Maxay dhallinyarada timahooda u caddaadan iyagoo da' gaarin?

Tamara cadaada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ashley Skuru waxay ogaatay in ay cirro leedahay markii ay jirtay 14 sano oo ay dhiganeysay dugsiga sare. Saaxiibteed ayaa tustay in timo cad ay leedahay. Markaas wixii ka dambeeyay waxaa is baddelay dareenkeeda muuqaal.

"Islamarkiiba waxaan ku dhahay maya, cirro ma lihi, waxaan jiraa 14 sano" intaas ayaan xusuustaa ayey tiri Ashley.

"Guriga ayaan imid waqtiga qadada, anigoo shanleysanaya ayaa ogaaday in cirro badan aan leeyahay. Ceeb ayaan dareemay".

Ashley oo timaha midab marisa waxay u dhalatay Canada, waxayna hadda jirtaa 28 sano. Waxay sheegtay hadii aad cirreysato in aadan la mid aheyn dadka kale, waxaan isku dayaa ayey tiri in aan qariyo.

Timuhu ma waxay cadaadaan ka hor waqtigooda?

Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in hiddo-sidaha uu qeyb ka qaato goorta timuhu na cadaanayaan. Ahsley hooyadeed waxay timuhu cadaadeen markii ay iyadana jirtay 14 sano halka ayeeydeedna ay timuhu cirreysteen markii ay jirtay 17 sano.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ay kordheyso tirada dadka jira 20-ka ama 30-ka ee ka walaacsan in ay cirro gasho timahooda iyagoon da' gaarin.

Dadka maariinka ah ee ku nool nolol caafimaad leh waxay cirrada ku bilaabataa marka ay jiraan 35 sano. Dadka ka soo jeeda Afrika iyo Asia waxay timuhu cadaadaan iyagana 10 sano kaddib da'adaas.

Cirrada timaada ka hor da'ada waxaa lagu tilmaamaa mid soo hormartay. Wayna kala duwan yihiin dadka. Afrikaanka waxay ku bilaabataa marka ay jiraan 30 sano halka Asia dadka ka soo jeedana ay ku bilaabto marka ay jiraan 20 sano.

14 sano markii ay jirtay ayey cirro isku aragtay

Xigashada Sawirka, ASHLEY SUKRU

Maxay timuhu u cadaadaan?

Timaha cusub waxay ka soo baxaan daldaloolo yaryar oo maqaarka ku yaal, waxaa ku jiro unugyo leh timo oo loo yaqaan Melanositik.

Melanositik waxa uu soo saaraa labo wax oo kala ah mid go'aamiya madowga timaha iyo mid kale oo go'aamiya in timuhu noqonayaan casaan ama jaale. Kuwaas waxay sidoo kale go'aamiyaan midabka indhaha qofka.

Cilmibaaris ay sameeyeen koox baarayaal ah oo ka tirsan jaamacada New York oo la xiriirta habka uu u koro unuga ayaa lagu ogaaday in marka timuhu koraanba in tiro badan oo unugyada loo yaqaan Melanostik ah ay howlahooda gaabis noqdaan.

Unugyadan waxay ku kala firirsan yihin godadka yar yar ee maqaarka, waxaan hakad gala koriimadooda iyagoo kaddibna ku guuldareysta in ay si buuxda u nuqdaan unugga Melanostik. Hadii aan la soo saarin waxa go'aamiya midabka timaha markaas ayey timuhu cadaadaan.

Nafaqadarrada ma keeni kartaa in timuhu cirroobaan?

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacado ku yaal Mareykanka iyo Brazil ayaa ogaaday in unugyada go'aamiya midabka timaha iyo maqaarka ay waxyeelo soo gaarto xilliga qofka uu dareemo cadaadis maskaxeed oo daran.

Khubarado waxay sheegeen in cirradu tahay astaan muujineyso nafaqoadarro ama wax jirka ku yar. Fitamiinada D iyo B 12 marka ay jirkaaga ku yaraadaan iyo sidoo kale Zinkiga waxaa la sheegaa in timuhu cadaadaan.

Fitamiinka B12 ayaa sidoo kale qeyb ka qaato in uu soo saaro dhiigga cas oo caafimaad qaba kaas oo u qaada ogsajiinka jirka.

Si kasta ha ahaatee khubaradu waxay ka digeen hadii aad badsato fitamiinada C iyo zinkiga in ay taasi keeneyso in jirku ku yaraado Kobarka aan ka helno cuntada.

MARIA MARLOWE

Xigashada Sawirka, MARIA MARLOWE

Hadii aan si sax ah laysugu dheelitirin fitamiinada waxay baabi'ineysaa kobarka ayey sheegtay Maria Merlow oo intaas ku dartay hadii la qaato kuuro badan oo fitamiinada C iyo birta ah in ay sidoo kale yareyneyso kobarka.

Cunto dheelitiran ma lagu joojin karaa cirrada?

Cilmibaaris ay sameeysay jaamacada Columbia ayaa lagu ogoaaday marka istareesku yaraado in timo cusub ay dib u soo baxaan iyagoo leh midabkooda dabiiciga.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen timaha nafaqadarro dartood u cadaada in dib loo soo celin karo midabkoodii hore.

Khubaradu waxay sidoo kale sheegeen in aysan jirin daawo sax ah oo wax ka qaban karta cirrada.

Cabista sigaarka, istareeska, cabista alkolka iyo meel ciriiri ah oo lagu noolaado in ay intaas keenayaan in timuhu dhaawacmaan.

Tamaha ciirrada leh adigoo dayar

Xigashada Sawirka, ASHLEY SUKUR

Ashley markii ay badashay cuntadeeda waxba kama baddelin hiddo-sidaheeda balse dareenkeeda timaha waxay qeyb ka noqdeen nolosheeda. Hadda waxay sameysay bog internetka oo isku xira dadka kaas oo ka wacyigeliya dadka aragtida ay ka qabaan dhallinyarada iyo quruxda waxa ay tahay.

"Marka aan bilaabay in aan wax soo dhigo TikTok iyo Instagram ayaan la kulmay haween badan oo oo aan isku da'nahay kuwaas oo cirreystay" ayey tiri Ashley oo intaas ku dartay in ay rajeneyso in ay ku dhiirogeliso haween badan sidii ay ku soo bandhigi lahaayeen cirradoodu.