Mareykanka oo weerar 'ballaaran' ku qaaday Daacishta Suuriya

Diyaaradda dagaalka ciidamada cirka ee F-35

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    • Author, Jaroslav Lukiv

Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu ay "weerar ballaaran" ku qaadeen kooxda Daacish (IS) ee gudaha Suuriya, taasoo jawaab u ah weerar khasaare dhimasho leh dhaliyay oo lala beegsaday ciidamada Mareykanka ee dalkaas ku sugan.

Hoggaanka Gaashaandhigga Mareykanka ee Centcom ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka, helikobtarrada weerarka, iyo madaafiicdu ay "ku garaaceen in ka badan 70 bartilmaameed oo ku yaalla goooo dhowr ah oo ka tirsan bartamaha Suuriya". Diyaarado laga leeyahay dalka Urdun ayaa sidoo kale ka qayb qaatay howlgalka.

Centcom waxay sheegtay in howlgalka "loo adeegsaday in ka badan 100 hubka rarka saxda ah leh", kuwaas oo lala beegsaday kaabayaasha dhaqaale iyo goobaha hubka ee kooxda Daacish.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay "inay si aad u xooggan u weerarayaan" xarumaha Daacish, ka dib weerarkii dhabbagalka ahaa ee ay kooxdu 13-kii December ka fulisay magaalada Palmyra, kaas oo ay ku dhinteen labo askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah oo u dhashay Mareykanka.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, taliska Centcom, oo haga hawlgallada milateri ee Maraykanka ee Yurub, Afrika iyo Indo-Pacific, ayuu ku sheegay in hawlgalka "Hawkeye Strike" la bilaabay 16:00 xilliga Bariga (21:00 GMT) ee maalintii Jimcaha.

Taliyaha Centcom, Admiral Brad Cooper, ayaa sheegay in Maraykanku "uu sii wadi doono baadi-goobka aan kala joogsiga lahayn ee lagu hayo argagixisada doonaysa inay waxyeelleeyaan dadka Maraykanka ah iyo saaxiibbadeenna gobolka oo dhan."

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in hawlgalkani "uusan ahayn billowga dagaal — ee uu yahay ku dhawaaqid aargoosi."

Wuxuu intaas ku daray: "Haddii aad beegsataan dadka Maraykanka ah — meel kasta oo dunida ka mid ah — inta ka dhiman noloshaada gaaban ee cabsida leh waxaad ku qaadan doontaa adigoo og in Maraykanku ku baadi-goobi doono, ku heli doono, si naxariis darro ahna kuu dili doono."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Maanta, waan baadi-goobnay, waana dilnay cadawgeennii. In badan oo iyaga ka mid ah. Waana sii wadi doonnaa," ayuu raaciyay xoghayaha difaaca Maraykanka.

Isaga oo qoraal soo dhigay Truth Social, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku "uu fulinayo aargoosi aad u xooggan, sidii aan ballanqaadayba, oo ka dhan ah argagixisada gacan-ku-dhiiglayaasha ah ee mas'uulka ka ah [weerarkii Palmyra]."

Wuxuu sheegay in dawladda Suuriya ay "si buuxda u taageersan tahay" hawlgalka.

Dhanka kale, hay'adda Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (SOHR) oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahayd agagaarka magaalooyinka Raqqa iyo Deir ez-Zor.

Waxay sheegtay in hoggaamiye caan ah oo ka tirsan Daacish iyo tiro dagaalyahanno ah lagu dilay weerarka.

Kooxda Daacish weli si rasmi ah ugamay hadlin arrintan. BBC-duna uma suuragelin inay isla markiiba xaqiijiso bartilmaameedyada la weeraray.

Centcom ayaa horay u sheegtay in weerarkii dhimashada lahaa ee ka dhacay Palmyra uu fuliyay nin hubaysan oo ka tirsan Daacish, kaas oo "laga hor yimid ka dibna la dilay."

Saddex askari oo kale oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay dhabbagalkaas, iyadoo mas'uul ka tirsan Pentagon-ka uu sheegay inuu weerarku ka dhacay "meel uusan gacanta ku hayn madaxweynaha Suuriya."

Isla markaana, SOHR ayaa sheegtay in ninka weerarka geystay uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Suuriya.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, haybta ninkii hubaysnaana weli lama shaacin.


Mid ka mid ah ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa nidaamka saanadda ku xiray diyaarad dagaal F-15 oo ka qeyb qaadaneysay howlgalka Hawkeye Strike. Sawirka: 19 December 2025

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa nidaamka saanadda ku xiray diyaarad dagaal F-15 oo ka qeyb qaadaneysay howlgalka Hawkeye Strike.

Sannadkii 2019, isbahaysiga uu Maraykanku taageero ee dagaalyahannada Suuriya ayaa ku dhawaaqay in Daacish ay lumisay halkii ugu dambeysay ee dhulkii Suuriya ee ay gacanta ku haysay, laakiin wixii markaas ka dambeeyay kooxda jihaad doonka ah ayaa qaadday weerarro.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxdan ay weli leedahay inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahanno ah oo ku kala sugan Suuriya iyo Ciraaq.

Ciidamada Mareykanka ayaa Suuriya ku sugnaa tan iyo 2015-kii si ay gacan uga geystaan ​​tababaridda ciidamada kale ee qeybta ka ah ololaha ka dhanka ah Daacish.

Suuriya ayaa dhawaan ku biirtay isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaallanka Daacish waxaana ay ballan qaadday in ay la shaqeyn doonto Mareykanka.

Bishii Nofeembar, madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa - hoggaamiyihii hore ee jihaad doonka ah, oo ciidamadiisa isbahaysigu ay afgembiyeen nidaamka Bashaar Al-Asad 2024 - ayaa Trump kula kulmay Aqalka Cad, isaga oo ku tilmaamay booqashadiisa qayb ka mid ah "waa cusub" oo u baryay labada dal.