Dawarsadihii qabay cudur caan ka ah Soomaaliya ee isagoo 16 jir ah bartay akhriska, hadeerna badbaadiya nolosha dadka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Dr Li Chuangye
Waxa uu ku dhashay 1988 gobolka Henan isaga oo ka dhashay qoys beeraley sabool ah, Li Chuangye waxa ku dhacay cudurka dabaysha isaga oo toddobo bilood jira, taas oo keentay in uu socon kari waayo isaga oo aan ciribta ku fadhiisan.
Yaraantiisii, Li waxa uu ku riyoon jiray in uu dugsiga aado oo uu qaato boorso sida carruurta kale, laakiin waxa uu la kulmay jeesjees badan. Carruurta qaarkood waxay yiraahdeen waa "qashin", iyo in uu "cunto kaliya cuno, waxtarna uusan lahayn".
"Tani aad bay ii dhaawacday," ayuu yiri Li.
Markii Li uu sagaal jir ahaa waalidkii waxay maqleen in qaliin lugaha lagaga sameeyo ay u saamaxi karto inuu socdo, markaas ayey lacag badan amaahdeen si qalliin loogu sameeyo.
Li ayaa rajo weyn ka qabay qalliinka. "Markii aan soo kabashada ku jiray oo aan isbitaalka joogay, carruur kale ayaa ooyayey, laakiin waan dhoolla caddaynayay, sababtoo ah waxaan dareemay inaan dhaqso u socon doono sidii qof caadi ah," ayuu yiri.
Laakin qalitaankii wuu guuldarreystay, taasoo meesha ka saartay rajadii Li ee socodka oo ku riday niyad-jab qoto dheer. Waxa uu dareemay in noloshiisu aanay macno lahayn, wuxuuna u sheegay hooyadii in uu jeclaan lahaa inuu dhinto.
Hooyadii ayaa u sheegtay in aanu quusan. "Waxaan ku korinaynaa si marka aan gabowno aan u helno qof aan la hadalno, bisad ama eey ma hadli karaan, laakiin waad awoodaa," ayay tiri.
Hadalkeeda ayaa aad u taabtay. "Waxaan ka fikiray inta waalidkey iyo qoyskeyga ay ii hureen, waxaana la ilmeeyay, waxaan gartay inaan u noolaado, kaliya maahan nafteyda laakiin iyaga," ayuu yiri Li.
Wax yar dabadeed, waxaa tuulada soo gaaray nin magaalada ka yimid oo raadinaya carruur naafo ah oo macbadyada fooxa ku iibisa. Ninku waxa uu Lii u ballan qaaday in uu guriga u soo diri doono lacag u dhiganta mushaharkii bishii ee aabbihii.
"Waalidkay aad bay uga soo horjeedaan, laakiin waxaan u arkay fursad aan lacag ku helo oo aan culayska qoyskeyga ku fududeeyo." Li ayaa yiri. Wuxu aqbalay inuu ninkii raaco.

Xigashada Sawirka, Dr Li Chuangye
Dawarsiga waddooyinka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin ballan-qaadkii shaqadu waxay ahayd khiyaano.
Dr Li waxa uu ku andacoonayaa in ninkaa shisheeyaha ah uu waday hawlo tuugsi ah, todobadii sano ee xigtayna waxa lagu qasbay in uu la dawarsado carruur kale oo naafo ah iyo dad waaweyn.
Habeenkii ugu horreeyay ee uu la joogo "maareeyihiisa" cusub, mid ka mid ah carruurta kale ayaa uga digay Li inuu si adag u shaqeeyo, haddii kale waa la garaaci doonaa. Tani waxay noqotay run.
Subixii xigay, Li waxa lagaga tagay dhulka isagoo yaalla oo shaar la'aan ah, oo sita baaquli shilimaad ah, lugihiisana dhabarka maroojinayo oo dhabarka saaraya si ay dadku naxariis dheeraad ah u muujiyaan.
Li ma uu fahmin sababta ay dadku lacag ugu shubanayaan baaquligiisa, ilaa dadkii jidka marayey ay weydiiyeen sababta uu u tuugsanayo, marka ay tahay inuu dugsiga joogo.
"Magaaladii aan ku dhashay, tuugsiga wuxuu ahaa ceeb. Ma aanan garan in taasi ay tahay waxa aan samaynayo. Garashada ayaa i xanuujisay," ayuu yiri Li.
Li waxa uu heli karayay dhawr boqol oo Yuan maalintii - lacag aad u badan sagaashameeyadii - laakiin waxaas oo dhami waxaa qaadanayey ninkii madaxda u ahaa. "Haddii aan shaqeeyo wax ka yar waxa ay keenaan carruurta kale, wuxuu igu eedayn lahaa caajisnimo mararka qaarkoodna wuu i garaaci lahaa," ayuu yiri. "Marka runtii aad ayay u xanuun badnaayeen sanadahaas".
Sanadihii xigay carruur kale ayaa carartay ama booliisku waxay u direen guriga, laakiin Li wuu joogay, isagoo go'aansaday inuu caawiyo qoyskiisa. Markii booliisku u soo bandhigay gargaar, wuu diiday, isagoo ku adkaystay inuu la joogo qaraabadiisa.
Toddoba sano, jiilaal iyo xagaaga, Li wuxuu u socdaalay dalka oo dhan isagoo tuugsanaya.
"Waxa aan dareemay in aan cadaab ku noolahay, waan xishooday, anigoo iska ilaalinaya isku-qabsiga indhaha, lugteyda ayaa si xanuun badan dhabarka ugu sii qalloociyey si la iigu naxariisto. Waxaan alle ka baryi jiray roob ama mugdi si aan uga fogaado dawarsiga" ayuu u sheegay barnaamijka BBC World Service Outlook programme.
Habeen kasta oo sanad cusubi soo galayo wuxuu wici jiray guriga, isaga oo u xaqiijinaya waalidkiis in wax walba ay wanaagsan yihiin oo aysan ka welwelin. "Laakin markii la soo wacay ka dib, waxaan ku dhex ooyn jiray qolkayga. Maan u sheegi karin in aan dawarsanayay waddada," ayuu yiri.
Xitaa hadda, 20 sano ka dib, dhaawacyadu way sii jiraan. "Dawarsigu wuxuu ku reebay nabaro nafsi ah oo qoto dheer - weli waan ku riyoodaa, anigoo nafis u soo kacaya si aan u ogaado inay riyo tahay".

Xigashada Sawirka, Dr Li Chuangye
Jid cusub oo waxbarasho
Wax walba way is beddeleen markii Li uu soo qaatay wargeys waddada ku yaal oo uu ogaaday inuu akhrin karo oo keliya xuruurfta uu ku qoran yahay magaciisa. Kadib markuu 16 jir ahaa, wuxuu go'aansaday inuu ku laabto guriga oo ugu dambeyntii aado dugsiga.
"Ma akhriyi karo waxna ma qori karo, oo waxbarashada oo keliya ayaan noloshayda ku beddeli karaa," ayuu yiri.
Waqtigaas, dowladdu waxay soo bandhigtay siyaasad cusub, taasoo dembi ka dhigtay in carruurta naafada ah loo isticmaalo tuugsiga. Li waxa kale oo uu maqlay in xaaladda dhaqaale ee qoyskiisa ay soo hagaagtay. Wuxuu u sheegay madaxiisii inuu doonayo inuu soo booqdo qoyskiisa, loona ogolaaday inuu baxo.
Markii uu dib ula midoobay waalidkiis, waxay ogaadeen sida dhabta ah ee uu u noolaa - Li wuxuu aad uga carooday inuu ogaado in ka faa'iidaysigiisu uu u soo diray lacag aad uga yar intii loo ballanqaaday.
Taageerada waalidkiis ka dib, Li waxa uu ku biiray fasalka labaad ee dugsiga hoose, isaga oo la fariistay arday 10 sano ka yar isaga. Maalintiisii ugu horreysay, carruurtu waxay isugu soo urureen miiskiisa hareerihiisa - laakiin dan uma gelin.
"Kama xanaaqin - hore ayaan ula kulmi lahaa jeesjees iyo dhibaato badan. Hadda, arday ahaan, waxaan doonayay kaliya inaan diirada saaro waxbarashada," ayuu yiri.
Li wuxuu noqday ardaygii ugu dadaalka badnaa, in kasta oo xaaladiisa jireed ay ka dhigtay wax aad u adag sida gaarista musqusha. "Waxay qaadan lahayd dadaal badan in aan aado musqusha, sidaas darteed marar badan ayaan naftayda ku qasbay in aanan biyo ku cabbin dugsiga," ayuu yiri.
Go'aan aan leexleexad lahayn ka dib, Li wuxuu ku dhameystay waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe sagaal sano gudahood. Wuxuu ku casuumi jiray carruurta tuulada si ay u ciyaaraan ka dibna wuxuu waydiisan jiray in laga caawiyo shaqada guriga.
Markii la gaaray waqtigii uu codsan lahaa kulliyadda, xaaladdiisa jireed ayaa xaddiday xulashadiisa, laakiin wuxuu codsan karay barnaamijyo caafimaad. Waxa uu ku fekeray, "Haddii aan dhakhtar noqdo, waxaa laga yaabaa in aan baaritaan ku sameeyo xaaladdeyda oo aan caawin karo qoyskayga, badbaadinta nolosha, iyo wax ku biirinta bulshada".

Xigashada Sawirka, Dr Li Chuangye
Li waxa uu galay dugsiga caafimaadka isaga oo 25 jir ah. Tasiilaadka ayaa ahaa kuwa aad loo heli karo halkaas, laakiin waxa uu helay fasallo wax ku ool ah oo ugu adag.
"In kasta oo ardayda isku fasalka yihiin ay si fudud ula socon kareen macalinka si ay u booqdaan bukaanada ama ay u dhex maraan inta u dhaxaysa qaybaha inta lagu jiro laylisyada, arrimaha socodkayga ayaa igu adkeeyay. Waxa dadka kale ay barteen maalintii waxay igu qaadan karaan waqti dheer".
Li waxa uu dareemay in uu sii xoogaysanayo, waxa uuna go'aansaday in uu bilaabo fuulista buuraha. Socdaalkiisii ugu horeeyay waxay ku qaadatay shan maalmood iyo habeen inuu gaaro buurta Tai. Markii gacmihiisii iyo cagihiisii dildillaaceen oo ay dhiigbax bilaabeen, ma uusan quusan ee wuxuu kaga talaabsaday dabada dhagax kasta.
Koritaanka buurta ayaa weli ah xamaasad u xuubsiibatay dareen dareen xoog leh xagaagaas, iyadoo Dr Li uu dadka la wadaagay muuqaallo ku saabsan koritaankiisa.
Hadda Dr Li waxa uu xarun caafimaad oo yar oo miyi ah ku leeyahay Xinjiang, halkaas oo uu ku sugan yahay habeen iyo maalinba. Bukaankiisu waxay ugu yeeraan "dhakhtarkooda mucjisada".
"Ku daryeelida bukaanka gacmaheyga, hagaajinta caafimaadka deriskayga - taas ayaa iga qancisa wax kasta," ayuu yiri.
Isaga oo la yaaban sida ay sheekadiisu u gaartey bulshooyinka Shiinaha ee caalamka, ayaa wuxuu rajaynaya in ay wax ka tarto beddelka dabeecadaha.
"Qaar baa dadka naafada ah u arka wax aan faa'iido lahayn. Makhaayadaha waxaa laygu khaldaa inaan ahay qof tuugsanaya marka aan is-dul-fadhiisto, waxaana la ii sheegaa inaysan jirin wax cunto ah. Waan dhoola-cadeeyaa waana ka tagaa - dadka intooda badanse waa dad qalbi wanaagsan," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Dr Li Chuangye
Nolol kalsooni iyo ujeeddo leh
Dad badan ayaa is waydiiyey Li sababta uu uga warami waayay ninka ka faa'iidaystay "Waxaan go'aansaday inaan u ogolaado wixii tagay inay noqdaan wax tegey," ayuu yiri. "Toddobadaas sano waxay ahaayeen waayo-aragnimo xanuun badan, laakiin waxay ahaayeen qayb noloshayda ka mid ah."
Socdaalka Li wuxuu wax ka beddelay aragtidiisa. "Kadib markii aan awooday inaan aado dugsiga, waxaan joojiyay in aan daneeyo ra'yiga dadka kale ama xukunka. Waxaan ogaaday in waxyaalahaas ay yihiin kuwo aan macno lahayn. Waxaan doonayay inaan waqti iyo xoog ku saaro waxbarashada iyo xaqiijinta ujeedada nolosha," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dad badan oo naafo ah "ay u halgamayaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen" sababtoo ah waxay ka baqayaan in la xukumo ama lagu qoslo. "Laakiin aniga ahaan, taasi maahan waxa aan hiigsanayo. Waxaan dhex wareegayaa kambaska iyo magaalooyinka anigoo kadaloobsada marna gurguurta, hadday tahay fasallo, aqoon-is-weydaarsiyo, ama caawinta boqolaal saaxiibo ah oo naafo ah. Waxaan u maleynayaa inaan kalsooni ku qabo inaan sameeyo. Ma daneeyo kuwa kale sida ay u eg yihiin".
Dadweynaha, waxa uu siinayaa xigmaddan: "Nolosheennu waa sida buuro oo kale - mid baan fuulnaa, mid kalena waa ka horreysaa. Si joogto ah ayaan u dadaaleynaa oo aan horumar u sameyneynaa.
"Waxay ila tahay in qofku had iyo jeer ahaado mid togan, yididiilo leh, oo uusan waligiis ka niyad jabin riyadiisa".
Dr Li Chuangye wuxuu u warramay barnaamijka outlook ee BBC World Service













