Maxay Xamaas ugu adag tahay inay hubka dhigto?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee bay macquul u tahay in koox ka talisa marinka Qaza ku dhowaad 20 sano, gacan bir ah ku maamusha laba milyan oo Falastiinyiin ah, isla markaana la dagaalanta Israa'iil ay si kadis ah u dhigto hubkeeda oo gacanta u taagto?
Iyada oo lagu qiimaynayo sawirada naxdinta leh ee joogtada ah ee ka soo baxa Qaza tan iyo intii xabbad joojinta la sameeyay 10-kii Oktoobar. Xammaas ayaa go'aan satay in ay muujiso awooddeeda
Iyadoo lagu qiimeynayo sawirrada naxdinta leh ee joogtada ah ee ka soo baxaya Qaza tan iyo markii xabbad-joojinta la sameeyay 10-kii Oktoobar, Xamaas waxay u muuqataa mid go'aansatay inay dib u xaqiijiso awooddeeda.
Ragga wajiga daboolan ee waddooyinka ku soo noqday ayaa la arkay iyaga oo garaacaya oo dilaya mucaaradkooda. Kooxo la diyaariyey ayaa dilaya rag jilbaha loo dhigay oo ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin kooxo mucaaradka, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah qabiilada awoodda badan ee Qaza.
Dadka kale ee argagaxsan ayaa arkay ayadoo laga toogtay lugaha ama lagu garaacay ulo.
Qaar ka mid ah dadka hadda Xamaas beegsatay waxay ka mid ahaayeen sida la sheegay kooxo ku lug lahaa tuugada iyo qaska gargaarka, sida uu BBC u sheegay shaqaale gargaarka ah.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale eedeysay kooxo dambiyo galay oo gargaarka xaday.
Tani ma ah Dunida weli meeshii la rabay in la gaaro, sida lagu uu dhigayo qorshaha nabadda ee 20-qodob ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Qaza, in dagaalyahannada Xamaas ay hubkooda dhigaan, cafis qaataan, ka baxaan Qaza, oo ay ku wareejiyaan ciidamo caalami ah oo xasillinta ah.
Dhanka Trump, bilowgii wuxuu u muuqday mid ka labalabaynaya naxariis-darrada.
Markii uu ku sii jeeday Israa'iil 13-kii Oktoobar, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu u muujiyay Xamaas, oo sidoo kale Britain, Israa'iill iyo kuwo kale u aqoonsadeen koox argagixiso in uu u ogolaaday in ay nidaamka soo celiyaan. "Waxaan siinay oggolaanshaha muddo," ayuu wariyeyaasha u sheegay isaga oo saaran diyaaradda Air Force One.
Saddex maalmood ka dib, madaxweynuhu codkiisa wuu adkeeyay. "Haddii Xamaas sii waddo dilka dadka Qaza, taas oo aan ku jirin heshiiska, ma jirto wax kale oo aan samayn karno oo aan ka ahayn in aan galno oo dilno," ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada, Truth Social.
"Burbur guud oo sharciga iyo nidaamka"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka Qaza badankood oo ku jiray laba sano oo dhibaato joogto ah iyo dagaal sababay dhimashada in ka badan 68,000 qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza—natiijadan naxdinta leh waa mid cabsi leh, laakiin ma leh yaab.
Dadka Qaza oo aan la hadalnay oo ay ku jiraan shaqaale gargaarka, qareeno, iyo lataliye hore oo Xamaas ah—mid kasta wuxuu ka hadlay fursadda Xamaas ay hubkooda ku dhigi karto oo gacanta ku taagi karto.
Iyadoo la eegayo xaaladda dhulka, hadda waa waqtigii la samayn lahaa.
"Waxaa jiray laba sano oo burbur buuxa oo sharciga iyo nidaamka ah," ayuu yiri shaqaalaha gargaarka Hanya Aljamal oo joogta gurigeeda Deir al-Balah, bartamaha Qaza. "Waxaan u baahannahay qof maamula."
Ahmad Yousef, lataliye hore oo u shaqeeyay Ismail Haniyeh, oo ahaa hogaamiye siyaasadeed ee Xamaas ah ayaa aaminsan in xakame adag loo baahan yahay waqtigan.
"Inta ay jiraan dad isku dayaya inay cadaalad qaataan, waxaan u baahannahay qof ka cabsiiya oo si xagjir ah ku qabta," ayuu yiri Yousef, oo hadda maamula xarun fikir oo Qaza ku taal oo xiriir dhow la leh hogaamiyayaasha Xamaas.
"Tani waxay qaadan doontaa waqti. Ma badna. Hal bil gudaheed, waxaan heli doonnaa booliis iyo ciidamo ka yimid Turkiga iyo Masar," ayuu sii raaciyay, isaga oo tilmaamaya ciidanka caalamiga ah ee xasilinta Qaza, oo lagu qorsheeyay qorshaha nabadda. "Waa waqtiga ay hubkooda dhigi lahaayeen."
Dadka kale ee Qaza waa shaki qabaan oo cabsi qabaan. Qaar ma rumaysan inay Xamaas awooddeeda ama hubkeeda ka tagi doonto.
"Xamaas Weli waa ciyaaryahanka ugu awoodda badan Qaza"

Al-Natour ayaa qaba aragtidiisa, kooxaha kala duwan ee hadda Xamaas weeraray lagu dhex dari karo nidaam amni oo cusub. Laakiin iyada oo ay jiraan qorshayaal iska soo horjeeda, taariikhda mararka qaar mugdiga ah ee xiiriirka ay la leeyihiin Israa'iil, tani waa arrin adag.
"Runta ayaa ah oo mararka qaar aad ugu adag dadka Israa'illi inay aqbalaan Xamaas weli ay sii jirto weli way jirtaa ayna tahay ciyaaryahanka ugu awoodda badan Qaza," ayuu yiri Michael Milshtein, madax hore oo Waaxda Arrimaha Falastiiniyiinta ee Sirdoonka Milatari ee Israa'iil.
"Ku tiirsanaanta jilayaasha - qabiilo,maleeshiyo, burcad oo intooda badan ah kooxo dambiyo galay, qaar ka mid ah ayaa xiriir la leh ISIS qaar ka mid ah ayaa ku lug lahaa weeraro argagixiso oo ka dhan ah Israa'iil iyo aragtida ah inay beddel u yihiin Xamaas waa mala-awaal." Ayuu yiri Michael Milshtein.
Mas'uuliyiin Xamaas ah ayaa sheegay in kooxda diyaar u tahay inay isaga tagaan siyaasadda Qaza. Qorshaha xabbad-joojinta ee Trump, oo uu taageeray, ayaa ku baaqayaa "dowlad kumeel gaar ah oo ka kooban khuburo iyo guddi Falastiini ah oo aan siyaasad ku lug lahayn."
Laakiin xitaa haddii kooxda diyaar u tahay inay isaga tagaan doorka siyaasadeed—Weli dad badan oo Falastiiniyiin iyo Israa'iili ah ayaa ka labalabeynayaa ku qancinta dagaalyahankeeda inay hubkooda dhigaan.













