Sidee faaliso reer Australia ah ku lunsatay 46 milyan oo doollar?
Haweenay iyo gabadhdeeda oo midkood ay sheeganaysayay in ay tahay faaliso iyo khabiir ku nooca faalka ee la yidhaahdo Feng Shui ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha khiyaano ku saabsan ku dhawaad $70 milyan ($46m; £35m) oo laga dhacay dadka reer Vietnam ee ku nool Australia.
Haweeynaydan oo 53 jir ah ayaa lagu xidhay xaafadda gaarka ah ee Dover Heights ee Sydney Arbacadii, iyada oo ay la socotay gabadheeda oo 25 jir ah. Booliisku waxay sheegeen in ay qayb weyn ka ahaayeen shabakad ku hawllanaa khiyaano iyo dhaq-dhaqaaqyo lacagaha sharci-darrada ah oo "aad u casri ah".
Waxa la sheegay in ay ku qancisay dhibanayaasheeda inay amaah qaataan, iyada qayb ka mid ah laheyd, iyadoo u sheegtay in ay saadaalisay inay mustaqbalka noqon doonaan "malyuuniyo".
Waxa laga diiday in dammiin lagu sii daayo waxayna maxkamad ka soo muuqan doontaa Khamiista. Gabadha ayaa la siisay dammiin iyadoo maxkamaddeeda dib loogu dhigay bisha January.
Haweenaydaas ayaa wajahaysa 39 dacwadood oo ay ku jiraan hagidda hawlaha koox dambiyeed iyo in ay si khiyaano ah dhaqaale ku samaynaysay.
Gabadha ayaa lagu soo oogay toddobo dacwadood oo ay ka mid yihiin in si aan xilkasnimo lahayn ula macaamishay dadka qaar iyo in ay dhexda ugu jirtay koox-dambiyeed.
Intii lagu guda jiray xadhigeeda aroortii hore oo laga soo qabtay qasriga ku fadhiya malaayiin doollar ayaa ooliisku waxay qabteen dukumentiyo maaliyadeed, taleefanno gacmeed, boorsooyinka xarragada, baar dahab 40 garaam ah oo qiimihiisu yahay $10,000 ($6,500; £5,000) iyo A$6,600 oo ah nooca chips casino.

Xigashada Sawirka, NSW Police
Booliisku waxay sheegeen in haweenyasaasi ay ahayd qof saameyn iyo kalsooni ku leh bulshada ay ka tirsan tahay, iyadoo sheeganaysa in ay tahay faaliso macaamiisheeda u sheegi jirtay saadaalinta waxa maqan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay qofka saadaalin jirtay in hodantinnimo laga yaabo in ay ku soo socoto wakhtiga dhow.
Markii la xidhayay Arbacadii, baadhayaashu waxay sidoo kale xannibeen hanti ku dhow A$15 milyan oo ay ku jiraan A$60 milyan oo hore loo qabtay baadhitaan ballaadhan oo xidhiidha shabakad khiyaano ku dhisan oo la bilaabmay sannadkii hore.
Booliisku waxay bilaabeen hawlgal lagu magacaabo Strike Force Myddleton si ay u baadhaan koox dambiyeed lagu eedeeyay in ay isticmaaleen aqoonsiyo la xaday si ay amaah u qaataan.
"Waxa la bilaabay baadhitaan ku saabsan shabakadaha maalgelinta taas oo markii dambe lau ogaaday in mid ka mid ah shabakadaha dambiyada maaliyadeed ee ugu casrisan ee aan arko intii aan ka shaqeynayey Kooxda Dagalka Dambiyada Maaliyadeed," ayuu yidhi Det Supt Gordon Arbinja, taliyaha kooxdaasi.
Booliisku waxay sheegeen in hawlaha koox-dambiyeedkan ay ka mid yihiin "wax-is-daba marin baaxad leh oo lagu sameeyo lacagaha shaqsiyaadka, ganacsiyada iyo guryaha oo ka dhan ah hay'ado maaliyadeed oo badan."














