Maxkamad nin TokToker ah ku khasabtay inuu guursado gabadh gaaban oo muuqaal jacayl ah uu la sameeyey

Xigashada Sawirka, Maiwushiryabackup/Tiktok
Maxkamad ku taal gobolka Kano ee waqooyiga Nigeria ayaa amartay in labo qof oo caan ah oo laga yaqaano TikTok ay is guursadaan, kaddib markii ay soo bandhigeen muuqaal jacayl.
Dadkaas saamaynta ku leh baraha bulshada ayaa kala ah Idiris Mayi Wushira iyo Basira Yar Guda.
Arinta lamaanahan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada kadib markii guddiga faafreebka filimada ee gobolka Kano ay sheegeen in wiilkan uu sameeyay muuqaal jaceyl 'oo anshax xumo ah' isaga iyo gabadh gaaban.
Muuqaalka, ayaa waxaa lagu arkayaa labadooda oo muujinaya xiriir jaceyl oo xooggan.
Maamulka Kano ayaa sheegay in muuqaallada ay ku soo bandhigeen Tiktok ay ku xad-gudbeen dhaqanka iyo anshaxa bulshada, ayna ka hor imaanayaan dhaqanka iyo diinta.
Mujahidin Aminuddin oo ah mas'uul ka tirsan deegaanka ayaa xaqiijiyay in maxkamada ay ku amartay lamaanahan in ay isku guursadaan muddo labo bilood gudahood ah.
Aminuddin waa ku simaha taliyaha ciidamada booliska islaamka (Xisbah) ee gobolka Kano.
"Saameeyayaasha baraha bulshada ayaa la keenay maxkamad ka dib markii ay soo bandhigeen muuqaalo ku xadgudbaya qurxinta bulshada iyo dhaqanka diinta ee bulshada" ayuu yiri sarkaalku.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aminuddin ayaa sheegay in taliye Aminu Daurawa oo ka tirsan Xisbada uu sharraxay waxyaabaha looga baahan yahay labada qof si ay isku guursadaan.
Marka hore, wuxuu sheegay, inay lama huraan tahay in la ogaado halka ay haweeneydu ka timid iyo taariikhda qoyskeeda.
Sidoo kale waxaa muhiim ah in la caddeeyo in ay daroogo u isticmaaleen arrintan, ayuu yiri sarkaalka.
Shuruudaha kale ee muhiimka ah ayaa ah in dadkan ay maraan baaritaanno caafimaad oo loogu talagalay cudurrada kelyaha, HIV, cudurrada ilmo-galeenka iyo cudurrada galmada lagu kala qaado.
"Marka waxaas oo dhan ay dhammaadaan, waxaan ka hadli doonnaa arrimaha kale," ayuu yiri Aminuddin.
Haweeneyda ayaa sheegtay in aysan dooneyn in ay ku noolaato guri kiro ah kadib markii ay guursato.
Waxa ay ku micneysay in aysan isku guri kula noolaan doonin wiilka ay guursaneyso haddii uusan lahayn guri u gaar ah. "Tani waa in la ixtiraamo" ayuu yiri sarkaalka.
"Waxaan hadda la hadlaynaa guddoomiyaha si uu u habeeyo dadkan inay guryahooda joogaan ka dib arooskooda," ayuu yiri Aminuddin.

Xigashada Sawirka, Maiwushiryabackup/Tiktok
Kiisaska Mayi Wushira iyo Yara Guda ayaa hadda ka socda maxkamadda. Maxkamaddu waxay ku amartay guddiga Xisbada in ay ka shaqeeyaan guurka lammaanaha.
Mas'uulkan ayaa sheegay in tallaabadani ay cashar u noqon doonto kuwa ka soo horjeeda dhaqanka iyo caqiidada bulshada ku dhaqan gobolka Kano.
Go'aanka maxkamada ee ah in ay is guursadaan lamaanaha ayaa dhaliyay cabasho iyo dhaleecayn.
Ururka Qareenada Nigeria (NBA) ayaa dhaleeceeyay go'aankaas, iyagoo sheegay in maxkamaddu aysan ku qasbi karin laba qof inay is guursadaan.
"Go'aankan oo kale ma laha sal sharci ama dastuuri ah, maxkamaddu way marin habaabisay," ururka ayaa sidaas yiri.
Madaxweynaha NBA Mazi Osigwe ayaa ka hadlay kadib markii maxkamadda Kano ay amartay in dadkan caanka ah ee TikTokers-ka ah ay ku guursadaan 60 maalmood gudahood.
Waxa uu sheegay in tallaabadani ay daaha ka qaaday faham la'aanta xadka awoodda Maxkamadda ee dastuurka iyo shuruucda Nigeria.
Waxa uu sheegay in ay xadgudub ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Sidaa darteed, qaraarku wuxuu doonayey in la baabi'iyo si degdeg ahna dib loogu eego.













