UK oo u sheegtay muwaadiniinteeda go'aan ku saabsan E-Visaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, social
Dowladda UK ayaa sheegtay dadka haysta dhalashada dalkeeda marka ay u safrayaan Soomaaliya in ay haystaan E-visaha. Dadka ayaa loo sheegay in ay qasab tahay in ay haystaan dalku galka elektaronikada ah marka ay u safryaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay UK sheegtay in looga baahan yahay dal ku gal dadka aadaya magaalada Hargeysa.
"Waxaa lagu weydiin karaa in aad haysato dal ku gal xitaa hadDii aad Hargeysa u safreyso si aad diyaarada u raacdo, marka aad tagto Hargeyso fiisahaas looma tixgelinayo mid sax ah".
Marka aad Hargeysa gaarto waxaad iibsaneysaa Fiiso aad ku gasho Hargeysa kaas oo ku ego muddo bil ah.
Arrintan ayaa u muuqata in qof kasta ee ka baxaya UK ee tagaya meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya in looga baahan yahay Fiiso xitaa hadii uu qofka u safrayo Somaliland.
Somaliland lagama aqoonsano E-visaha ay soo saartay dowladda federaalka. Wasiirka Duulista, Fu'aad Axmed Nuux, waxa uu BBC-da u sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Soomaaliya, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba.
Hay'adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sheegtay in ay amar ka soo saartay E-visaha kaas oo dhigaya in aan lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana la la diidi doono in ay Somaliland soo galaan, waxeyna ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunku ku leedahay, markaa E-visa kama shaqaynayo Somaliland" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay la wadaageen amarka shirkaddaha diyaaraddaha, safaaraddaha iyo dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofayaa.
Nidaamka E-vsaha ayey dowlada federalka Soomaaliya dhaqangelisay kowdii bishii Sabtambar ee sanadkan taas oo ku qasbeysay qofkasta oo dalka galaya in uu soo dalbado fiiso ka hor inta uusan dalka imaan. Ujeedka loo soo saaray ayey dowladda ku sheegtay in ay tahay mid lagu casriyeynayo habka dalka lagu soo galo.

Xigashada Sawirka, WASAARADDA DUULISTA HAWADA IYO JSL
Caqadabadaha ka dhasay nidaamka E-visaha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaddib markii la dhaqangeliyay nidaamka E-visaha, waxay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland sheegtay in ay qaadeen tallaabooyin qayb ka ah fulinta amarro ay soo saareen oo ay ka mid ahaayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaaraddo aan ogolaansho ka haysan Somaliland.
Dhanka kale, maamulka Puntland waxay u sheegaan dadka imaanaya goboladooda in aysan aqoonsaneyn fiisaha dadka ay ka qaataan internetka ee dowlada dhexe soo saartay.
Safar ay ku tagtay Puntland Fardawsa Hanshi oo ka tirsan BBC ayaa loo sheegay in ay bixiso lacag kale oo ah lixdan doolar si loo siiyo dal-ku-gal.
Fardwosa waxay sheegtay in wax walba si hab si leh ugu socdeen intii ay joogtay Muqdisho oo saraakiisha socdaalkan ay ku dhufteen dokumentigeeda dalku galka Soomaaliya.
Markii ay gaartay Puntland ayey arrimuhu isbaddeleen oo loo sheegay in laga doonayo Fiiso.
"Markaan baasaboorkayga u dhiibay saraakiisha socdaalka Puntland, waxay ii sheegeen in fiisaha elektaroonigga ah ee Muqdisho la iigu soo saaray uusan ka shaqayn Puntland".
Fardowsa waxay isku dayday in ay u sharaxdo fiisaha ay haysato iyadoo markaas u arkeysay in ay joogto dalkii ay fiisaha u soo dalabtay, lagana ogolaaday.
"Waxaan u sharraxay in fiisahayga ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu maamulka Puntland qeyb ka yahay, balse saraakiishu waxay ku adkeysteen in aan lacagta dhiibo iyagoo sheegay in Puntland leedahay nidaam socdaal oo u gaar ah isla markaana uusan aqoonsanayn fiisaha dowladda federaalka".
Is-diidooyinkan e-VISA-ha ee maamulka Putland iyo dowladda dhexe ayaa salka ku haya arrimo ay kamid yihiin khilaafka maamulka iyo awood qaybsiga dalka. Inkasta oo dowladda federaalka ay billowday nidaamka e-Visa bishii Sebteembar ee 2025, si ay u casriyeyso xakameynta xuduudaha una fududeyso safarka, haddana Puntland iyo Somaliland labaduba way ka biyo-diideen.
Somaliland iyo Puntland mid kasta wuxuu sheegtaa in uu leeyahay nidaam socdaal oo u gaar ah, iyagoo sheeganaya in ay u madax-bannaan yihiin soo gelitaanka iyo ka bixitaanka garoomadooda diyaaradeed.













