Dilal sixir loo adeegsaday oo gilgilay tuulooyin ku yaal Hindiya

Shan qof oo isku qoys ah

Warbixintan waxaa ku jira sharaxaado aad dhibsan karto

Saddex toddobaad kaddib markii la dilay shan qof oo isku qoys ah dalka Hindiya kuwaas oo si arxan-daro ah nolosha loogu gubay, ayaa waxaa soo baxay in loo dilay eedo la xiriira sixir. Kuwa badbaaday weli waxay isku dayayaan in ay fahmaan waxa dhacay.

Manisha Devi oo aan badalnay magaceeda, waxay ka soo jeedaa tuulada Tetgama ee gobolka Bihar, lixdii July waxay aheyd habeenkii ugu xumaa nolosheeda.

Saacadu markii ay aheyd 10-kii habeenimo ayey koox weerar ah yimaadeen bannaanka guriga qof qaraabadeeda ah. Markii la gaaray aroortii shan qof oo uu ku jiro qof 71 jir ah nolol looguma tagin.

Dhacdadaas ma ahan mid hal mar ah. sida laga soo xigtay xafiiska dambiyada dalka, tiro ka badan 2,500 oo haween u badan ayaa la dilay kaddib markii looga shakiyay sixir intii u dhexeysay sanadihii 2000 ilaa iyo 2016-kii.

Dadka ka horjeeda waxay sheegaan in khuraafaadka iyo sixirka uu ku dhex-baahay qabaa'ilada Hindiya ee noloshoodu hooseyso.

Kuwa wax dilay iyo dhibanayaasha waxay ka soo jeedaan qabiilka Oraon, qarniyo ayey wada deganaayeen. Balse wixii dhacay lixdii July waxay keeneen arrin aan degdeg wax looga qaban karin.

Wadooyinka Tetgama waa kuwa maran. Dhammaan dadkii ku noolaa marka laga reebo wiilasha Kato Devi's iyo qoysaskooda waxay qaxeen. Guryaha qaar waa la qufulay halka kuwa kalena ay u muuqdaan in degdeg looga cararay. Boliiska waxay isku dayayaan in ay isku keenaan oo fahmaan wixii dhacay habeenkaas.

Guriga Babulal Oraon
Qoraalka sawirka, Guriga Babulal Oraon
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Manisha Devi waxay sheegtay in ay maqashay sawaxan kaddibna ay aragtay dad badan oo isugu yimid bannaanka guriga Babulal Oraon, waxaa halkaas ku noolaa wiilka ugu weyn qoyska Kato.

Mr Oraon iyo xaaskiisa Sita Devi iyo wiilkooda Manjit iyo gabadha wiilkooda u qabay Rani Devi ayaa ka mid ahaa dadka la dilay. Wiilka qoyska ugu yaraa oo dhowr iyo toban jir ahaa ayaa ka badbaaday.

Booliska waxay sheegeen in qofka aadka loo tuhmayo uu yahay Ramdev Oraon, ayna raadinayaan. Waxay sheegeen in wiilka Ramdev uu geeriyooday 10 maalmood ka hor kaddib markii uu xanuunsaday balse wuxuu ku eedeeyay Kato Devi iyo qoyskeeda ay sixir ku dileen. Ma cada waxa ay taas ku saleysneyd.

Habeenkii dilka uu dhacay waxaa la sheegay in Ramdev uu ina adeerkii oo aad u xanuunsanayay uu keenay guriga dhibanaha.

Manisha Devi waxay sheegtay in ay aragtay wiilka dhowr iyo toban jirka ah oo dhulka yaal iyadoo qof dadka sixirka ka saara uu wax u dul aqrinayay.

Goobjooge kale oo qaraabada ah ayaa ku eedeeyay kuwa dadka dilay in Kato uu weydiiyay sababta balse ay sii caroodeen.

Rani Devi

Wiilka dhowr iyo toban jirka ah ayaa markii dambe u sheegay booliska sidii uu ku soo baxsaday isagoo sheegay in uu mugdi isku qariyay, uuna halkaas ka daawanayay qoyskiisa oo la gubayo. Cabashada loo gudbiyay booliska waxaa lagu sheegay 23 rag iyo dumar isugu jira.

"Kooxda waxay wateen, xargo, ulo iyo hub kale oo af leh. Shanta qof ee la dilay way isku xireen kaddibna way jiideen, intii ay sii wadeen way aflagaadeynayeen".

Dhibanayaasha way noolaayeen markii lagu shubay batrool kaddibna dab la qabadsiiyay. Meydkooda waxaa lagu riday jawaano kaddibna waxaa lagu qaaday gaari.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa u sheegay wariyayaasha maalintii xigtay in dhibanayaasha nolol lagu gubay.

"Warbixinta waxay cadeyneysaa in la jirdilay, lana gubay balse ma cadeyneyso waxa sababay geerida hadii ay ahaan laheyd gubista ama wax dhacay ka hor intaan la gubin".

Balse waxa laga naxay ayaa ah in rabsho socotay habeenkii oo dhan ay ka dhacday meel aan ka fogeyn saldhigga booliska Mufassil kaas oo u jiray 7 kiilomigtir.

Mr. Kumar waxa uu sheegay in booliska ay maqleen dhacada 11 saac kaddib, waxayna qireen in qalad uu dhacay.

Dhacadaas kaddib taliyihii mas'uulka ka ahaa howsha waxaa laga joojiyay shaqada. Sarkaalka lagu badelay Sudin Ram waxa uu BBC-da u sheegay in la soo xiray qofka sixirka dadka ka daweeya.

BBC-da uma suuragelin in ay la hadasho ninka sixirka dadka ka daaweeya kaas oo hadda xiran ama Ramdev oo aan la ogeyn meel uu jiro. Wiilka badbaaday waxaa lagu hayaa meel ammaan ah.

Walaalihiis oo shaqo ku maqnaa markii uu falka dhacayay waxaa la siiyay taageero iyo cunto bilaash ah.

Koox gaar ah ayaa loo xilsaaray in ay baaraan dilalka la xiriira arrimaha khuraafaadka ayuu sheegay Mr. Kumar.

Madaxda waxay kaloo sheegeen in tani ay tahay markii ugu horeysay ay dhacaan wax sidan oo kale ah.

Mira Devi oo arrimaha bulshada ka shaqeysa waxay sheegtay in dadka ku nool tuulooyinka aysan helin aqoon fiican sidaasna ay ku aaminaan kuwa sixirka sheega in ay dadka ka saaraan halkii ay ka aamini lahaayeen dhakhaatiirta.

Goobta dilka ka dhacay

Tetgama waa tuulo yar oo ay deggan yihiin dad reer miyi ah oo 11 kiilomitir u jirta magaalada Purnea.

Aqalkii yaraa ee uu ku noolaa Babulal Oraon, wax walba sidii hore ayuu halkii ugu dhisan yahay. Halkii ay Manjit iyo xaaskiisa ku noolaayeen weli waa sideedi.

Bannaanka aqalka waxaa murugo la fadhisa Manisha Devi oo weli ka naxsan dilka arxan darada ah ee ay goobjooga u aheyd.

Nin ayaa yiri, "Halkaas ayaan istaagnay, ma caawin karin, waan daawanay dhibanayaasha oo isku dayaya in ay badbaadaan. Weli xusuustaas xun igama bixin."