Haweeneydii ugu horreysay ee taliye ka noqota hawada sare: Ma dooneyn in la i dhoho 'naagtu khalad bey sameysay'

Eileen Collins oo xiran jaakad buluug ah oo Nasa ah oo magaceeda wata. Waxay leedahay timo bunni ah oo gaagaaban iyo indho bunni ah wayna dhoola caddeyneysaa iyadoo si toos ah u eegeysa kaamirada.

Xigashada Sawirka, Tony Jolliffe/ BBC News

Qoraalka sawirka, Laga soo bilaabo yaraanteedii, Eileen Collins waxay jecleyd inay cirbixiyeen noqoto
    • Author, Rebecca Morelle
    • Role, Tifaftiraha Sayniska
    • Author, Alison Francis
    • Role, Weriye Sare oo Sayniska ah

Waa cirbixiyeenaddii ksoo dhex dustay saqafka muraayadda. Hore ayayna usii socotay.

Eileen Collins waxa ay dhigtay taariikhd markii ay noqotay haweenaydii ugu horaysay ee duulisa oo amarna ku bixisa hawada sare - laakiin inkasta oo ay guulo la taaban karo gaartay, qof kastaa ma garan doono magaceeda.

Hadda muuqaal dheer oo la yiraahdo Spacewoman (Haweeneyda hawada), oo ka warramaya taxanaha shaqadeeda, ayaa u muuqda mid taas wax ka beddelaya.

Waxaan kula kulannay Collins Matxafka Sayniska ee London. Si tartiib ah ayay u hadlaysaa, oo diirran degganaanna leh - laakiin waxaad si degdeg ah u ogaaneysaa diiradda iyo go'aankeeda. Dhab ahaan waa qof gudaha ka adag.

"Waxaan akhrinayay maqaal joornaal ah oo ku saabsan cirbiciyeennada Gemini. Malaha waxaan jiray sagaal sano, waxaana u maleeyay in taasi tahay waxa ugu fiican. Taasi waa waxa aan rabo inaan sameeyo, "ayay tiri.

"Dabcan, ma jirin dumar cirbixiyeen ah waagaas. Laakiin waxaan u maleeyay, waxaan noqon doonaa haweeney cirbixiyeen ah."

Gantaalka Hawada ee Nasa mar laga duulinayay Florida.

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Gantaalka Hawada ee Nasa wuxuu duulayay 30 sano

Laakiin gabadhaas yar ayaa hankeeda meel fog ka dhigtay mid aad u sarreeya - waxay rabtay inay ka mid noqoto kontoroolka hawada sare.

Sida keliya ee taas lagu gaari karaana waxay ahayd in aad ku biirto ciidamada oo aad noqoto duuliye tijaabo ah.

Markey ka mid ahayd ciidanka Cirka, waxay ka soo dhex muuqatay dadka, waxaana loo doortay inay ku biirto barnaamijka cirbixiyeennada. Waxay ahayd in ay duuliso gantaallada hawada ee Nasa.

Waxay ogeyd in indhihii dunidu ay ku soo jeedaan markii ay howsheedii ugu horreysay billowday 1995kii.

"Aniga oo ah haweeneydii ugu horreysay ee wax ku duulisa Hawada Sare, aad ayaan ugu shaqeeyay taas sababtoo ah ma rabin in dadku dhahaan, 'Oh bal eeg, haweeneydu khalad bay samaysay' sababtoo ah aniga kaliya maahan, waxay ku saabsan tahay haweenka inay iga dambeeya," ayay tiri.

"Oo waxaan rabay inay jirto wax sumcad u noqda duuliyeyaasha haweenka taas oo ahayd: 'Eag, runtii aad bay u wanaagsan yihiin'."

Cirbixiyeen Eileen Collins oo la sawira gabadheeda yar

Xigashada Sawirka, Eileen Collins

Qoraalka sawirka, Eileen Collins oo la sawiran gabadheeda yar Bridget

Aad bay u fiicnayd xaqiiqdii in markiiba loo dallacsiiyay taliye, meel kale oo hawada ah marka hore.

Collins waxay sidoo kale ahayd waalid dhashay labo carruur ah oo yaryar. Xaqiiqda ah in ay ahayd xaas iyo hooyo shaqaysa waxaa si joogto ah loogu yeeri jiray shirarka jaraa'id ee waqtigaas, iyada oo saxafiyiinta qaarkood ay u muuqdeen kuwo la yaabay inay labadooduba isku noqon karto.

Laakiin Collins waxayu sheegtay in hooyo iyo taliye ay ahaayeen "labada shaqo ee ugu fiican adduunka ee ay qabato".

"Laakiin waxaan kuu sheegayaa inay adag tahay inaad waalid noqoto intii aad noqon lahayd taliyaha hawada sare," ayay tiri iyadoo qosleysa.

"Tababarka ugu wanagsan ee aan weligey u qaatay taliyenimada wuxuu ahaa waalidnimo - sababtoo ah waa inaad barataa sida dadka loo yiraahdo maya."

Burburka gantaal hawada ah oo kusoo dhacay Columbia

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Baaritaan weyn oo laga sameeyay kadib musiibadii Columbia
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diyaaradaha hawada Nasa, oo duulayey soddon sano, ayaa gaaray heerar aad u sarreeya, laakiin sidoo kale caqabado ayay la kulmeen.

Sannadkii 1986-kii, dayax-gacmeedka Challenger waxa soo gaartay guul-darro aad u xun ilbiriqsiyo ka dib markii uu hawada u baxay, isagoo dilay dhammaan toddobadii shaqaalihii diyaaradda ee saarnaa.

Sannadkii 2003dii, gantaalkii Columbia wuxuu ku jabay hawada Texas dhammaadkii hawsha, isagoo sidoo kale dilay shaqaalihii toddobada ahaa.

Qayb ka mid ah haanta shidaalka ee gantaalka Columbia ayaa jabtay intii lagu guda jiray howsha u dirista hawada, taasoo sababtay natiijo xun.

Columbia waxay joojin weyday in gantaalkaas uu dib hawada ugu soo laabto, iyadoo dunidu ay si argagax leh u daawanaysay.

Collins ayaa madaxeeda ruxaysa xusuusta musiibadaas awgeed, iyo saaxiibbadii ku naf waayay.

Laakiin iyada oo shaqadeeda ay taliye tahay, waxay ku qasbanaatay inay howsha soo gasho - waxay ahayd inay mas'uul ka noqoto duulista taas ku xigtay.

Maka fikirtay in xilligaas ay shaqada ka tagto?

"Dadka intii ay howsha gantaalka socotay waxay ku xisaabtamayeen taliyaha inuu sii hayo," ayay si hoose u tiri.

"Waxaan u maleynayaa in joojinta howlgalka ay noqon lahayd wax liddi ku ah geesinnimada… waxaana doonayay inaan noqdo hoggaamiye geesi ah. Waxaan doonayay inaan noqdo hoggaamiye isku kalsoon, waxaan doonayay inaan kalsoonidaas ku beero dadka kale."

Gantaalka hawada

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Gantaalka hawada

Laakiin markii ugu dambeyn hawsheeda ay cirka gashay 2005tii, waxaa mar kale dhacday dhacdadii xumeyd. Qeybo xumbo ah ayaa hawada ka kacday markii dayax-gacmeedka la diray.

Markan, in kastoo, uu jiray qorshe lagu hubinayo khasaaraha. Laakiin waxa ay la macno tahay in la sameeyo mid ka mid ah dhaq-dhaqaaqyada halista badan ee taariikhda hawada sare.

Collins waxa ay ku qasbanaatay in ay dayax-gacmeedka ku duuliso meel 360 digrii ah marka uu ka hoos duulayo Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare. Waxay u oggolaatay asxaabta ku jirta qeybta shaybaarka in ay sawiraan xagga hoose ee farsamada oo ay hubiyaan in kulaylka la yareeyay.

"Waxaa jiray injineerro iyo maareeyeyaal sheegaya inaan sidaa la sameyn karin, sababahan oo dhan aad ayay khatar u ahayd," ayay tiri.

"Waan dhegaystay dooddii, way garanayeen inaan taliyaha ahay, waxaanan ku iri: 'Waxay u ektahay inaan samayn karno'."

Eileen Collins

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Collins ayaa degganaan iyo xasilooni muujisay xilli xaaladdu ay adkeyd

Iyadoo gacmaheeda ay si dhiirranaan leh xaaladda u xakameynayaan, codkeeduna deggan yahay mar ay la hadleysay qeybta xakameynta howlgalka, ayay Collins majaraha u heysay duulinta dayax-gacmeedka. Tan waxay sababtay in degdeg loo arko cilladda waxna looga qabto.

Taas waxay ka dhigneyd in Collins iyo shaqaalaheeda ay si badqab leh dib ugu soo laabteen dhulka.

Kaasi wuxuu ahaa duullimaadkii ugu dambeeyay ee Collins. Waxay inoo sheegtay inay mar walba qorsheyneysay inay shaqada joojiso kadib howlgalkeedii afaraad - si ay dadka kale fursad ugu siiso inay hawada aadaan.

Waxayna goobjoog u ahayd dhowr cirbixiyeen oo raadkeeda raacayay. Talo ma u heysaa jiilka dambe ee ku riyoonaya inay dayaxa gaaraan?

"Ka shaqee layligaaga, dhegeyso macallinkaaga, u dhug yeelo fasalka akhrina buugaagta, taasna waxay ku siineysaa wax aad diiradda saarto," ayay tiri.

Kuwa u raacay Collins hawada waxay baran doonaan guulaha ay gaartay, ma aha keliya haweeney ahaan, balse duuliye iyo taliye dhiirran oo go'aan leh.

Waxay sheegtay inaysan ka shalleyneyn inay soo afjarto xirfaddeeda cirbixiyeennimo. Way gaartay go'aankeeda dibna uma eegin. Balse weli indhaheeda rajo ayaa ka muuqatay markii la weydiiyay inay jeclaan lahayd haddii kursi bilaash ah uu ka bannaanaado dayax-gacmeedka hawada.

"Haa, waan jeclaan lahaa maalin uun inaan howlgal u baxo. Marka aan noqdo haweeney da' ah, laga yaabee inaan fursad u helo aan ugu laabto hawada."