10 sano ka dib imaanshihii Daacish ee dhulka Soomaaliyeed

Cabdulqaadir Muumin, calankii Daacish iyo khariidad muujinaysa Joogga Dhuleed ee Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cabdulqaadir Muumin, calankii Daacish iyo khariidad muujinaysa Joogga Dhuleed ee Soomaaliya.
    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali

Toban sano kahor maanta oo kale, figta sare ee mid kamid ah buuraha Puntland ayaa laga soo faafiyay muuqaal tayo liita hase yeeshee farriin culus xambaarsan oo uu soo duubay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin, wuxuu maalinkaas Khamiisaad sheegtay inuu balan iyo cahdi la galay, kooxdii loogu cabsida badnaa dunida ee Daacish.

Wuxuu qiray inuu dhib iyo dheefba uu yahay garabka wadaadkii reer Ciraaq ee Abu Bakar al-Baqdaadi.

22-dii Oktoobar 2015-kii ayay ahayd maalintaas ay dhalatay faracii ugu adkaa ee Daacish ka samaysato meel ka baxsan Bariga Dhexe.

Xerta Cabdulqaadir Muumin inta aysan u diga rogan faraca Soomaaliya ee Khilaafada, waxay markii hore ahaayeen garab gooni isu-taag ah oo ka baxay Al-Shabaab.

Muumin, iyo dagaalyahanadii la goostay waxay ka caroodeen daacadnimada buuxda ee Al-Shabaab u hayso Al-Qaacida, waxaana ay sidaas ku bilaabeen in ay calanka madow ee Daacish ka lalmiyaan tuulooyinka fogfog ee Puntland, iyagoo ku dhawaaqay "wilaayad" ay sheegteen in Daacish ay ku yeelatay buuraha Golis.

Waxaa aasaaska u fududeeyay in ay ka faa'iidaysateen cabashooyin qabiileed, xiriirkii uu Muumin la lahaa dagaalyahannada shisheeye, iyo xuduudda furan ee Yemen, taas oo ka dhigtay dhulka buuraleyda ah ee Puntland meel ay Daacish ugu wanqalato saldhig caalami ah.

Cabdulqaadir Muumin iyo laba kamid ah kooxdiisa.

Xigashada Sawirka, Furat

Qoraalka sawirka, Cabdulqaadir Muumin iyo laba kamid ah kooxdiisa.

Weerarkoodii Ugu Horreeyay

Soo bixitaankii ISIS wakhti badan kuma qaadan inay dhiig Soomaaliyeed ku daadiyaan. Weerarkoodii ugu horreeyay waxay fuliyeen 18 bilood ka dib dhalashadoodii, bishii Febraayo 2017-kii.

Taasoo marag u noqotay sida ay maankooda ugu weynayd in ay muujiyaan awood dagaal oo la mid noqon karta tan ay Al-Shabaab ku haysatay dhulka Puntland.

8-dii Febraayo, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray Hotelka International Village ee magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga ee ugu mashquulka badan Puntland. Waxay dileen afar ilaaliye inta aysan gudaha ugu galin hotelka oo ay saacado kadib ciidamada ammaanka Puntland meyd kaga soo saareen.

Weerarka waxaa daqiiqado gudahood ku sheegatay wakaaladda wararka ee Daacish, Amaq, wuxuu ahaa isku day ay ku doonayeen inay bal iskugu tijaabiyeen inay fulin karaan weerarradii waaweynaa ee 'khilaafadu' ka gaysan jirtay Ciraaq iyo Suuriya.

Toban sano kadib, Daacish waxay ka badbaaday saadaashii ahayd inaysan wakhti dheer ku noolaan karin meel ka baxsan Bariga Dhexe, oo waxay dunida tuseen inay Afrikana ku bulaali karaan.

Kacaa kufka ay Daacish ka soo martay Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Oktoobar 2015: Muumin ayaa ka goostay Al-Shabaab, wuxuuna si kooban u qabsaday magaalada dekedda leh ee Qandala, taasoo Al-Shabaab dib u qabsatay Diseembar.

2016-2017: Kooxdu way kortay iyadoo la tamar noqotay Al-Shabaab; Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay gaartay ilaa 200 dagaalyahan.

2-dii Nofeembar 2017: Mareykanka wuxuu qaaday duqeyntiisii ugu horreysay ee ka dhanka ah ISIS, isagoo sheegay inuu ku dilay "dagaalyahanno badan" buuraha Golis. Waxaana sidaas ku bilowday olole duqeymeedyo badan oo tan iyo markaas socda.

2018-2020: Kooxdu waxay baratay inay si fiican uga faa'ideystaan godadka badan ee buuraha Golis, mararka qaarna heshiisyo ku-meel-gaar ah la galaan Al-Shabaab si ay jiritaankooda isugu kaalmeeyaan.

2020-2021: Waxay bilaabeen inay laba jibaaraan aruurinta baadda iyagoo malaayiin doollar ka helay dekedda Boosaaso.

2021-2023: Dagaalyahanno shisheeye oo badan ayaa kusoo biiray; duqeymo Maraykanku qaaday ayaa lala beegsaday saraakiil sare, iyadoo la sheegay in kooxdu qorsheynayso weerarro caalami ah.

2024-2025: Duqeymaha Mareykanka ayaa sii laba laabmay kadib soo noqoshadii Trump oo kooxdan naceybka uu u hayo waligiis shaacsanaa. Febraayo, Juun, Luulyo, iyo dhawaanba buuraha Golis waxaa lagu ololinayaa kooxda Ina Muumin.

Ciidanka Cirka ee Mareykanka oo u howlagalaya duqeyn Daacish lagu beegsanayo.

Xigashada Sawirka, AFRICOM

Qoraalka sawirka, Ciidanka Cirka ee Mareykanka oo u howlagalaya duqeyn Daacish lagu beegsanayo.

Kooxda Cabdulqaadi Muumin waxay muujiyeen inaysan si buuxda Daacish-tii weynayd u burburin balse ay isku beddeshay qaab dhaqaale iyo maaliyadeed oo u adeegta meel walboo ay dunida kaga sugan yihiin dhashii Daacish, iyadoo lacago malaayiin doollar ah loogu dhaqo cryptocurrency, laguna diro faracyada kale tan iyo 2020, sida Agaasinka Sirdoonka Qaranka Mareykanka uu sheegay.

Dr. Federica Sona, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Machadka West Point ee Xarunta La-dagaalanka Argagaxisada, kana mid ah qorayaasha warbixin soo baxday Luulyo 2025 oo ka hadlaysa duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya, waxay sheegtay in kooxda Daacish ay tahay in "looga il-dheeraado filasho kasta oo khatartooda hadda laga suureysanayo".

Al-Shabaab ilaa hadda waa kooxda ugu awoodda badan inta hubaysan ee ka dagaalanta Soomaaliya. Faraha kulul ee ay ku hayaan koonfurta dalka, waxaa ka sii gundheer qorshayaasha caalamiga ah ee ISIS ku doonayso inay unugyadeeda gaarsiiyaan ilaa Yurub.

In Cabdulqaadir Muumin si fudud xilliga uu doono ku gaari karo Badda Casna, waxay ka dhigaysaa khatar aan la saadaalin karin.

Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada Daacish ku dhacday, sannad-guuradani farxad iyo nayaayiro midna uma keenayso. Laakinse, ciidamada Puntland iyo duqeymaha saaxibadda Soomaaliya uma eka kuwo si fudud ku joogsanaya.

Waxay dunida oo dhami daawanaysaa weerarrada sii xoogeysanaya ee Mareykanka iyo xukuumadda Trump ku bartilmaameedsanayaan hoggaamiyeyaasha sare ee Daacish balse su'aasha weli taagani waa:

Ka dib toban sano, ma suurtogal baa in Soomaaliya iska erido martidan aanan la casuumin? Gulufka xoogga leh ee hadda socdana ma ku soo dhamaan doonaa soo afjaridda Daacish?