Waa kuwee ragga caanka ah ee laga reebay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa'iil sii deyn doonto iyo Xamaas oo cadaadis wada

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Xamaas ayaa cadaadis ku saareysa Israa'iil in ay ku darto magacyada maxaabiis Falastiiniyiin caan ah liiska dadka la sii daynayo — taasoo qayb ka ah heshiis xabad-joojin ah oo sidoo kale lagu soo celinayo la haystayaasha Israa'iil ee laga hayo Qasa.
Dalabka adag ee Xamaas ayaa yimid kaddib markii wasaaradda cadaaladda Israa'iil ay shaacisay magacyada 250 maxbuus oo la sii dayn doono, balse laga reebay toddobo maxbuus oo caan ah, oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa'adat.
Raggan oo xukuno lagu riday ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Israa'iil, waxaana dadka reer Falastiin ay muddo dheer u arki jireen calaamado iska caabin ah.
Waxaa la filayaa in 20 la hayste Israa'iiliyiin ah la sii daayo ka hor 12:00 duhurnimo maalinta Isniinta, iyada oo qayb ka ah heshiiska uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sarkaal sare oo Falastiini ah oo si dhow ula socda wadahadallada ayaa u sheegay BBC-da in ergayga Mareykanka, Steve Witkoff, uu ballan qaaday in uu arrinta ka saaridda maxaabiista Falastiiniyiinta kala hadli doono Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu. Laakiin Israa'iil ayaa si adag u diiday in ay ku darto.
Ma cadda in arrintani ay noqon doonto caqabad hor istaagta heshiiska, ama haddii ay saameyn ku yeellan karto waqtiga lagu ballamay in la sii daayo la haystayaasha laga hayo Marinka Qasa iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israa'iil.
Sii daynta ayaa lagu wadaa inay dhacdo wejiga koowaad ee heshiiska xabad-joojinta iyo is-weydaarsiga la haystayaasha ee uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo toddobaadkan la ansixiyey si loo soo afjaro dagaalka laba sano ka socday Qasa.
Ma cadda sida loo sii dayn doono la haystayaasha markan — marar hore, Xamaas ayaa dadweynaha hortooda kusoo bandhigtay la haystayaasha, taasoo caro gelisay Israa'iil iyo xulafadeeda reer Galbeedka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidoo kale waxaa la soo celin doonaa meydadka la haystayaashii dhintay. Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 26 ka mid ah la haystayaasha ay dhinteen, iyadoo aan la ogeyn xaaladda labo kale.
Israa'iil ayaa sidoo kale sii deyn doonta ilaa 250 maxbuus falastiiniyiin ah oo xabsi daa'im ku xuman kuna xiran xabsiyada Israa'iil, iyo 1,700 oo kale oo Falastiiniyiin reer Qasa ah kuwaas oo la xiray.
Xamaas ayaa horey u gudbisay liis maxaabiis ah oo ay dooneyso in la sii daayo, kaas oo ay ku jireen Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa'adat.
Barghouti wuxuu wajahayaa xukuno shan ah oo madaxaa ha ku furtaa ah oo lagu daray afartan sanno oo dheeraad ah, kadib markii lagu helay dambiyo ku saabsan qorsheynta weerarro sababay dhimashada shan qof rayid ah sanadkii 2004-tii.
Ra'yi ururinno isdaba joog ah ayaa muujinaya in Barghouti weli yahay hogaamiyaha ugu caansan ee Falastiiniyiinta, islamarkaana haddii doorasho madaxtinimo la qabto, uu ka guuleysan karo Madaxweynaha haatan ee Maamulka Falastiiniyiinta ama hoggaamiyaha Xamaas .
Barghouti weli waa siyaasi sare oo ka tirsan garabka Fatah, kaasoo haya tallada Maamulka Falastiiniyiinta, maamulkaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo aan si toos ah u hoos imaanin xukunka Israa'iil.
Saadat, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda caanka ah ee Xoraynta Falastiin (PFLP), ayaa lagu xukumay 30 sano ka dib markii lagu helay 2008dii inuu madax u yahay "urur argagixiso oo sharci darro ah" iyo ku lug lahaanshiyaha weeraro, uu ku jiro dil wasiir Israa'iil ah sanadkii 2001-dii.
250-ka maxbuus ee lagu wado in lasii daayo waxaa ka mid ah Iyad Abu al-Rub, oo ahaa taliyihii kooxda Islamic Jihad kaas oo lagu helay in uu abaabulay qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Israa'iil oo ay ku dhinteen 13 qof horaantii 2000.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay wasaaradda cadaaladda Israa'iil, isaga waxaa la geyn doonaa Qasa ama waxaa loo masaafurin doonaa dibada.
BBC-da waxay fahansan tahay in Xamaas ay sidoo kale riixayso sii deynta maxaabiis dheeraad ah oo suurtagal ah. Kuwani waa maxaabiis Falastiini ah oo dhowr sano kahor la sii daayey qaybna ka ahaa is waydaarsi maxaabiiseed iyo sii deynta Gilad Shalit — ka dibna dib ayaa loo xiray kadib 7-dii Oktoobar.
Xamaas ayaa ku doodaysa in maadaama ay qayb ka ahaayeen arrin hore aan lagu darin tirada 250-ka ah.
Gudaha Israa'iil, isbitaallada ayaa isku diyaarinaya sii deynta la haystayaasha xilli ay qoysasku sugayaan soo laabashadooda.
Wajigii koowaad ee heshiiska Isra'iil iyo Xamaas ayaa xabad joojintiisu dhaqan gashay maalintii jimcaha, ciidamada Israa'iilna qeyb ahaan isaga baxeen Qasa. Boqollaal baabuur oo gargaar ah ayaa hadda maalintii la filayaa inay halkaas gaaraan. Wejiyada soo socda ayaa weli laga wada xaajoonayaa
Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka soo laabtay koonfurta Qasa, todobaadyo ka hor markii ay ka soo carareen duulaanka Israa'iil ee lagu burburiyay inta badan magaalada.
Hay'adda difaaca madaniga ah ee Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ay wadaan hawlgallo soo kabasho ah iyo in maydadka laga soo saaro dhismayaasha burburay, iyadoo Falastiiniyiin badan wali lagu la'yahay guud ahaan dhulka.
Dagaalka Israa'iil ee Qasa waxa uu ka dhashay weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay.
Tan iyo markaas, 67,682 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka militariga Israa'iil ee Qasa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.













