Saxafi isu rogay dagaalyahan: Sidee Casiis Azzam ku noqday Af-hayeenka Daacish

...

Xigashada Sawirka, PTV

Toddoba bilood kaddib markii la qabtay, hore siday sheegtay Qaramada Midoobay, haddana xukuumadda Islamabad ay qirtay in ciidamada Pakistan ay qabteen Suldaan Casiis Azzam, oo ahaa shaqsi caan ah oo ka tirsan laanta "Daacishta Khuraasaan". Qabashadiisaa ka hor marar badan ayuu magaciisu warbaahintu aad wax uga qortay.

Qaybta baaritaanka xaqiiqooyinka ee BBC Afghanistan ayaa dib-u-eegis ku samaysay halka uu ka bilowday noloshiisa ciidannimo.

Azzam oo 47 jir ah ayaa ku dhashay degmada Bati Kot ee gobolka Nangarhar, bariga Afgaanistaan. Wuxuu ka bartay kulliyadda shareecada Jaamacadda Nangarhar, balse si ka duwan xirfaddiisii, wuxuu u leexday saxaafadda.

Wuxuu tababar saxaafadeed oo muddo gaaban ah ku qaatay magaalada Jalalabad, wuxuuna si degdeg ah uga noqday cod la yaqaan idaacado FM oo maxalli ah, isagoo habeenkii dhexe akhriyi jiray sheekooyin dhaadheer. Wuxuu akhriyi jiray sheekooyinka caanka ah ee Naseem Xijaazi, kuwaas oo inta badan ka hadla dagaallo.

Laba wariye oo deegaanka ah oo si dhow u yaqaanay ayaa BBC u sheegay: "Azzam wuxuu ahaa qof deggan, gadh gaaban buu lahaa, timahana dhinac buu u jeedin jiray. Wuxuu la fariisan jiray kulamada wariyeyaasha, dabeecad bulshaawinimo ayuu lahaa, marar badanna wuu kaftami jiray."

Azzam

Xigashada Sawirka, X

Qoraalka sawirka, Suldaan Casiis Azzam

Sannadkii 2015, saaxiibbadiisii hore ayaa aad u yaabay markii codka Azzam laga maqlay hirarka idaacadda Codka Khilaafada. Idaacaddani waxay ahayd idaacad FM ah oo lala xidhiidhiyo Daacish, lagana dheggaysan jiray dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Nangarhar.

Isla Azzam-kii hore idaacadda uga akhriyi jiray sheekooyin mala-awaal ah iyo gabayo ayaa hadda dad ugu hanjabaya dil, isagoo ka hadlaya istuudiyo aan la garanayn oo Codka Khilaafada ah. Wuxuu sannado badan ku noolaa magaalada dadka ku badan yihiin ee Jalalabad, wuxuuna yaqaanay lambarrada taleefannada iyo cinwaannada masuuliyiin badan oo dowladeed iyo shaqsiyaad caan ah.

Qaar ka mid ah saaxiibbadiisii xilligii saxaafadda ee Jalalabad ayaa BBC u sheegay inay beddeleen lambarradooda taleefan, maadaama uu mararka qaarkood soo wici jiray. Waxay sheegeen inay doonayeen inay ilaaliyaan saaxiibbadood, balse ay ka baqayeen isaga iyo dowladda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah suxufiyiinta Nangarhar ayaa sidoo kale sheegay inuu u diri jiray warar iyo macluumaad la xidhiidha hawlihiisa.

Wariye magaciisa qarinaya ayaa BBC u sheegay in xilliyada uu tabinayay wararka la xiriira Daacish uu mararka qaarkood ka heli jiray wicitaanno hanjabaad ah oo uga imanayay Azzam.

Saaxiibbadiisii hore ayaa BBC u sheegay in markii ay dowladdii hore ee Afgaanistaan iyo, meelo ka mid ah, Taliban ay sameeyeen hawlgallo ballaaran oo ka dhacay degmooyinka Achin, Nazyan, Bati Kot, iyo Pachir Agam ee Nangarhar, idaacadda Codka Khilaafada ay noqotay mid gebi ahaanba aamusan.

27-kii Diseembar 2018, ciidamada NATO ee ku sugnaa Afgaanistaan ayaa sheegay inay dileen Suldaan Casiis Azzam 25-kii Diseembar, gobolka bariga Afgaanistaan ee Nangarhar. Bayaan ka soo baxay NATO ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday duqayn cirka ah oo ka dhacday degmada Pachir Agam.

Tani waxay dhacday xilli kooxdaasi ka hawlgalaysay meelo badan oo ka tirsan Nangarhar. Hal sano ka hor bayaanka NATO, bishii Abriil 2017, Maraykanka ayaa ku riday degmada Achin ee Nangarhar bamkii ugu weynaa ee aan nukliyeer ahayn, oo loo yaqaan "Hooyada Bambooyinka", kaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Daacish ku lahayd Dooxada Mamand.

Laba sano iyo bar kaddib markii la faafiyay warka geeridiisa, Azzam mar kale ayuu soo muuqday.

26-kii Agoosto 2021, Azzam ayaa, isagoo ku hadlaya magaca laanta Dawladda Islaamiga ah ee Khuraasaan, qirtay mas'uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 170 bulsho reer Afgaanistaan ah iyo 13 askari oo Maraykan ah, halka 150 kale ay ku dhaawacmeen.

Isla sannadkaas, waxaa magaciisa lagu daabacay buug cinwaankiisu yahay "Jidka Pechomo", kaas oo uu ku faahfaahiyay qaab-dhismeedka kooxdiisa iyo hawlaheeda ka socda gobolka.

Qaramada Midoobay ayaa bishii Abriil 2023 ku dartay Suldaan Casiis Azzam liiska argagixisada caalamiga ah.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay: "Azzam, isagoo ahaa afhayeenka Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khuraasaan, wuxuu door muhiim ah ka qaatay faafinta fikir jihaadi ah oo rabshado wata, ammaanidda falalka argagixiso, iyo u cudur-daaridda."

Iyadoo lagu salaynayo waayo-aragnimadiisii hore ee saxaafinimo ee Afgaanistaan, kaalintiisii afhayeenimo ayaa sababtay in caannimada iyo saameynta kooxda ay ku yeelato taageerayaasheeda ay korodho.

"Hadaladiisa badan iyo hawlihiisa dacaayadeed ee kala duwan ayaa dhiirrigeliyay dad badan inay ku biiraan iyo inay fuliyaan weerarro argagixiso oo dan u ah kooxda."

Laba falanqeeye oo dabagala hawlaha laanta Khuraasaan ee Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegay in uu sidoo kale hoggaamin jiray shabakad warbaahineed oo la oran jiray "Mu'asasada Al-Azaim", taas oo mas'uul ka ahayd hawlaha warbaahinta iyo dacaayadda ee Daacish Khuraasaan.

Al-Azaim waxay wax ku daabici jirtay luqadaha Faarisiga, Baashto, Uzbik, iyo xitaa Tajiik.

Inta badan joornaallada iyo farriimaha Daacish Khuraasaan waxay ku shaqeeyaan barnaamijka Telegram iyo bar-shabakaddii hore ee Twitter, oo hadda loo yaqaan X, iyagoo adeegsanaya magacyo been ah.