FBI: Ninka Ciraaqiga ah ee khaarijin rabay George W Bush'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah taageerayaasha ururka Daacish inuu qorsheynayay inuu dilo madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush, balse shirqoolkaasi ay ogaatay FBI-da.
Ninkan looga shakisan yahay inuu qorsheynayey dilka George W Bush ayaa deggan Ohio, wuxuuna ku howlanaa dadka inuu ka soo tahriibiyo xadka Mexico sidaana ku soo geliyo dalka Mareykanka.
Ninkaasi oo haatan xiran ayaa Talaadadii ka soo muuqday maxkamad heer Federaal ah oo ku taalla gobolka Ohio.
Laanta Dambi Baadhista Mareykanka ee FBI waxay sheegtay fashilinta shirqoolka dilka uu muwaaddinka Ciraaqiga u maleegayey madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush, iney u adeegsadeen alaado korontada ku shaqeeya.
Sida laga soo xigtay dokumanti laga akhriyey maxkamadda, shaqsiga falkan looga shakisan yahay oo 52 jir ah magaciisa waxaa lagu sheegay Shihaab Axmed Shihaab, uuna yahay muwaaddin Ciraaqi ah oo Mareykanka ku noolaa tani iyo 2020, isaga oo loo diiday dhalshada dalkaasi inuu qaato.
FBI-da ayaa ku andacoonaysa in Shihaab uu u sheegay ilo sir ah oo lagu kalsoon yahay, inuu ka tirsan yahay koox loo yaqaan Al-Raciid oo Carabi marka lagu macneeyo noqoneyso 'Onkod' fadhigeeduna yahay dalka Qatar.
Shihaab wareysi u siiyey FBI wuxuu ku sheegay inuu qorsheynayey dilka George W Bush maadaamaa 'Muwaaddiniin badan oo reer Ciraaq ah uu dilay', isla markaana 'Dalka Ciraaq uu kala qaybiyey'.
Wuxuuna intaa raaciyey howlgalka lagu doonayey inuu George W Bush lagu dilo uu ka qayb qaadan lahaa 'wax dan ahna uu ka laheeyn haddii uu dhinto, isaga oo weliba sheegay inuu howlgalkaas oo uu qayb ka noqdo uu ku faani lahaa.'
Shihaab waxaa lagu soo eedeeyey aqoonsiga booliska oo been abuur ah inuu isticmaalayey si uu xadka Mexico uu uga soo tahriibiyo maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo howlgalka dilka madaxweynaha fulin lahaa, howlgalka kaddibna uu ugu fududeeya iney Mareykanka ka baxsadaan.
Wuxuuna ku guuleystay laba qof inuu gudaha Mareykanka uu si sharci darra ah u soo geliyo labadaasi qof oo horay uga tirsanaa sirdoonka Ciraaq waaya aragnimana u leh fulinta dilalka qorsheysan.

Shihaab waxaa kale oo lagu eedeeyey inuu xiriir la lahaa koox wax tahriibisa oo ay FBI-da ku daba jirtay. FBI-duna waxay heleen codad ay ka duubeen koox ka mid ah dadka wax tahriibiya oo Shihaab kulammo uu la yeeshay.
Shihaab ayaa la sheegay in uu ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay uu u sheegay inuu rajaynayo in uu u adeegsado dadka wax tahriibiya si uu xubna ka tirsan Daacish uu u soo geliyo Maraykanka, inkasta oo aan lagu eedayn in uu xubin ka yahay kooxdaasi argagixisada ah.
Shihaab magaada Dallas ee Texas wuxuuu watay nin muuqaallada duuba, si uu muuqaal uga soo duubo guriga uu deggan yahay Bush iyo machadka George W. Bush.
Bishii Maarso 2022, waxaa la sheegay Shihaab inuu shir ku qabtay huteel ku yaalla Columbus, Ohio isaga oo raadinayey qaabki uu ku heli lahaa hub iyo dirays sharci darro ah.
Shihaab Axmed Shihaab waxa uu wajahayaa 10 sano oo xarig ah oo ku muteysanayo isku dayga sifo sharci darro ah inuu dad ku soo geliyo Mareykanka, iyo 20 sana oo xarig oo ku muteysanayo gacan ka geysashada isku day dil oo lalal damacsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka.
Afhayeen u hadlay Bush wuxuu sheegay madaxweynihii hore 'Wuxuu ku kalsoon yahay sirdoonka iyo hay'adaha ammaanka Mareykanka oo mas'uul ka ah amnigiisa'.
BBC waxay weydiisay faahfaahin intaa dheer iney ka bixiso kiisakan balse FBI waa ay ka gaabsatay.

Hadalkii ka soo fakada George W. Bush
Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka George W. Bush ayaa wajahay dhaleecayn ballaaran kaddib markii uu si aan ku talogal ahayn Vladimir Putin ugu cambaareeyay weerarka lagu qaaday "Ciraaq", isagoo markii dambe hadalkiisa saxay oo sheegay inuu ula jeeday Ukraine.
"Natiijada ayaa ah in markii aanay gudaha Ruushka ka jirin cid eegta oo isu dheelli tirta [talaabooyinka dowladda], iyo marka go'aanka hal nin lagu qaado dagaal ballaaran oo aanan cudurdaar lahayn oo gardarro ah kaas oo lagu galay Ciraaq - waxaan ula jeedaa Ukraine," ayuu Bush yiri habeenkii Arbacadii mar uu khudbad ka jeedinayay xaruntiisa madaxweyne ee Dallas, ee gobolka Texas, halkaas oo uu uga hadlayay muhiimadda ay leedahay doorashada caddaaladda ah.
75-jirkan hore madaxweynaha uga soo noqday waddanka Mareykanka ayaa si kaftan ah khaladka ka dhacay ugu eedeeyay da'diisa, oo intuu madaxa ruxay isagoo doonaya inuu khaladka uu sameeyay saxo ayuu ka qoslisiiyay dadkii khudbaddiisa daawanayay.
"Ciraaq xitaa waa sidaas oo kale si kastaba oo uu xaal ahaadaba," ayuu ku daray, ka hor inta uusan arrintaba ka gudbin isagoon wax sharraxaad ah ka bixin.
Mr Bush waxa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka markii dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayay lagu qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, waxaana waddankaas lagu eedeynayay inuu haystay hubka wax gumaada, inkastoo aan laga helin.











