
"Wuu soo kici jiray oo wuu i weyddiin jiray: 'Maxaad u oggolaatay inay lugaha iga jaraan?'" Waxay eegtay hoos, wejigeeda waxaa ka muuqda qoomammo, "Ma aanan jawaabi karin."
Carruurta ku sugan Khartoum waxaa laga dhacay ma aha oo kaliya carruurnimadoodii laakiin sidoo kale meelo nabadgelyo leh oo ay ku ciyaaraan ayaa noqday kuwo aaad u yar.
Iskuullada, garoommada kubbadda cagta iyo goobaha lagu ciyaaro hadda waa burbursan yihiin, iyaga oo sababay niyad-jab-nololeed oo ay colaaduhu keeneen.
"Aad bay halkani u fiicnaaan jirtay," ayuu yidhi Axmed oo 16 jir ah isagoo eegaya goob lagu ciyaaro oo burbursan.
Funaanad cawlan oo uu xidhan yahay waxa ku xardhan waji ballaadhan oo faraxsan - ereyga "dhoola cadeyn" ayaana hoostiisa ku qoran. Laakiin xaqiiqadiisa ma noqon karto mid ka fog dareenkaas.
"Aniga iyo walaalahay waxaan iman jirnay halkan. Waxaan ciyaari jirnay maalinta oo dhan waana qosli jirnay. Laakiin markii aan ku soo noqday dagaalka kaddib, ma rumasyan karo in ay yihiin meelo isku mid ah."
Axmed hadda wuxuu ku nool yahay kana shaqeeyaa halkan isagoo nadiifiya raadadka burburka ee uu ka tagay dagaalku, wuxuuna helaa $50 (£37) marka uu shaqeeyo 30 maalmood oo shaqo joogto ah.
Lacagtaas waxa uu uga faa'iidaystaa naftiisa, hooyadiis, ayeeyadiis iyo mid ka mid ah walaalihiis.
Waxaa jiray lix walaalihiis ah oo kale laakiin, sida dad badan oo ku sugan Suudaan oo xubno qoyskoodaka mid ah ay u maqan yihiin, waxa uu waayay xidhiidhkii uu la lahaa iyaga. Wuxuu fiiriyay cagahiisa isagoo noo sheegaya aanu ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo meel ay weli ku nool yihiin.
Dagaalku wuxuu kala jaray qoysaska sida qoyska Axmed oo kale.
I wish they would just fix me, so I could walk home and go to school"
Burburinta iskuullada waxay mustaqbalka carruurta gelisay halis ka sii badan intii la filyay.
Malaayiin qof ayaan hadda waxba baran.
Laakiin Zaher waa mid ka mid ah kuwa nasiibka leh. Isaga iyo saaxiibbadiis waxay dhigtaan iskuul ku meel gaar ah oo ay sameeyeen dad mutadawiciin ah oo ku yaalla guri aad u dayacan.
Waxay ku dhawaaqaan jawaabaha iyaga oo cod dheer ku hadlaya, waxna y ku qoraan sabuuradda, waxay qaadaan heeso, waxaana xitaa jira dhawr caruur ah oo oo ku taagtaagn dhabarka dambe ee fasalka.
Macallimaddooda oo la yidhaahdo Amal ayaa wax baraysay 45 sano. Waligeed ma aanay arkin carruur sidan oo kale aad u argagaxsan.
"Dagaalku aad ayuu u saameeyay," ayay tidhi.
"Caafimaadkooda dhimirka waxa laga dheehan karaa erey bixintooda. Waxay ku hadlayaan luqadda maleeshiyada. Ereyo habaar ah oo rabshadao wata, xitaa rabshado jireed. Waxay wataan ulo, iyagoo doonaya in ay qof garaacaan.
Garoon kubadda cagta oo burburay ayaa Zaher uu ku ciyaarayaa isaga oo cagaha jiidaya ciidda, jilbahana u adeegsanaya. Waxa uu go'aansaday in uu ciyaaro ciyaarta uu ugu jecel yahay. Saaxiibbadiis ayaa ku dhiirrigelinaya markuu kubbadda laadayo.
"Waxa aan ugu jeclahay in aan sameeyo waa kubbadda cagta," ayuu yidhi, isagoo markii ugu horreysay dhoola caddeynaya.
Markii la weydiiyay kooxda uu taageero, jawaabtu waxay ahayd mid degdeg ah: "Real Madrid." Ciyaaryahanka uu ugu jecel yahay? waxa uu ku sheegay "Vinícius."
Inuu ku ciyaaro jilbaha aad ayay u xanuun badan tahay waxayna horseedi kartaa caabuqyo badan. Laakiin isaga waxba kama gelin.
Kubadda cagta iyo saaxiibtinimadiisa ayaa badbaadiyay. Waxay siiyeen farxad iyo ka baxsasho xaqiiqada uu la nool yahay. Hase yeeshee, wuxuu ku riyoodaa in uu mar uun helo lugaha macmalka ah.
"Waxaan jeclaan lahaa in ay ii hagaajiyaan oo kaliya, si aan guriga ugu socon karo iskoolna u aado," ayuu yidhiZaher.












