Nin hindisay gaariga naafada oo casri ah oo ku guuleystay $1m

Andrew Slorance oo tijaabinaya gaariga curyaanka

Xigashada Sawirka, Phoenix Instinct

Naqshadeeye u dhashay dalka Scotland ayaa ku guuleystay $1m (£753,000) si uu ugu maalgeliyo gaariga dadka naafada ah ee uu sida cajiibka ah u sameeyay.

Andrew Slorance, oo qudhiisa isticmaala gaarigan, ayaa ku guuleystay lacag ay bixiso shirkadda Toyota.

Dadka wax ikhtiraaca ayaa lagu casuumay inay soo gudbiyaan wax soo saarkooda cajiibka ah ee lagu horumarinayo nolosha dadka qeybta hoose naafada ka ah.

Gaarigan oo loogu magac daray Phoenix I ayaa isticmaala aalado dareemaya haddii uu qofku hore ama gadaal u dangiigsado wuxuuna sameeyaa isku dheellitir si uusan qofku u ga dhicin.

Naqshadda abaalmarinta lagu heley

Xigashada Sawirka, Phoenix Instinct

Madaxa Phoenix Instinct Mr Slorance ayaa sheegay inuusan fileyn guushan aadna uu ugu faraxsan yahay. Isla markaana "uu ku faraxsan yahay inuu hoggaamiyo ikhtiraaca gaariga naafada ee cajiibka ah".

Mr Slorance ayaa bilaabay isticmaala gaariga naafada 37 sano kahor kaddib markii uu ka dhaawacmay laf dhabarka isagoo markii uu jiray 14 sano ka soo dhacay geed.

"Waxaan xusuustaa inaan dareemay dareen aan caadi ahayn oo rumeysasho ah la`aan ah oo ku saabsan inay waxan igu dhacayaan," ayuu yiri.

"Kaddib waxaan xusuustaa in laamaha ay iiga dhaceen wajiga oo aan dhulka ku dhacay."

Gaariga naafada wuxuu ku sheegay qaadidda "25kg oo bir ah", wuxuu dareemay "qalbi jab" in loo aqoonsado curyaan" markii uu ku qasbanaaday isticmaalkiisa.

Andrew oo oo gaariga curyaanka saaran 1980-kii

Xigashada Sawirka, Andrew Slorance

Qoraalka sawirka, Andrew oo oo gaariga curyaanka saaran 1980-kii

"Wixii intaas ka dambeeyay, waxba makala kulmin gaariga naafada," ayuu yiri.

"Waxay ka dhigeen mid yar oo nafis ah.

"Balse teknolojiyaddu isma beddelin ku dhowaad ilaa afartan toddobaad."

'Macsalaama'

Shirkadda oo xarunteedu tahay Forres, Moray, ayaa soo soo saari doonta gawaarida naafada ee Phoenix I oo qiimahoodu jaban yihiin.

Ujeeddadu waa in qiimahoodu uu u dhaxeeyo £4,000-£5,000 ayna suuqa soo galaan muddo labo sano gudahood ah.

"Weli waa lacag badan in laga bixiyo gaariga naafada," ayuu yiri Mr Slorance.

"Balse waxa uu qaban karo marka loo barbardhigo kuwa kale ee weli adeegsanaya teknolojiyaddii sanadihii 1980-meeyadii, waxaan u maleynayaa inuu qiime fiican yahay."

Andrew oo oo gaariga curyaanka saaran 1980-naadkii

Xigashada Sawirka, Andrew Slorance

Qoraalka sawirka, Andrew oo oo gaariga curyaanka saaran 1980-naadkii

In ka badan 80 koox oo ka kala socda 28 dal ayaa galay tartanka, oo la bilaabay sanadkii 201

Guuleystuhu waxay ahayd in looga dhawaaqo tartanka dadka naafada ah ee Tokyo ka dhici lahaa xagaagan.

Balse cayaaraha ayaa dib loo dhigay sanadkii 2021 sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

'Dhibaato meesha ku jirta'

Shanta qof ee wareegga ugu dambeeya ee tartanka soo galay waxaa ka mid ah koox ka socotay dalalka Talyaaniga, Japan iyo Mareykanka.

Midkood ayaa heli doona $500,000 si ay iyagana u horumariyaan naqshadaha ay la yimaadeen.

Mr Slorance ayaa yiri: "Khibraddeyda, qof isticmaala gaariga naafada ahaan, waxay i gayeysiisay inaan xalliyo dhibaato meesha ku jirta.

"Waxaa laga yaabaa in go`aanka sanadkii 1983 ay meesha ka saari doonaa waxyaabaha fiican ee soo baxay."7.