Aragti gaar ah: Maxaa kala socotaan markii ay midoobeen Hinduuga iyo Muslimiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqol sano ka hor, gumaystihii Bombay (oo hadda loo yaqaan Mumbai) waxay goob joog ka noqdeen mid ka mid ah colaadihii ugu yaabka badnaa ee soo maray taariikhda Hindiya halkaas oo dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta ay u midoobeen la dagaalanka kooxaha kale oo ka soo horjeeday.
Taariikhyahan Dinyar Patel, oo wax ka qoray cashar ay Hindiya ka baratay maalintaas oo ka mid ah dhacdooyinka macnahaha ee dalkaas.
Rabshadihii 1921-kii, oo loo yaqaanay Rabshadahii Boqorkii Wales, hadda waxa ay tahay dhacdo la illoobay oo ka dhacday Mumbai.
Laakin wakhtiyadan qalalaasaha badan, waxa ay bixinaysaa duruus muhiim ah oo ku saabsan xagjirnimada diinta iyo nidaamka ay jaangooyaan dadka intooda badan.
Halyeyada lagu xuso dhacdadan waa geesiyaashii xornimada Hindiya, waxaana xilligaa mideeyey iska dhicinta kooxo doonayey xukun iyo weynaynta diin kale.
Dhacdooyinkaas rabshada ah waxaa huriyay dad kala fikrado duwan sida oo kalena kala hadafyo kale lahaa.
Bishii Noofambar 1921, Boqorkii Wales, ka dib Boqor Edward VIII, ayaa bilaabatay safar boqortooyo kaas oo gaaray Boqortooyadii Hindiya.
Hindiya waxay xilligaas ku jirtay hordhaca dhaq-dhaqaaq iskaashi ee Mahatma Gandhi, kaas oo ahaa khatarta ugu weyn ee gumaystihii Ingiriiska, tan iyo kacdoonkii 1857.
Isagoo watay calanka "Midnimada Hindu-Muslimiinta", Gandhi wuxuu ku biiray xoogagga la odhan jiray Khilaafada, oo ay hoggaaminayeen Muslimiinta Hindiya.
Waxay ka walaacsanaayeen in ka dib jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ka soo gaadhay dagaalkii koowaad ee aduunka, in Great Britain ay meesha ka saarayso suldaankoodii, oo ay u arkayeen inuu ahaa khaliifkii sharciga ahaa ee Islaamka.
Iyaga oo ku jiray xilli cajiib ah oo walaaltinimo wadaag ahayd oo dhexdooda taalay, haddana midnimada Hinduga iyo Muslimiinta waxay kor u qaadday oo cabsi ku abuurtay israacii aqlabiyadda ahaa ee kooxihii tirada yaraa sida: Masiixiyiinta, Sikhs, Parsis iyo Yuhuudda.


Gandhi ayaa sheegay in aysan jirin wax ay ka cabsadaan. "Mawqifka Hindu-Muslimka macnaheedu maahan in bulshooyinka waaweyn ay xukumaan bulshooyinka yaryar," ayuu ku dhawaaqay.
Dhankiisa, Amiirka Wales, wuxuu si aan rajo lahayn u filayay in booqashadiisa ay kiciso dareenka daacadda ah ee uu ka saaro meesha dhaqdhaqaaqii Gandhi.
Iyaga oo ka jawaabaya, Congress-ka, Qaranka Hindiya waxa uu go'aansaday in uu amiirka ku soo dhaweeyo Bombay si adag iyaga oo malintaa sameeyey shaqo-joojin, sidoo kale dab qabadsiiyey maryihii ay sameeyeen shisheeyaha, oo astaan u ahaa imbaraadooriyadda dhaqaale ee Britain.
Subaxnimadii 17-kii Noofambar 1921, tiro aad u badan oo ka mid ahaa dadka degganaa Bombay ayaa diiday shaqo joojintaas, waxayna ka qaybgaleen soo dhoweynta imaanshaha amiirka. Qaar badan oo ka mid ahaa dadkaas wanaagga ka filayey waxay ahaayeen Parsis, Yuhuud iyo Anglo-Indian.
In kastoo Gandhi uu dardaarankiisii ahaa inuu ahaado mid aan rabshad lahayn, Kongareeska iyo mutadawiciinta kooxda khilaafada ayaa si cadho leh uga falceliyay. Homai Vyarawalla, oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee sawir qaade ah ee Hindiya, ayaa goobjoog u ahayd dhacdooyinkan.
Markii aan wareystay 2008dii, waxay dib u soo xasuusatay gabdhihii iskuulka Parsis ee ciyaarayey ciyaarta garbis - oo ah ciyaar dhaqameed - si ay u soo dhaweeyaan amiirkii Wales. Laakin maalmihii xigay, Vyarawalla waxa ay la kulantay dagaalo ka dhacay wadooyinka Bombay.
Rabshadaha waxay u isticmaaleen dhalooyinka soodhaha sidii madfac dilaa ah. Waxayna beegsadeen bakhaaro khamriga lagu iibiyo oo dadka Parsis ay lahaayeen, iyaga oo ku tuuray dhagxaan kuna hanjabay in ay gubi doonaan.


Markii ay rabshadaha ruxeen Bombay, Hinduuga iyo Muslimiinta ka dambeeyay rabshadahaas ayaa si gaar ah u bar tilmaameedsaday dukaamada khamriga oo calaamad u ahaa awoodda dhaqaale ee Parsis iyo iska caabintooda siyaasadda waddaniga ah.
Waxay ku hanjabeen inay gubi doonaan hal dhismo oo ay degganayeen dadka qaar ee Parsi oo bakhaar khamriga ahina ay ku yaalleen dabaqa hoose, iyaga oo ka tanaasulay kaliya markii mulkiilaha bakhaarka debedda ku soo daadiyey khamrigii yaallay.
Gandhi wuxuu si degdeg ah uga falceliyay rabshadaha, isaga oo isu keenay hoggaamiyayaashii bulshooyinka kala duwan, si ay nabadda u soo celiyaan.
19kii Noofambar, wuxuu bilaabay cunto-joojintiisii ugu horreysay abid ee ka dhanka ahayd rabshadaha diimeed, isaga oo wacad ku maray in uu ka fogaanayo cuntada iyo cabitaanka illaa ay rabshadaha yaraanayaan.
Xeeladihiisa ayaa shaqeeyay: 22 Noofambar, Gandhi waxa uu gaadhay heer uu cuntadii soo celiyo, iyada oo ay ku hareeraysanaayeem Hindi bulshooyin kala duwan aha iyo sidoo kale kala aamminsan fikirro siyaasadeed.
Haddaba, sida Bombay ay uga soo kabsato iskahorimaadkaas, Gandhi waxa uu ka shaqeeyay si uu u soo ceshado kalsoonida dadkan laga tirada badan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaana ugu cajiibsanaa waxyaahilihii u sameeyey, Gandhi in uu beddlay halkudhiggii midnimada ee Hindu-Muslim, mid cusub oo ah : "Midnimada Hindu-Muslim-Sikh-Parsi-Christian-Juud".
Waxay ahayd odhaah aan caqli-gal ahayn, laakiin waxay qabatay shaqo culus, oo ka caawisay qancinta dadka laga tirada badan yahay in ay boos ka heli doonaan Hindiya madax-bannaan.
Ugu yaraan 58 qof ayaa ku dhintay rabshadahaas, halka in badan oo ka mid ah goobahaa khamriga lagu cabbo ee Bombay la weeraray.
Dhanka Amiirkii Wales, rabshadaha waxay calaamad u noqdeen booqashadiisa iyada oo ahayd bilow xun. Taas oo keentay in meelo kale oo Hindiya ah, lagu soo dhaweeyo weerarro ama sidoo kalena loogu hanjabo dil.
Laakin diblumaasiyadda Gandhi ee adkeyd ayaa sababta in hadda la iloobay rabshadashaas. Waxa uu meesha ka saaray sarrayntii aqlabiyadda, isaga oo hubinaya in rabshadaha aanay si joogto ah nabar ugu noqon Bombay.
Taa oo ka dhigaysay in dhacdad ay ku sugan tahay cashar maanta wax laga baran karo.

Xigashada Sawirka, Central Press/Getty Images
Waxaa jira cashar kale oo ku aaddan in markatsa oo ay taliso inta badan in aanay sii waarin
Waxaa laga yaabaa in taasi tahay sababta Gandhi uu aad isugu deyey in uu taas meesha ka saaro beddelkeedana uu adkeeyay dulqaadka isaga xitaa kuwa ugu yar ee laga tirada badan yahay faraya hawshaas.
Boqol sano ka hor, wuxuu soo saaray digniin degdeg ah: haddii aqlabiyadda maanta u midoobaan inay dadka kale dulmiyaan, markaa "berrito midnimadasi waxaa jabinaya dad dano kale hagaya, sida hanti ama dan kale ama diin been abuur ah", oo uu ka waday mar aad uun baad kala jabi doontaana gaar ha u bixina.














