Maxay Israa'iil ula wareegaysaa Daanta Galbeed, maxaase Turkiga loogu diiday tagitaanka Qaza

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baarlamanka Israa'iil (Knesset) ayaa Arbacadii ansixiyay sharci lagu doonayo inay Daanta Galbeed ay qayb ka ahaato madax banaanida Israa'iil. Sharciga waxaa u coddeeyay 25 xubnood, halka 24 kalana ay ka soo horjeesteen.

Guddoomiyaha Knesset-ka, Yuli Edelstein ayaa dhiibtay codka go'aamiyay natiijada, isaga oo taageeray sharciga, taasi oo ka hor timid mowqifka ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu, sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa'iil.

Coddeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J.D Vance uu booqasho ku joogo Israa'iil, in kasta oo Washington ay si adag uga soo horjeeddo tallaabadan.

Sharciga la wareegitaanka Daanta Galbeed waxaa soo jeediyay hoggaamiyaha xisbiga Noam, Avi Maoz, kaasi oo diiday dib u dhigista coddeynta oo ahayd codsiga ra'iisul wasaaraha, isaga oo yiri ''Dowladda Israa'iil waa dal madax bannaan, waana wakhtigii madax banaanida.''

Waxaa uu dhankiisa guddoomiyaha isbahaysiga Ofir Katz uu u qoray xubnaha xisbiga Likud fariin u uku yiri ''arrinta madax-bannnaanida waa mid noo muhiim ah, balse lama gaari karo iyada oo la adeegsanayo sharci ay mucaaradku soo bandhigeen, xilli aan la shaqaynayno Maraykanka si aan u gaarno yoolalka dagaalka, sidaasi darteed waxaan helnay codsiyo ah in aanan samayn coddeyn ka dhan ah sharciga, sidaasi darteed mowqifka xisbiga waa in uu ka aamusaa''

Knesset ayaa ansixiyay bishii Luulyo ee aynu soo dhaafnay bayaan ku baaqayay in madax-bannaanida Israa'iil la gaarsiiyo Daanta Galbeed iyo Dooxada Urdun, iyada oo 71 xildhibaan ay u coddeeyeen. Si kastaba ha ahaatee waxa bayaan kaas ayaa ahaa mid astaan ah oo kaliya oo aan wax ficil ah lahayn.

Xisbiga Degel HaTorah ayaa dhaleeceeyay mashruucan socda, iyaga oo aaminsan inuu sababi karo xiisad dalalka caalamka, gaar ahaana Maraykanka.

Hoggaamiyaha xisbiga Yisrael Beytenu, Avigdor Lieberman ayaa sidoo kale soo jeediyay sharci lagu doonayo madax-bannaanida lagu dabaqo Ma'ale Adumin, waxaan sharcigaasi taageeray isbahaysiga Kahol Lavan. Lieberman ayaa dhaliilay dowladda, waxaana uu yiri ''Ku filan ka leexleexashada, waa wakhtigii madax-bannaanida.

Maxay yihiin ciidamada ammaanka caalamiga ah ee la geynayo Qaza

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka J.D Vance ayaa kulan uu kula yeeshay madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog magaalada Qudus ka sheegay in sida uu qabo qorshaha Trump la dhisi doono ciidan ammaan caalami ah oo loo xil saaray inay aasaas u noqdaan xabbad joojin ah abadi ah oo halkaasi ka hirgasha marka ay ciidamada Israa'iil ay si dhammaystiran ugala baxaan ciidamada marinka Qaza.

Netanyahu ayaa dhankiisa kulanka ka sheegay in ''dunidu ay bilaabayso inay is beddesho ayna tahay mahadda iskaashiga Maraykanka'' waxaa uu intaa ku daray in Israa'iil ay ku guulaysatay ''inay go'doomiso Xamaas isla markaana dib u soo celisay lahaystayaashii'' isaga oo adkeeyay ''qimayka ay labada dal ee Israa'iil iyo Maraykanku wadaagaan''

Vance ayaa dhankiisa sheegay in hub ka dhigista Xamaas iyo dib u dhiska Qaza ay noqon doonaan howlo adag, uuna dib u dhiska rajo wanaagsan ka qabo.

Netanyahu ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo in Turkiga uu kaalin ku yeesho marinka Qaza oo uu qayb ka noqdo howlgalka kormeerka xabbad-joojinta. Waxaa dhankiisa uu Vance sheegay in Turkiga uu doorkiisu noqonayo mid dhisid ah mar xalada xiga ee xabbad joojinta.

Xiriirka Israa'iil iyo Turkiga ayaa gaaray heerkii u hooseeyay sannadihii u dambeeyay, iyada oo Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan uu si adag u dhaliilay weerarada Israa'iil ee marinka Qaza iyo meelo kale oo bariga dhexe ah.

Turkiga oo xubin ka ah isbahaysiga NATO ayaa door weyn ka qaatay ku qancinta Xamaas inay aqbasho qorshaha Trump, waxaana ay qayb ka noqonayaan ciidamada caalamiga ah ee kor joogteynaya xabbad joojinta, waxaana ciidamada Turkiga loo adeegsan karaa milatari ahaan ama rayid haddii loo baahdo.