Maraykanka oo hakiyay bakhtiya nasiibkii lagu iman jiray dalkiisa

Xigashada Sawirka, usembassy
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyey Barnaamijka Bakhtiyaanasiibka Kaarka Cagaaran ee Maraykanka (DV), kaddib dilka laba qof oo ku dhintay toogasho wadareed ka dhacday Jaamacadda Brown toddobaadkii hore.
Nin u dhashay dalka Boortaqiiska oo lagu tuhunsan yahay inuu fuliyay weerarka, kaas oo la helay isagoo meyd ah Khamiistii, ayaa dalka soo galay kaddib markii uu ku guuleystay bakhtiyaanasiibka DV-ga Yurub ee sanadkii 2017, waxaana la siiyay kaarka cagaaran.
Xoghayaha Amniga Gudaha, Christie Noam, ayaa sheegtay in barnaamijka fiisaha si ku-meel-gaadh ah loo hakiyey, iyadoo la raacayo amarka Trump ee ahaa in la "hubiyo inaysan jirin dad Mareykan ah oo kale oo waxyeello ka soo gaadho barnaamijkan masiibada ah."
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in eedeysanaha, Claudio Neves Valente oo 48 jir ah, uu sidoo kale dilay borofisar ka tirsanaa Machadka Teknolojiyadda Massachusetts (MIT) oo la odhan jiray Nuno F Gomes Loureiro horraantii toddobaadkan.
Barnaamijka Bakhtiyaanasiibka DV-ga ayaa sanad walba bixiya 50,000 fiiso muwaadiniinta dalalka aan helin tiro ku filan oo tahriib ah oo u soo hayaamay Mareykanka. Tani waxay sidoo kale albaab u furtaa helitaanka dhalashada Mareykanka.
Noam ayaa baraha bulshada ku sheegtay in Trump horey "ula dagaallamay" soo afjaridda barnaamijkan kaddib markii siddeed qof lagu dilay weerar gaari xamuul ah oo ka dhacay magaalada New York.
Noam waxay sidoo kale sheegtay in Sayfullo Saipov, oo u dhashay Uzbekistan, taageerana u ahaa Daacish, kuna xukuman xabsi daa'in weerarro uu geystay, uu Mareykanka ku soo galay barnaamijka DV1.
Madaxa barnaamijka ayaa ku dhawaaqay hakinta saacado yar kaddib markii Neves Valente, oo lagu eedeeyay toogashadii Jaamacadda Brown, lagu helay isagoo meyd ah bakhaar ku yaalla Salem, New Hampshire. Boolisku waxay sheegeen inay heleen magaca tuhmanaha kaddib markii ay baadhayaal u direen shirkad kiraysa baabuurta, iyagoo adeegsanaya muuqaallo kaamirooyin amni iyo xog ay dadweynuhu soo direen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Booliska oo ninka raadinayay lix maalmood ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in qofkii la doonayay uu ku sugnaa goobtan.
Boorso safar iyo laba qori ayaa laga helay agagaarka meydka tuhmanaha.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Rhode Island, Peter Nerona, ayaa sheegay in alaabo laga helay gaadhi u dhow ay la mid ahaayeen caddeymo laga soo ururiyay Jaamacadda Brown.
Madaxweynaha Jaamacadda Brown, Christina Paxson, ayaa sheegtay in Neves Valente uu arday ka ahaa jaamacadda caanka ah, isla markaana uu baranayay sidii uu u qaadan lahaa shahaadada doktoraadka ee fiisigiska.
Waxay intaas ku dartay in uusan "wax xidhiidh ah haba yaraatee la lahayn Jaamacadda Brown."
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Neves Valente uu Isniintii ku toogtay kuna dilay borofisar MIT ka tirsanaa oo 47 jir ahaa, Nuno F. Gomes Loureiro, gurigiisa oo ku yaalla Brooklyn, qiyaastii 80 kiiloomitir u jirta Providence.
Boolisku waxay sheegeen in labada nin ay wax ku soo barteen jaamacad ku taalla dalka Boortaqiiska dabayaaqadii sagaashamaadkii.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in tuhmanuhu dembiga geystay, iyagoo ku saleynaya muuqaallo kaamirooyin amni oo muujinaya gaarigiisa iyo markhaati qof goob-jooge ah oo ka hadlay Jaamacadda Brown.
Isla gaarigan ayaa lagu arkay meel u dhow halka borofisarka lagu dilay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uuliyiintu weli ma shaacin sababta ka dambeysa labada weerar midkoodna.
13-kii Diseembar 2025, nin hubeysan ayaa galay dhismaha injineeriyadda ee Jaamacadda Brown, wuxuuna rasaas furay, isagoo dilay laba arday isla markaana dhaawacay sagaal kale.
Mareykanka ayaa tan iyo 1995-kii oggolaanayay muhaajiriin badan inay dalka soo galaan iyagoo maraya bakhtiyaanasiibka DV-ga, waxaana waqtigii kama dambaysta ahaa ee codsiga DV 2027 uu ahaa mid soo daahay.
Codsadeyaasha sanadkan waxaa lagu waday inay bixiyaan hal doolar, balse weli ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan dib u dhaca ama lacagtaas.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Donald Trump wuxuu qaaday tallaabooyin kala duwan oo lagu dhimayo tirada muhaajiriinta soo galaya Mareykanka.
Waxay sidoo kale ka shaqeynayaan in dib loogu celiyo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn dalalkii ay ka yimaadeen.
Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu dib u eegis ku sameyn doono oggolaanshaha deggenaanshaha iyo shaqada ee muhaajiriinta ka yimid 19 dal, kaddib markii qaxooti Afgaan ah uu toddobaadkii hore ku dilay Washington, D.C., laba askari oo ka tirsanaa Ilaalada Qaranka Mareykanka.
Intaa waxaa dheer, maamulka ayaa qaaday tallaabooyin taxane ah oo lagu xaddidayo tirada muhaajiriinta sharci-darrada ah, iyadoo la hakiyey habraaca magangalyada ee qaxootiga ka imanaya dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Afgaanistaan.












