Madaxweynihii la afgambiyay ee dalka Guinea-Bissau oo u baxsaday dalka Senegal

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló ayaa gaaray wadanka ay jaarka yihiin ee Senegal kaddib markii ay sii daayeen ciidamada militariga ee afgamiyay dowladiisa todobaadkan, sida ay sheegtay dawladda Senegal.
Arintan ayaa dabo joogtay wada xaajood uu sameeyay ururka wadamada Galbeedka Afrika ee Ecowas oo dalbaday in madaxweynaha la sii daayo, xili ay sii kordheyso xiisadda ka taagan Guinea-Bissau.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Embaló uu si nabad ah ku soo caga dhigtay dalkaasi isagoo soo raacay diyaarad ciidan oo loo kireeyay goor dambe oo Khamiistii ah.
Milateriga dalka Guinea-Bissau ayaa horey u dhaariyay hogaamiyaha cusub ee kumeel gaarka ah Gen Horta N'Tam, kaas oo muddo sanad ah maamuli doona wadankaasi u nugul inqilaabka.
Afgambigii Arbacadii dhacay ayaa ku soo beegmay maalin ka hor inta aysan mas’uuliyiintu ku dhawaaqin natiijada ku meel gaarka ah ee doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Ciidamada ayaa hakiyay habsami u socodkii doorashada, waxayna hor istaageen in natiijada doorashada la shaaciyo.










