Madaxweynaha doonaya inuu daboolo kharashka dadka bidaarta leh

Kuuriyada Koofureed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed wuxuu bilaabay barnaamij uu ku caawinayo muwaadiniinta bidaarta leh ee dalkaasi.

Go'aankan sidoo kale wuxuu soo jeedinayaa in caymiska caafimaadka qaranku uu dabooli karo kharashka daaweynta timaha iyo dadka tima la'aana ah ama Bidaalayaasha.

Madaxweynaha Lee Jae-myung wuxuu fikradda u soo bandhigay mas'uuliyiinta toddobaadkii hore. Wuxuu ku dooday in daaweynta dadka timaha lumiya, oo mar loo arkayay daaweynta is qurxinta hadda loo arko "arrin badbaado ah."

Caymiska caafimaadka qaranka ee Kuuriyada Koonfureed wuxuu dabooli doonaa kharashka dadka timaha lumiya ee caafimaad ahaan la sameeyo. Ma dabooli doono dadka qaba timaha lumiya ee hidde-sideed ah oo aan khatar ku ahayn nolosha, ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Jeong Eun-kyung kulankii Talaadada.

Hadallada Madaxweynaha ayaa helay amaan ballaaran oo ka yimid ddaka adeegsada baraha bulshada, iyadoo mid ka mid ah uu ku tilmaamay "Madaxweynaha ugu wanaagsan taariikhda."

Qaarkood, oo ay ku jiraan kuwa ka faa'iidaysta daaweynta dadka tima la'aanta ee la taageero, waxay u muuqdaan kuwo aan ku qancin fikraddaas.

Tallaabadan "waxay u muuqataa siyaasad cod lagu raadinayo," ayuu yiri Song Ji-hoon, 32 sano jir, oo qaata daawooyinka timaha lagu nafaqeeyo.

"Waxay u muuqataa fikrad wanaagsan oo lagu keydinayo lacag, laakiin sanadkii wax ka yar $200 ayey ku kacaysaa. Marka… ma sidaas baa muhiim u ah?" ayuu ku daray.

Kuuriyada Koonfureed, oo caan ku ah heerarka adag ee is qurxinta, dadka timuhu ka buubeen waa dal ay faquuq la kulman dadka bidaarta leh , gaar ahaan dhallinyarada.

Dadka bidaarta leh qaarkood

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bukaannada 240,000 ee dalka booqday isbitaalada sanadkii la soo dhaafay sababo la xiriira timaha oo ka buubay, 40 boqolkiiba waxay ahaayeen da'doodu 20 ama 30, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

"Inaan sda aan rabo timahayga u qaabeeyo runtii waxay dhaawacday kalsoonidayda, sababtoo ah waxay iga dhigtaa inaan dareemo in aan soo jiidasho lahayn."

Wuxuu muujiyey mahadnaqgiisa ku aaddan tixgelinta taageerada daaweynta ddaka timaha ay ka buubeen, isagoo sharaxay in "Sanduuqa Caymiska Caafimaadku uu wajahayo caqabado oo uu dhaqaale ahaan dhibaato ka jirto."

Madaxweynaha Lee ayaa sheegay in mas'uuliyiintu laga yaabo inay soo rogaan xaddidaadyo si loo yareeyo culayska kharashka daaweynta dadka bidaarta leh.

Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceeyayaal qaar waxay ku doodayaan in fiiro gaar ah la siiyo ka caawinta qaybaha ugu nugul bulshada.

Ururka Caafimaadka Kuuriyada ayaa Arbacadii ku sheegay bayaan in dowladda ay mudnaanta siiso cudurrada halista ah halkii laga fiirin lahaa dadka bidaarta qaba.

Qar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda ay wax ka qabato dhibaatooyinka bulshada ee waaweyn sida heerka sare ee isdilka iyo takoorka haweenka ee Kuuriyada Koonfureed.

Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceeyayaal ayaa ku eedeeyay Lee inuu arrintan u isticmaalayo inuu soo jiito codbixiyayaasha ragga da'da yar, kuwaas oo intooda badan taageersanaa siyaasadaha lidka u ah dumarka.

Lee ayaa ku guuldareystay doorashadii 2022. Wuxuu mar kale u tartamay sanadkan wuxuuna ku guuleystay. Fikraddiisa ku saabsan daaweynta dadka timiyaywaxay ka timid ololihii hore ee doorashada.

Tan iyo markii uu madaxweyne noqday, Lee wuxuu diiradda saaray dhalinyarada dalka. Inta badan dhalinyarada dalka waxay wajahaan tartan daran iyo xaalad dhaqaale oo liidata.

Lee wuxuu sidoo kale soo jeediyay in daawooyinka cayilka lagu daro barnaamijka caymiska caafimaadka qaranka. Dhalinyaradu waxay dareemayaan "inay ka sii reeban yihiin" barnaamijka sababtoo ah faa'iidooyinka looma habeeyn baahiyahooda.